Sign in to follow this  
Rokko

Riyaale's wife is looking for an expensive house in Cairo

Recommended Posts

Rokko   

Marwo Huda Barkhad is looking for an expensive house in the most exclusive suburb in Cairo na'mean. Living the good life. Why not. Abdiqasim and Caydiid's wifes are already there along with the wifes of other famous warlords na'mean. It is the spot for the wifes lately na'mean.

 

nile_cairo_600.jpg

huda.jpg

 

 

(SOMALIWEYN.COM) QAAHIRA : Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Huda Barkhad Aadan oo seddex cisho ka hor ka ambabaxday Xarunta Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeisa ayaa waxay hadda ku sugantahay oo ay joogta Xarunta Waddanka Masar ee Qaahira iyadoo ay wehelinayaan Seddex Carruur ah oo ay dhashay, wararka maalmahani ka soo baxaayey xarunta jamhuuriyadda Somaliland ee hargeisa oo weliba dadweynaha ku dhaqan Hargeisa iyo gobolada dalka oo dhan isla dhex marayeen ayaa ahaa Sababta keliftay wakhtigani in Marwada oo wadata Seddexda caruur ah ee ay dhashay ay uga ambabaxeen dalka, iyadoo loo aanaynaayo inay degeyaan xarunta Masar ee Qaahira.

 

Hadaba warar xogogaal ah oo aanu ka hellay, iyo weliba sidoo kalana wargeyska Maalinlaha ah ee Jamhuuriya ee ka soo baxa Magaalo Madaxda Somaliland Hargeysa uu maanta ku daabacay boggiisa hore ayaa la sheegaya in ay Marwada Madaxweynahu Huda Barkhad ka raadinaysay Maalmahani oo dhan Guri iib ah Xarunta dalka Masar ee Qaahira iyadoo ka raadinaysa xaafadda la yidhaahdo Meecaadi , xaafadaasi oo ay degaan ama ku noolyahiin dadka dabaqadda sare ama maal-qabeenka ah ee dalka Masar oo uu weliba maro webiga Niil,Sida qof xogogaal ah oo ku nool xarunta Masar ee Qaahira oo aan la xidhiidhay ii xaqiijiyey isaga oo la sheekaystay Marwo Huda Laftigeeda, Marwadu Huda Barkhad dalka Somaliland ayey dib ugu soo laaban doonta ka dib marka ay iibiso guriga oo ay dejiso Seddexda Caruurta ah oo ay doonayso in dalka Masar ay wax ka bartaan iyadoo u sheegtay qofkaasi oo magaciisa inuu sheego ka gaabsaday inay caruurta kaga iman doonto Gabadh ay walaalo yahiin oo ka soo baqooli doonta ama uga iman doonta Waddanka Canada, Guryaha Xaafadani Meecaadi ayaa qiimahoodu wuxuu u dhexeeya 1.5 Million Dollarka maraykanka ah ilaa 500,000$ dollarka maraykanka ah.

 

Hadaba Xarunta waddanka Masar ee Qaahira ayaa tobankii sanno ee ugu danbeeyey waxay xarun u ahayd xaasaska Hogaamiye Kooxeedyada Soomaaliya sida xaaska Madaxweynahii hore ee Dawladdii Carta Cabdiqaasim Salaad Xasan, iyo Xaaska Xuseen Caydiid.

 

Wixii warar ah ee ka soo kordha Joogitaanka Marwo Huda Barkhad oo ah Marwada Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Riyaale Kaahin waan idinla soo socod siin doona.

 

MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

 

HARGEISA

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this