Sign in to follow this  
Deeq A.

Aadan Madoobe oo qaaday tallaabo cusub oo la xiriirta xiisadda LAASCAANOOD

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo shalay shir guddoomiyay kalfadhigga labaad kulankiisa 7-aad ee Golaha Shacabka ayaa soo jeediyey tallaabo ay tahay in la qaado oo la xiriirta xiisadda magaalada Laascaanood

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa soo jeediyay in guddi loo saaro arrinta Gobolka Sool, isagoo muujiyey in ay tahay wax laga xumaado loona turo dadka shacabka ah.

Guddoomniyaha ma faah-faahin waxa uu qaban doono guddiga iyo habka loo dhisi doono, balse go’aankiisa ayaa yimid ayada oo horey loogu eedeeyey mooshin laga keenay xiisadda Laascaanood. 

Xaaladda magaalada Laascaanood ayaa kacsanayd maalmahan iyadoo ay ka socdeen bannaanbaxyo daba socday dil toddobaadkii hore magaalada loogu gaystay mid ka mid ah siyaasiiyiinta degaanka.

Qulqulatooyinkaas ayaa keenay dhimasho dad rayid ah kadib markii ay ciidamada Somaliland rasaas fureen, sida ay sheegeen dadka degaanka. Waxaa la xaqiijiyey dhimashada ugu yaraan 20 qof iyo dhaawaca tobanaan kale.

Kacdoonka shacabka reer Laascaanood ayaa galay maalintii 10-aad, waxayna ciidamada Somaliland ay weli isku dayayaan in ay awood ku joojiyaan kacdoonkaas.

Beesha caalamka ayaa shalay walaac ka muujisay xiisadda ka taagan magaaladaas.

“Saaxiibada Beesha caalamka ayaa ka walaacsan rabshadaha Laascaanood ee sababay dhimashada iyo dhaawaca dad rayid ah. Ka hortagga rabshadaha iyo xaqiijinta ilaalinta dadka rayidka ah ayaa ugu muhiimsan,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Qoraalka oo aad u koobnaa ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan ku baaqaynaa xasillooni iyo is-xakameyn. Xiisadaha waa in lagu xalliyaa isdajin iyo wadahadal.”

Baaqyo ku aadan in la qaboojiyo xiisadda Laascaanood ayaa iska soo dabadhacaya, balse sida muuqata Somaliland waa ay ka dhego furaysatay. 

The post Aadan Madoobe oo qaaday tallaabo cusub oo la xiriirta xiisadda LAASCAANOOD appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this