Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Xasan oo booqday ciidamada laga keenay Eritrea, farayna arrin deg deg ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kormeer ku tegay xerada Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho, taasi oo ay ku jiraan ciidamada xoogga dalka ee tababarka kusoo qaatay dalka Eritrea.

Madaxweynaha oo salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Qaybta Ilaalo Qaran gaar ahan Gaaska koowaad ee Duufaan ayaa faray in sida ugu dhaqsaha badan ugu diyaar garoobaan ka qayb-galka dagaalka dalka looga xoreynayo Al-Shabaab.

Xasan ayaa sheegay in howl-galka cusub ee deegaanada dhiman lagu xoreyn la rabo in uu ka deg deg bato kuwii hore ee lagu xoreeyay qeybo kamid ah dalka.

“Aniga iyo shacabka Soomaaliyeedba waan ku faraxsanahay dib usoo laabashadiina. Maanta wixii ka dambeeya waxaan galeynaa diyaar garoow iyo dhaqaaq aan ku wajahayno cadowga. Waxaan rabnaa in howgalka cusub ee deegaanada dhimman lagu xoreynayo uu ka degdeg bato kii hore, muddo koobana lagu soo afjaro,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale waxa uu Xasan la wadaagay ciidamadaan rajada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka qabaan in ay dhammeystiraan halganka gaba-gabada maraya ee dalka looga ciribtirayo argagixisada Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntiina uga mahad-celiyay dowladda Eritrea garab istaagga ay u muujisay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed waqtiga adag ee lagu jiro dib u xoreynta dalka.

Ciidamadaan oo tababar kusoo qaatay Eritrea ayaa waxay qeyb ka noqon doonaan dagaalka culus ee lagu xoreynayo dalka, kaasi oo tan iyo markii uu billowday laga gaaray guulo waaweyn.

Saraakiisha ciidanka ayaa qaba in ciidamadaan looga maarmi doono yaraantii ciidan ee heysay dowladda oo sababi jirtay in ciidamada loo raro deegaano kala fog-fog, iyadoo diyaarado lagu qaadayo.

Ciidamadaan oo sanad badan ku maqna dalka Eritrea ayaa dhawaan si toos ah u bilaabatay soo daabulidooda, kadib dadaal uu soo celintooda u galay madaxweyne Xasan Sheekh oo dhowr jeer tagay dalka Eritrea.
Ciidanka-Eritrea-1.jpeg?resize=696%2C464 Ciidanka-Eritrea-2.jpeg?resize=696%2C464 322104859_523244319764990_63245050945051 Odowaa.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 Biixi.jpeg?resize=696%2C512&ssl=1 Ciidanka-Eritrea-3.jpeg?resize=696%2C464 323860344_1555202921665731_1788364832833 323731615_5964314900255952_2571190024848 323445869_1001963607429132_5253542368255 323638263_553742146402568_81542815953477 Ciidanka-Eritrea-4.jpeg?resize=696%2C433 322486288_724171859127941_42187846744623 Ciidanka-Eritrea-5.jpeg?resize=696%2C464 Xasan-Eritrea.jpeg?resize=696%2C464&ssl= Eritrea-Xasan.jpeg?resize=696%2C481&ssl= 323681718_689417565901211_64677681683893 322489953_1151557948864176_3722005813144 323633409_724477195575903_26194440816726 Cidanka-Xoogga-Special-.jpeg?resize=696%

The post Sawirro: Xasan oo booqday ciidamada laga keenay Eritrea, farayna arrin deg deg ah appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this