Sign in to follow this  
Abdiyare

Shir Lagaga Hadlay Xoojinta Maamulka Sool oo ka Dhacay Laas-caanood

Recommended Posts

Abdiyare   

Shir Lagaga Hadlay Xoojinta Maamulka Sool oo ka Dhacay Laas-caanood [News Category - Posted by Admin on Wednesday, 30 July 2003, 20:45:20 GMT]

--------------------------------------------------------------------------------

Laascaanood, Somaliland (Togdheer Online)- Waxa shalay lagu qabtay magaalo madaxda gobolka Sool ee Laas-caanood shir ay ka soo qaybgaleen maayarka magaalada Laascaanood iyo aqoonyahano kale waxaana ugu horayntii halkaasi ka hadlay maaayarka magaalada Laascaanood C/risaaq Maxamad Xasan waxaanuu sheegay in ay lagama maarmaantahay in la ilaaliyo nabad gelyada gobolka waxaanuu sheegay hadii aanay jirin nebedgelyo inaanay lahayn nolol iyo degenaasho midna, sidoo kale waxa uu maayarku sheegay in ay muhiim tahay in lagu baahiyo maamulka Somaliland gobolada Sool iyo Sanaag, waxaanuu intaa ku daray hadii aanay dawladdu u tafaxaydan sidii maamulka Somaliland u gaadhsiin lahayd goboldaasi aanay suurto gal ahayn in la sugo xuduudaha dalka, dhinaca kale wuxuu maayarku digniin usoo joodiyay maamuka majeerteeniya waxaanuu yidhi “ hadii aanay majeerteeniya faraha kala bixin faragelinta ay ku hayso dhulka Somaliland iyo xuduudihiisa waxay masuul ka noqondoonaan cawaaqibxumada ka timaada arintaas.”

 

Intaa kadib waxaa halkaa ka hadlay Maxamed Cabdi Jaamac oo ku hadlayay magaca aqoonyahanada ka soo qaybgalay shirkaasi sida warku sheegay isaga oo taageeray hadaladii uu ku hadlay maayarka Laascaanood waxa kale oo aqoonyahankaasi ka hadlay muhiimada ay leedahay in la ilaaliyo si wada jirana looga howlgalo ilaalinta dalka iyo dadka Somaliland gebo gebadii shirka oo uu xidhay maayarka Laascaanood waxa uu halkaasi ka soo jeedayay dar daaran kooban oo ujeediyay ka qaybgalayaashii shirkaasi waxaanuu marlabaad carabka ku dhuftay inay dadka reer Sool meel uga soo wada jeestaan midnimada iyo ilaalinta dadka iyo dalka Somaliland.

 

Axmed Aadan Yuusuf

Togdheer Online Correspondent

Burco,Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites

How relevent for some that news from LAS ANO is reported from BURCO?

 

Funny as it is arent there any website that are dedicated to SOOL and LAS ANO?

 

To laugh is great to laugh loud and hard is better

 

...................................................................

This is an article found on JUMHURIYA website explaining reasons why SOOL has been lost, it has been posted in its fullness but with running commentary highlighting the most important parts of this great texts. enjoy

 

 

SOOL, WAA SOMALILAND EE MAXAA KHALDAN, yaase ka masuul ah?

Geeridii Cigaal ka dib, Xaaladda Sool,, maalinba maalinta ka dambaysa way ka soo daraysay haddayna ugu xuntahay. Dadka qaarkii waxay ku sharaxaan waxay raaceen Harti, (Puntland) oo qabiilnimo ku doorteen. Laakiin, Somaliland waa dal la yaqaan

 

SO IS SOMALIA A COUNTRY WELL KNOWN

 

haddana ma samaysmin wuxuuu leeyahay khariirad iyo xuduudo iyo gobolo uu ka kooban yahay markay isku dhanyihiin baa la yidhaahdaa Somaliland, waxana deggan bulsho ka kooban beelo la yaqaan oo weligood ku wada noolaa, waa dad isku diin ah ,isku dhaqan ah, isku af ah, isku degaan ah, iskuna dan ah, sinama aan u kala maarmin. Haddaba dadka xidhiidhka intaas leegi ka dhexeeyo

 

LOL, Maaha in la yidhaahdo Sool tagtay waayo Sool, waa Somaliland AGAIN VERY TRUE FOR THE WHOLE SOMALI NATION ARGUMENT DONT YOU THINK?

 

 

qabiilnimo keliya ma ku kala tegi karaan mase ku kala go’i karaan? Jawaabtu waa maya. dadka fikradan faafinayaana waa kuwo dadka marin habaabinaya reer Sool,-na waa dad garan kara dantooda iyo ciday ka dhaxaysoo. Maaha in la yidhaahdo Sool tagtay waayo Sool waa Somaliland ?

 

WHO SAYS THAT? LOL

 

sida Hargeysa iyo Burco u yihiin lamana kala Somalilandsana ee waa inaan isweydiino maxaa khaldan? Khaldamay? Yaa ka masuula? Sidee loo xallin karaa? Waxan qabaa inay jireen khalado dhawr ah oo u baahan in la sheego sida;

 

INTERESTING BUT WHO CAN ANSWER THIS ONE?

 

LETS ANALYSE SHALL WE

 

· Bilowgii waxa jiray tabashooo ayin iyo dhibaatooo ayin beesha u gaara oo ay kaga duwanaayeen beelaha kale una baahnaa waqti ay ku bislaadaan, waqtigii dheeraa wuxuu daaweeyey dhibaatooo ayinkii beesha u gaarka ahaa, waxa soo hadhay tabashooo ayinkii oo xalinteeda iska afgarteen Madaxweyne Cigaal iyo Garaadada Sool, waxa dhexdhexaadinayey labada dhinacna u xilsaareen Cabdixamiid Garaad Jaamac Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibada waa markii ugu horeysey ee isfaham noocan ahi yimaado waxa ku mahadsan Cabdixamiid Garaad oo dadaal dheer u galay isu soo dhowaanshaha labada dhinac, arrintan oo meel fiican maraysa waxa geeriyooday Madaxweyne Cigaal waxayna keentay hakad iyo isbedelo badan. Geeridii ka dib, markii la sii ambaqaaday waxa dhabarjabiyay Daahir Rayaale Kaahin isagoo ugu gabaday wax uu uu ugu yeedhay booqaho, balse ahayd carqaladayn keentayna in uu go’o wada hadalkii iyo xidhiidhkii wada shaqayneed. Dadbaa aaminsan in iyadoo Rayaale mashaariic iyo lacag Sool, u wado ay soo caydhiyeen meelna kaga dhaceen waxayse ilaaween in Madaxweyne aanu booqan meel aan maamulkeeda iyo ammaankeedu sugnayn dhibaatana ka jirin

 

VERY INTERESTING INDEED

 

, wadamada waaweyn ee caalamka ayaa madaxweyne hadduu ogaado in lagu kacsan yahay ama lagu bannaan baxayo uu baajiyaa booqashaddiisii maxaa Rayaale meel aan la bislayn oo aan gacanta lagu hayn ugu sii ordayey? Muxuuse khaladkii hore kuwo kale uga daba geeyey?

 

NOW WE NEED TO BLAME SOMEONE ANY ESCAPE GOATS?

 

·Xubnaha goleyaasha Sool, oo aan haysan kalsoonida iyo taageerada beeshooda, iyaguna waa ogyihiin waxayna ka shaqeeyaan danahooda Gaarka ah sida;

 

OK SO THOSE MP's from SOOL DO NOT REALLY REPRESENT THE PEOPLE OF SOOL, IT GETS BETTER

 

1. Ilaalinta kuraasta ay ku fadhiyaan; ilaalintani waxay kaliftay in xubnaha goleyaashu la coloobaan qofkasta oo ay u dareemaan inuu khatar ku yahay kuraastooda, uma kala aabo yeelaan siyaasiyiin, jaaliyadaha dibadaha ee fasaxa ku yimaada, odayaal iyo waxgarad kale. waxay kaloo xoogga saareen in aanay dhicin in la dhameeyo tabashooo ayinka beesha oo haddii la xalilo oo lays afgarto ay dhici karto in lagu bedelo xubno kale oo beeshu soo xulatay si daana ku waayaan kuraasta ay ku fadhiyaan, fulinta Arrimahan waxay u garabsadaan saaxiibo ay yeesheen intay goleyaasha ku jireen, aflagaado iyo xirfado kale.

 

ITS THE FAULT OF THOSE GREEDY MP's

 

2. Qorshe dhaqaale oo saddex biloodle ah: saddexdii biloodkiiba marbay qalqaashadaan in la siiyo dhaqaale si ay uga soo hawlgalaan degaamadii, markay degaamada tagaan waxba uma sheegaan kamana qabtaan bulshaddii iyo degaankii ay u soocdeen nin waliba ehelkii buu u tagaa qofkii wax weydiiyana waxay ku jawaabaan ma idinkaa na doortay markay soo noqdaan warbixin ma keenaan, ma sheegaan dhibaatooo ayinka iyo tabashooo ayinka beesha si wax looga qabto ee haddana waxay qorsheeyaan habkii ay sadddex_biloodka soo soocda dhaqaale ku heli lahaayeen dhawr maalmoodna degaamada ugu soo madax qarsan lahaayeen. Habkan waxa laga gacansanayey sannado badan wuxuuu keenay in dadku Somaliland aragti khaldan ka qaato, degaamada kalena waxay u fahmaan in dhaqaalihii dalka Sool, loo raro waase hanti si qaldan u baxday..

 

THOSE EVIL DOERS STEAL THE MONEY OF THE NGO's,

 

3. Qaadasho Qandaraasyada Mashaariicda: Waxay sharciyeysteen in mashaariicda horumarineed iyo samafaleed ee degaamada laga fulinayo iyagu qandaraastaan ama ay ku qortaan dad qoo ayskooda ah (family), oo NGO loo sameeyey, Talaabadani waxay sababtay inay burburaan NGO-yadii iyo Shirkadihii hore u dhisnaa markay waayeen tartan xalaala oo ururka lagu qiimaynayo shaqo wanaaggiisa iyo aaminimadiisa arintiina isu bedeshay garab, ficilkani waxa dadku u arkayaa cadaalad darro iyo in loo isticmaalayo oo lagu waxyeelaynayo Somaliland midhaheeduna waa sii fogeyn degaamadii ay sheeganayeen inay wakiil ka yihiin.

 

LETS PUT THE SPOTLIGHT ON THE REAL EVIL DOERS FROM SOOL...

 

Qaybe iyo Kursigiisa oo kaalintoodii ka baaqsadey:

 

A WEAK MAN WHO HAS NO INFLUANCE, HOW DID A MAN OF SUCH CALIBER GET TO THIS POSITION?

 

 

Axmed Maxamed Aadan Qaybe (WHO)?(Guddoomiyaha Golaha Wakiilada) oo ku fadhiya kursiga ugu sareeya beesha Sool, ay oo waajib ku ahayd inuu isku xilqaamo xal u helida, xidhiidhinta, kalsooni abuurida iyo soo dhowaynta oo kaalintiisii gabay, markii booskan la xulanayey waxay ahayd in la tixgeliyo kalsoonida iyo taageerada uu qofku ka haysto beeshiisa iyo taariikh nololeedkiisii hore iyo sida bulshada Somaliland oo dhami ugu qanacsantahay iyo faaiidada uu u leeyahay Siyaasada dibada, midna lama tixgelin,

 

 

THE POWER OF ABDULLAHI YUSUF CAN KEEP YOU IN YOUR JOB WOW,

 

1. Taageero kama haysto, xidhiidhna lama laha Beeshiisa, eeg sida aanu dan uga gelin wixii dhibaato dhexdooda ka dhacay, wax ka soo qabad daayoo, wuxuuu isticmaala kelmado uu ugu sii harag tuurayo sida haddii layla hadlo waxan aadayaa Ina adeerkay Cabdillaahi Yuusuf taas oo macnaheedu yahay Somaliland waa laynagu qabyaaladaynayaa ee ilma adeeradeen Harti yaan laga iman.

 

THIS MAN HAS A HISTORY, HE USED TO WORK FOR DICTATOR SIYAD BARRE, DAMN THIS IS SO WRONG, IRONIC LOL

 

 

2. Faa’iido siyaasad dibadeed ma leh maadaama uu u shaqayn jiray Kacaankii keligiitaliska ahaa oo noocooda adduunka oo dhan laga necbaa saraakiishii ka tirsanaydna siyaasiyiin looma tixgeliyo ee waxa loo yaqaan dad xun oo u dhigma Naasigii Jarmalka.

 

LETS HEAP IT ON A BIT MORE ON THIS MAN

 

3. Wuxuuu Somaliland ka caydhiyaa qofkii ( wasiirada ama saraakiisha sar sare ) uu u arko inuu wax ka qabanayo Degaamada beeshiisa isagoo caadaystay inuu ku hanjabo inuu iska tegayo ( iscasilayo ) taas oo ah xadgudub weyn oo lagu sameynayo muwaadin waajibkiisii gudanaya iyo curyaamin waxqabadka Sool, iyo horumarka dalka.

 

ON CONCLUSION WE THINK

 

Somaliland waa mid Ilaa Lowyacado iyo Yoocada waa in dadku gartaan dhabta maaha kala tegis ama kala go’is suaashu waa maxaa khaldan? Yaase ka masuul ah? Sidee wax looga qabanayaa haddii xubnihii goleyaasha ee beeshu dabada jiidayaan oo dadkii sii eryayaan? Xal mala helayaa haddii Madaxweynuhu markay arrintu soo dhawaatoba qasayo?

Ibrahim Adam Mahamed, Canada.

Jumhuriya

 

--------------------

May allah bring peace to Somalia,

may it thrive and grow...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this