Sign in to follow this  
Abwaan

Meel kasta Itoobiyaan baa nooga horreeya, kuwaan madax-ku-sheegga ah waa na gateen!

Recommended Posts

Abwaan   

JAMHUURIYADDA SOMALILAND

 

Warsaxaafadeed,

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Daahir Rayaale Kaahin iyo weftigii uu hogaaminayey oo ku gudo jira socdaalkii ay ku marayeen dalka Sweden, waxay kulan ballaadhan la yeesheen, dadka reer Somaliland ee deggan Dalkaasi, kullankaasi oo ay ka soo qayb galeen dad aad u tiro badan oo ka kala yimid daafaha dalkaasi, waxa ka muuqatay farxad iyo raynrayn ay ku soo dhaweynayeen weftiga, iyagoo qaarkood lulayey Calankii Somaliland, kuwa kalena ku labisnaa.

 

 

 

Madaxweynaha JSL, oo khudbad u jeediyey dadkii halkaasi isugu yimid,waxa uu uga waramay ula jeedada socdaalkooda inuu yahay inay sii xoojiyaan, xidhiidhka ka dhaxeeya Somaliland iyo Sweden, waxana uu shirka u sheegay in Dawladda Sweden ay ka go’an tahay in Somaliland ay si gooni ah u tixgeliso, gaar ahaan Arrimaha horumarka iyo kaalmada Mashaariicda.

 

Madaxweynuhu waxa uu kula dardaarmay qurbo jooga reer Somaliland ee deggan Sweden in ay muujiyaan midnimo iyo wadajir, iyada oo ay ka faa’idaysanayaan aqoonta iyo ilbaxnimada dadka ay la nool yihiin, uguna faa’ideeyaan dadkooda marka ay ku soo guryo noqdaan Somaliland

 

Madaxweynaha waxa ka mid ahaa hadaladiisii uu halkaasi ka jeediyey “ Waa in aanu albaab walba garaacnaa oo aananu ka daallin sidii aqoonsi aanu ugu heli lahayn dalkayaga” ayuu ku soo gunaanaday hadalkiisii Mudane Rayaale.

 

Madaxweynuhu waxa kale oo uu ka jawaabay su’aalaad badan oo ay u soo jeediyeen dadkii shirkaasi ka soo qayb galay. Waxa iyana halkaa hadal kooban oo mahadnaqa ka jeediyey Wasiirka Arrimaha Debedda Mudane, Cabdillaahi Maxamed Ducaale iyo Wasiiradda Arrimaha Qoyska iyo Horumarinta a Bulshada, Marwo Faadumo Suudi Xassan, oo iyana weftiga ku soo biirtay.

 

Waxa kale oo iyana hadal soo dhaweyn iyo mahadnaq isugu jira halkaasi ka jeediyey dadka reer Somaliland ee Sweden deggan oo ay ka mid yihiin, Wakiilka Somaliland u fadhiya Sweden iyo Madaxda Jaaliyadaha Reer Somaliland.

 

Waxa dabadeed habeenkii xalay ay Madaxda Jaaliyadaha Reer Somaliland ay martiqaad ballaadhan ugu sameeyeen Madaxweynaha iyo weftigiisa Huteelka Caanka ah ee la yidhaahdo Hilton Hotel martiqaadkaasi oo iyana ay ka soo qayb galeen, Safiirka Ethiopia u fadhiya Scandanevian-ka oo hadal kooban uu halkaa jeediyey ka waramay xidhiidhka saaxiibtinimo iyo jaarnimo ee ka dhaxeeya labada wadan ee Somaliland iyo Ethiopia iyo Xildhibaano ka socda Axsaabta Siyaasadda ee Dalka Sweden.

 

Weftigu waxay Maanta iyana la shireen Wakaaladda Horumarinta Dhaqaalaha ee Caalamiga ah la yidhaahdo “SIDA”, halkaasi oo la isla soo qaaday xidhiidhka ka dhaxeeya labada wadan siiba, Mashaariicda Horumarinta ee Somaliland ay danaynayso in ay ka caawiso Dawladda Sweden. .

 

Weftiga uu Hogaaminayo Madaxweynaha JSL, waxa kale oo caawa Martiqaad Casho Shafar ah u sameeyn doona Safiirka Ethiopia uga wakiila Wadamada Scandinavian-ka. Mr. Dina Mufti.

 

Allaa Mahad Leh,

 

Siciid Caddaani Moge

 

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL ahna

 

Af-hayeenka Weftiga Madaxweynaha JSL

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by Abwaan:

JAMHUURIYADDA SOMALILAND

 

Warsaxaafadeed,

Weftiga uu Hogaaminayo Madaxweynaha JSL, waxa kale oo caawa Martiqaad Casho Shafar ah u sameeyn doona Safiirka Ethiopia uga wakiila Wadamada Scandinavian-ka. Mr. Dina Mufti.

 

Waxaan la yaabay meel kasta waxaa noo taal isbaaro Itoobiya, safiir, afmiishaar, basaas bay meel kasta dhigteen. Soomaaliduna waxay iskaga socdaan dabinkaan ay noo qoolayaan.

 

Anigu shakhsiyan kolleey ammaan baan u soo jeedinayaa wanaagga ka jira gobollada Waqooyi ee Soomaaliya khaasatan dhinaca nabadgeliyada iyadoo ay jiraan meelo kale oo laga gaabiyey sida dib-u-dhiska haddana maamulka meesha ka jiraa waa another kaba-qaad Itoobiyaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I dont know if you really scared of itoobiyaans or you just don't want them to live on the earth like everybody else ,,,,,,,,,,

 

Ethiopia is one the African governments and they can invite who they want and they can meet anybody ,,,,,,, they are our neighbours and we have a good relationship for the moment. If you can't maintain that relationship then don't cry with jealousy ,,,,,,

 

The president is meeting with the whole world and you just picked up the ethiopian one ,,,, that is unreasonable sxb ,,,,,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

^Finally a secessionist supporter who doe snot hide his love for Ethiopia. What do you think of the ICU Jacaylbaro?

Share this post


Link to post
Share on other sites

There is a difference between a good relationship and love sxb ,,,,,

 

I thought the ICU will be more friendly than anyone but they prooved the contrary ,,,, they would kill everyone in Somaliland if they get the chance but i'm glad they know now ,,,,

 

I was listening the poor abshir bacadle on the BBC the other day ,,,,, i wish he would have that idea when he was a member of the ICU ,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

I thought the ICU will be more friendly than anyone but they prooved the contrary ,,,, they would kill everyone in Somaliland if they get the chance but i'm glad they know now ,,,,

Thats a serious charge yaa JB. What is your prove the ICU had the intention of killing "everyone" in Somaliland? Your cheap comments is getting desperate and not funny anymore.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by Jacaylbaro:

may be you were not following their statements sxb ,,,,,,, it was not funny to me too

In which statement did they say they would kill everyone in S/land?

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Originally posted by Jacaylbaro:

[QB]

 

I thought the ICU will be more friendly than anyone but they prooved the contrary ,,,, they would kill everyone in Somaliland if they get the chance but i'm glad they know now ,,,,/QB]

JB so according to you the ICU wanted to kill everyone in the secessionist entity? Aduunyo naac naac kasta meesha soo waa lagu hayaa.

 

JB as I said before you get paid by the Xabshis to spread propaganda, thats why we never hear anything anti-xabashi from your mouth. You pretend to be a supporter of teh secessionists entity,but in reality you support the Xabashis.

Share this post


Link to post
Share on other sites

What is all this fuss saaxiibayaal ,,,

 

Me, it is not surprising that everyone who is not supporting your idea is paid by xabashis, i'm wondering who is paying you then ,, :D

 

Waar the ICU prooved they are our enemies and they existed only 6 months ,,,, they should be more religious and respect the other muslim entities ,,,,,, now i shouldn't talk about them coz they are gone for good.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by Jacaylbaro:

I dont know if you really scared of itoobiyaans or you just don't want them to live on the earth like everybody else ,,,,,,,,,,

 

Ethiopia is one the African governments and they can invite who they want and they can meet anybody ,,,,,,, they are our neighbours and we have a good relationship for the moment. If you can't maintain that relationship then don't cry with jealousy ,,,,,,

 

The president is meeting with the whole world and you just picked up the ethiopian one ,,,, that is unreasonable sxb ,,,,,,,

I am not scared of Ethiopia but I beleive Ethiopia is still the enemy of Somalia. Of course they will always remain our neighbours but I don't have to be kabaqaad for them.

 

Jacaylbaro it is not ok if Abdullahi Yusuf goes to Addis but more than ok if Riyale goes and meets Meles and his ambassadors? Is that waxaad rabtid inaad iga gadid. I am sorry laakiin aniga taasi iguma socoto. Dad baa u haysta in TFG keliya looga soo horjeedo inay Itoobiya kabaqaad u yihiin saaxiib waa la kala horreeyaa ama jeclayso ama ha jeclaysan.

 

And finally I picked the Ethiopian one because I don't trust him. I think I said b4 that I am not against wanaagga Gobollada Waqooyi before you start calling me names.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by Dhubad:

^Ninkaan JB layiraahdo waanba kashakiyay mar hore.
:D

loooooooooool..............haddana wuuba is caddeeyeyba.

Share this post


Link to post
Share on other sites

you seem to be reasonable and you can take arguments unlike some other members here sxb.

 

But one thing you should know is the difference between the kaboqaad and a good neighbour ,,,, Somaliland always knew it is important to keep a good relationship with all the neighbours including Djibouti who always wants to start problems but we always ignore them just to keep the neighbourhood relation.

 

Here is where the died ICU failed when they threatened every country in the region in one reason or another ,,,,,,, and that is the skill most of the somali leaders are lacking .... i can name A/Qaasim as one of them.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Horta waxaaba la yaabay the deep ignoring of one fundamental issue that cuts deeply in feeble arguments of those who cherish to sustain the colonial British-marked, gumeysi boundaries -- how come did they forget the good, old grazing land of Hawd?

 

Whatever happened to Hawd? Wasn't Hawd part of British-controlled gumeysi lands for many years until colonialists acceded it completely to Xabashadda in mid 1950s, and unlike the entire Soomaali Galbeed, which it did in '40s? No?

 

Why no body goes after Xabashadda about Hawd -- let's just keep entire Soomaali Galbeed out for the sake of simplicity -- before this so-called 'good neighbour' of Xabashi?

 

Oh, the master is feared since he is not Soomaali.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this