Sign in to follow this  
General Duke

Galkacyu: Puntland mature approach to conflict resolution

Recommended Posts

Gaalkacyo: Maxaad kala socotaa qodobadii lugu heshiiyey Wada hadaladii Puntland & Galmudug….WARBIXIN..

 

28. december 2009

Gaalkacyo(AllPuntland)- Maalmihii ugu dambeeyey oo ay socdeen dadaalo ku wajahan dajinta xaaladaha magaalada Gaalkacyo iyo sidii xal waara looga gaari lahaa rabshado kala gedisan oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo labadii bilood ee lasoo dhaafay, ayaa usocday maamulada Puntland & Galmudug.

 

Madaxda labada dhinac, Ganacsatada iyo Waxgaradka oo maanta xaadiray markii labaad hoolka Shirarka ee Garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo, ayaa laga wada hadlay qodobo badan oo khuseeyey xaaladaha magaalada.

 

Sida lafilayay shirka ayaa ladoonayay in maanta laga amba qaado qodobadii shalay laysku soo qaaday, balse aan laga gaarin go’aanka mideysan, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen baaritaano lugu sameeyo Masuuliyada wixii dhacay cida lahayd, sameynta xad kala qeybiya Puntland iyo Galmudug iyo go’aan aan layskugu soo laaban oo laga gaaro dagaalada magaalada.

 

Dhinacyada ayaa soo jeediyey fikrada aan kala fogeyn, waxaana ay xaaladu aad uga soo durugtay meel ay ka eegayaan dhinacyada kale ee falanqeeya xaaladaha magaalada Gaalkacyo.

 

Maamulka Puntland oo doonayay in sameynta xaduud laga sameeyo gudaha magaalada, maadaama ay labo Maamul ka shaqeynayaan magaalada, ayaa intii aysan bandhigin qorshahooda dhinaca Galmudug waxa ay soo jeediyeen sameynta xaduud,iyagoo sababta uga dhigay maadaama ay soo laab-laabatay dhibka dagaalda iyo amaan la'aanta, taasoo noqotey mid ay isku raaceen dhinacyadu sacabna ku soo dhaweeyeen, sida uu APL usheegay Axmed Muuse Nuur oo ah gudoomiye kuxigeenka golaha deegaanka ee magaalada Gaalkacyo oo ka qeybgalay wada xaajoodyada.

 

Kulanka oo ahaa mid saxaafada loo diiday, maadaama qodobo hoosaadyo ku saabsan xaaladaha Gaalkacyo laga hadlayay, ayay APL heshay qaar kamid ah qodobadii lasoo qaaday mudadii uu socdey wada xaajoodyada, luguna heshiiyey dhamaadkii wada hadalada, kuwaas oo kala ahaa.

 

1- In Heshiiskii la gaaray maalintii la joojiyey xabada, la xoojiyo lana taabagaliyo, dhinacyaduna ay bilaabaan sidii horumar wanaagsan looga gaari lahaa magaalada Gaalkacyo.

 

2- In gudi Madax banaan loo saaro dhibaatooyinkii ugu dambeeyey ee ka dhacay magaalada Gaalkacyo, iyadoo ay dhinacyadu isku afgarteen in maanta lugu dhawaaqo xubnaha gudigaasi oo lashaaciyey, dhinac kastana magacowday xubnahaasi oo berito howshooda bilaabaya.

 

3- In dadka Gaalkacyo aysan kala maarmin oo ay wada yihiin dad Soomaaliyeed, hadana wada daga gobalka Mudug, baahi weyna uqaba nabadgalyo iyo amaan wanaagsan ee ay helaan.

 

4- In si toos ah oo aan gabasho laheyn looga wada shaqeeyo amaanka iyo xasiloonida, lana diyaariyo jiil wanaagsan oo wax badan ka qabta xaaladaha amaanka, lagana garowsaday in ay dhinacyadu yihiin kuwa aan kala maarmin.

 

5- Ergada ayaa garowsaday in xaduud la’aanta timid in ay dhib utahay mashaakilaadka inta badan ka dhacay magaalada Gaalkacyo, waxa ayna isku raaceen sameynta xadkaas, maadaama laysku racay in ay baajin karto rabshadaha Gaalkacyo oo ay xaalada dajin karto.

 

Gudiga lugu dhawaaqay ee ka socda Puntland iyo Galmudug ayaa waajibaadkooda shaqo sidoo kale lugu qeexay wada hadaladii maanta oo qaatay saacado badan, lagana soo baxay Abaare saacada Gaalkacyo markii ay ahayd 01:00 Duhurnimo, iyadoo ay bilowdeen Barqanimadii saakadii hore ee Gaalkacyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waajibaadka gudiga la sameeyey ayaa laga dhigay sidan.

 

1- In ay ka soo tala bixiyaan sida ugu wanaagsan ee loogu wada noolaan karo Gaalkacyo, oo labadii bilood ee lasoo dhaafay ku jirtay dagaal iyo xaalad kacsanaan ah.

 

2- In in ay ka soo hadlaan kana soo tala bixiyaan calaamado lugu kala garan karo Maamulada labada dhinac (GALMUDUG VS PUNTLAND), qodobkan wuxuu ka mid yahay qodobada ay maanta ku wada hadleen dhinacyada oo umuuqday mid dood culus galay, oo ay ku jirto xad cad oo la muujiyo.

 

3- In la helo cidii ka wada shaqeyn lahayd xaduuda ama xadka markii lasameeyo, si toos ahna uwada sugi lahayd amaanka iyo nabad ku noolaanshaha Gaalkacyo, loona heli lahaa qofkii dambila oo aysan udhaceen falalkii dhacay maalmihii ugu dambeeyey oo aysan xiisad ka dhalin dil dhaca, ee qolo kasta qofkii wax dila loo keeni lahaa loona soo qaban lahaa.

 

Gudoomiye kuxigeenka Golaha deegaanka ee magaalada Gaalkacyo Md, Axmed Muuse Nuur ayaa usheegay APL in ay dhinacooda ku faraxsan yihiin go’aamadii laga gaaray madasha, isagoo ka mid ahaa ka qeybgalayaashii wada xaajoodyada.

 

Axmed wuxuu usheegay APL in ay rajeynayaan in ay wada hadalada uu ka qeybgalayo ay noqdaan kuwii ugu dambeeyey oo lugu soo dhameeyo howlaha magaalada Gaalkacyo, isagoo tilmaamay lama huraanimada in nabad iyo jawi wanaagsan looga shaqeeyo magaalo Madaxda gobalka Mudug.

 

Wada hadalada ayaa sii soconaya tan iyo inta layskaga gaarayo go’aamada ugu muhiimsan oo noqon doona kuwa wajahaya xaaladaha rasmiga ah ee magaalada Gaalkacyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Aragtiyo kala duwan oo ka jira xaalladda Galkacayo

27 Dec 27, 2009 - 10:56:47 AM

 

Waxaa jira aragtiyo kala duwan ee kasoo baxaya qaabka loo xalin lahaa khilaafkii bilaabey in dagaal khasaaro badan keeney ka dhaco magaalada Galkacayo oo ah xarunta gobolka Mudug..

 

Warsidaha Garowe Online oo xuuraansadey arrimahaan ayaa waxaa uu ogaadey in maamulka dowladda hoose ee u hogaamiyaha ka yahay duqa magaalada Galkacyo qabo fikirka ah in dadka rabshadaha ka bilabey islamarkaan is-hortaagey howsha jidad baneynta dib ugu noqdaan goobihii ay marka hore ka yimadaan oo ah xaafada Baraxey.

 

Halka fikir kale oo ka duwan ka imaanayo qaar kale oo ka tirsan siyaasiyiinta gobolka oo sheegaya in aysan markii horeba aheyn in dadkaan lagula dagaalamo goobtaan madaama aan la xakameyn dadkaan goobahaan madaama ay salka ku hayaan degaamo aan wax xasilooni ah ka jirin.

 

Fikrada noocaan ah waxa ay dib u dhac ku sameeyeen in wadahadaladii lagu wadey in lagu gaaro xal nabad ah bilwdaan taas oo sababtey in dowladda Puntland wafti ka kooban Xukuumadda u dirto Galkacyo.

 

Dhinaca kale dadka dagan guryaha iyo goobaha ganacsi ee suuqa rabshadu ka dhacdey ayaa ku doodaya in tani meesha ka sareyso heshiiskii Galkacyo ee lagu joojiyey coolada 1991-1992 kuwaasoo ku adkeysanaya in guryaha laga kireeyo hadii dadka isla leh ogolyihiin.

 

Waxaa marag ma doonta ah in amaan darada ka jirta Woqooyiga Galkacayo dadka gaystaa marin kasoo dhigtaan Koonfurta Galkacyo iyada oo uu halkaas ka jiro maamul aan awood laheyn kaasoo la magac baxey Galmudug.

 

Dowladda Puntland oo arrintaan iyo kuwo kale oo amniga la xiriira horyaaliin ayaa xal u helida mushkiladaan hortaalaa iyada oo horey ugu guuleysatey in xaliso xiisadii ka dhaltey dilkii lo gaystey Alaha u naxariistee Wasiirkii hore ee Warfaafinta Warsame Cabdi Shirwac.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wararka ugu dambeyey xalada magaalada Galkacayo

29 Dec 29, 2009 - 1:27:15 AM

 

Wararka naga soo gaaraya magaalada Galkacayo ayaa sheegeya in ay socdaan wadahadaladii lagu xalinayey khilaafkii dhaliyey in dagaalka.

 

Garowe Online oo la hadley xubno ka tirsan Wasiirada ka qayb galaya kulankaas ayaa waxaa ay u sheegeen in is-fahan lala gaarey xubnhii shrka uga qayb galayey dadka magaalada Galkacayo ka dagan xaafada Baraxley kuwasoo ay kamid ah maamulka Galmudug.

 

Xogahaan ayaa sheegaya in leysla gaarey hoostana laga xariiqey in degaanka gaar ahaan xaafadaha iyo suuqa rabshadu ka dhacdey yahay mid Puntland hoos yimdaada islamarkaana go'aan ka gaaristiisa ah in dadkaan ka guuraan ama sii daganaadaan ay ku xiran tahay dowladda Hoose ee degmada Galkacayo [Puntland].

 

Waftiga ka socda dhinca Barxley[ Galmudug] ayaa iyaguna sheegin ineysan waxba ka qabin arimahaan la soo hordhigey islamarkaana muran ka taagneyn cidda ay mamaul ahaan hoos timaado suuqa iyo xafdaha dagaaladu ka dhaceen.

 

Dhinaca kale waxaa laga sugayaa Galkacayo wafti ka imaanaya Muqdisho kuwaasoo ku soo biiri doonaa wadahaalada.

 

Galkacayo ayaa waxa iminka ku sugan wafti ka kooban Wasiiro iyo Taliye-yaasha ciidamada puntland [ Daraawiish iyo Boolis].

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this