Sign in to follow this  
Saalax

Sii-laanyo Somaliland ma soo geli karo

Recommended Posts

Saalax   

Sii-laanyo Somaliland ma soo geli karo

 

 

Xukuumadda Somaliland Oo Shaaca Ka Qaadday Inaanu Axmed-Siilaanyo Dalka Soo Gali Karin Illaa Uu Cafis Soo Waydiisto, Ciidamadana Ku Ballamisay

 

Hargeysa(HWN):- Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Axmed Aadan Ismaaciil (Axmed-Kayse), ayaa sheegay inay Xukuumad ahaan ka go’an tahay inaanu dalka soo gali Karin Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Axmed-Siilaanyo) oo ah Musharaxa jagada Madaxweynaha dalka Xisbigiisa ugu tartamaya, isla markaana waxa uu Wasiir ku-xigeenku ka codsaday Ciidamada nabadgalyadu inay la socdaan dhaqdhaqaaqa Axmed-Siilaanyo.

 

 

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibaddu Kayse, waxa uu sidaa ku sheegay waraysi uu xalay siiyey TV-ga Afka Madaxtooyada ku hadla, kaasoo isla xalay warkan baahiyey. Waxaanu Wasiir ku-xigeenka Amuuraha Dibadda Somaliland, waraysigaa ku sheegay inaanay ogolaan doonin in Axmed-Siilaanyo dalka soo galo ilaa uu codsado in la cafiyo, maadaamoo uu Siilaanyo qirtay inuu aaminsan-yahay Soomaaliweyn waa sida uu hadalka u dhigay’e.

 

 

“Axmed-Siilaanyo waxa uu ka horyimi Qarannimadii Somaliland, waxaanu caddaystay inuu yahay nin aaminsan Soomaaliweyn, maadaamoo uu caddaystay Soomaaliweyn, waxa uu la mid yahay Raggii hore ee ka horyimi gooni-isu-taagga Somaliland. Mana soo gali karo dalka illaa uu Xukuumadda Cafis waydiisto. Waana inay Ciidamadu la socdaan dhaqdhaqaaqyada uu Siilaanyo ka wado waddamada dalka dibaddiisa.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Axmed Aadan Ismaaciil (Kayse).

 

 

Hadalkan Wasiir-ku-xigeenka ka soo yeedhay ayaa ku soo beegmay laba maalmood uun ka dib markii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Daahir Rayaale Kaahin oo shir Jaraa’id Madaxtooyada ku qabtay Guddoomiye Axmed-Siilaanyo ku eedeeyey inuu aaminsanaa Soomaaliweyn oo aanu Somaliland aaminsanayn. Waxaanay hadaladan Madaxweyne Rayaale iyo Wasiir Kayse, daba socdeen waraysi Tifaftiraha Shabakadda Hadhwanaagnews la yeeshay Siilaanyo oo Safar ku jooga Maraykanka. Kaasoo uu Siilaanyo ku sheegay inaan SNM markii hore u dagaalamaynin gooni-u-goosad, taasna ay ka midaysnaayeen Saraakiishii SNM. Hase ahaatee, markii dalka la qabsaday ee lagu dhawaaqay Somaliland 1991-kii uu ayiday Somaliland, balse marka hore aanay wax go’aan laga gaadhay ahayn.

 

 

Madaxweyne Rayaale oo hadalkiisa aad loola yaabannaa, ayaa waxa dadweynuhu sii yaabay ka dib markii xalay uu dhawaaqa hadalka Wasiir ku-xigeenka Ammuuraha Dibaddu dhagahooda soo gaadhay. Isla markaana waxa kaliya ee ay dadweynaha reer Hargeysa iyo Magaalooyinka kaleba hadal-hayntooda ugu badani waxay ahayd hadalka Wasiirka ka soo yeedhay. Waxaanay dadweynuhu muujiyeen dareen cadho leh oo ay kaga soo horjeedaan tallaabadan, waxaana qof kasta iyo koox kasta oo Sheekadan hadal-haysaa ay kuu muujinayaan markaad wax ka waydiiso ama ay iyagu wax iska sii waydiiyaan, in Rayaale iyo Xukuumaddiisu wadaan qorshe ay ku carqaladaynayaan doorashada Madaxtooyada Somaliland oo la filayo inay sannadkan gudihiisa dalka ka qabsoonto.

 

 

Waxa kale oo ay muujinayaan dadweynaha reer Hargeysa haddii Siilaanyo wakhtigii Somaliland lagu dhawaaqay uu Soomaaliweyn aaminsanaa in Daahirna wakhtigaa ahaa ka mid ahaa Rajiimkii dalka laga xoreeyey. Si kastaba ha ahaatee, hadal-haynta arrintan ayaa ah ta ugu badan ee illaa xalay ku soo noqnoqonaysa dhagaha qof kasta oo Caasimadda ku sugan, iyada oo aad loogu hadal-hayo, Meelaha laysugu yimaaddo, sida Huteelada cuntada, Makhaayadaha Shaaha, Meelaha Bunka laga cabbo, Dukaamada, Mafrishyada, Xafiisyada, Basaska iyo guud ahaanba meelaha ay inta badan Bulshadu ku kulanto, taasoo qof waliba qofka kale u sheegayo inay tahay arrin ku day ah oo Xukuumaddu wax kale ku doonayso, ee aanay ahayn wax caqli gal ah oo qof soo jeedaa ku xisaabtami karo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Daahir Riyaale oo amar ku bixiyay Siilaayo inuusan soo gali karin Somaliland

 

Waxaa xalay shir ku yeeshay Madextooyada Hargaysa Wasiiro iyo ragii ugu sareeyay dhinaca ciidamada somaliland. shirkaas ayaa waxaa la isla soo qaaday sidii dalka uusan ugu soo noqon lahayn Axmed siilaanyo oo ah guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ee kulmiye.

 

intaas kadib ayaa qaar ka mid ahaa wasiirada shirka ku jiray ayaa aad ugu hor yimid.

 

Kadib markii shirka laga soo baxay ayaa waxaa shir jaraa'id ku qabtay Madaxtooyada Wasiir ku xigeenka wasaarada Arimaha Dibada ee Maamulka isku magacaabay Somaliland, Axmed Keyse oo ay ku sugnaayeen Tv-ga dawladda maamusho, waxuu sheegay innuusan soo gali karin Axmed Siilaanyo dalka illaa uu warqad u soo qorto Daahir Riyaale, uuna amar ku siiyay dhamaan Ciidamada airportada innay qabtaan hadii uu yimaado.

 

Mid kamid ah warsiirada shirka ka soo baxay oo ay WidhWidh Online la hoos carartay Microphone ayaa waxay waydiiyeen maxaa Axmed siilaanyo loogu diidan yahay inuu ku soo noqdo dalka, waxuu ku jabwaabay horta waxa caawa dhacay waa wax aan qaadan kari waayay, balse waxaan idiin sheegayaa in la yidhi waa somaliweyn ninkaasi iyo arimo kale.

 

Wasiir ku xigeenka wasaarada Arimaha Dibada , Axmed Keyse ayaa ah nin asalkiisii ka tirsanaa xisbiga mucaaridka ee Asad, kidbna ku soo biiray Xisbiga UDUB ee uu hogaamiyo Daahir Riyaale, waxaase lala socon waxa ay keeni karto hadii arintani dhacdo.

 

Maxamed Siyaad Faarax-(Kabaweyne) Hargaysa (Wariye Madaxbanaan) Radio WidhWidh

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Sacad,

 

widhwidh, meel kasta oo caalamka ka mid ah waa ka warheysaa oo cid na kuma gaaraso wararka lagu kalsoonayahy iyo kuwa ugu danbeeyey

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hunguri   

Siilaanyo is a hero, and he is the only veteran politician whose merit and charisma could play a major role solving the problems of Somalia in unisom.

 

Waxaase la yaableh, Rayaale oo CID ahaa iyo Cirro oo Godkii Jilicoow hor joogi jiray ayaa maanta ninkaas u hanjabaya :D Ninkii Gabyay wuxuu yidhi!!!

 

 

Aan ku cuno, kuguna ciil baxee hayga caban waana

 

Aan ku raro reerkana kugu dhaqdee hayna kala reebin

 

Aan ku dilo dadkuna yaanay arag dakharka dhiigaaga

 

 

PS:

 

Tixdaas gabayga ah, waxay cabbiraysaa waxyaalo fara badan oo ka jira ( Somali land & Puntland )

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

...Aan ku dilo dadkuna yaanay arag dakharka dhiigaaga

 

Now-a-days that is called a 'good governance(... and Democracy')

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland oo Waxba kama-jiraan iyo Been Abuur ku Tilmaamay Dhawaaq ka soo Yeedhay Wasiir-ku-xigeenkiisa

 

Hargeysa(HWN):- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Somaliland Cabdillaahi Maxamed Ducaale, ayaa beeniyey hadal habeen-hore ka soo yeedhay Wasiir-ku-xigeenkiisa Axmed Aadan Ismaaciil (Axmed-Kayse), kaasoo uu ku sheegay inaanay Xukuumaddu ogolaan doonin inuu Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed-Siilaanyo dalka soo galo ilaa inta uu ka noqonayo, cafisna Xukuumadda ka soo waydiisanayo qirashada inuu Somaliland aamminsanaa. Hase ahaatee, hadalkaas Wasiir ku-xigeenka Arrimaha dibadda oo dareen badan dhaliyay, ayaa Wasiirka Wasaaraddaasi Mr. Ducaale, waxba kama jiraan ku tilmaamay.

 

Waxaanu Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Cabdillaahi Maxamed Ducaale, sheegay in Axmed Maxamed Maxamuud (Axmed-Siilaanyo), yahay Guddoomiye Xisbi, isla markaana yahay Nin u sharaxan Jagada dalka ugu saraysa ee Madaxweynanimo, sidaa daraadeedna uu yahay Masuul Sharaf iyo Qaddarin ka mudan Qaranka Somaliland.

 

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland, waxa uu sidaa ku sheegay waraysi uu siiyey Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLLA, waxaana lagu baahiyey Idaacadda Afka dawladda ku hadasha ee Radio Hargeysa oo aannu warkan ka soo xigannay. Idaacadda warkan faafisay laguma siidaynin codka Wasiirka Arrimaha dibadda, hase ahaatee, Wariye akhriyeyey Warkaas oo uu naarad-gareeyey, ayaa waxa uu u dhignaa sidan.

 

“Waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka ah in xukuumaddu ballanku qaadday inaanu dalka soo gali Karin Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Siilaanyo, ilaa inta uu ka noqonao arrinta fadaraalka. Waxaanu isaga oo Wasiirku arrintaa sii faahfaahinayana waxa uu ****olka ka qaaday in Siilaanyo yahay hogaamiye Xisbi oo u sharaxan jagada dalka ugu saraysa, sidaa daraadeedna uu sharaf ka mudan yahay Xukuumadda Somaliland. Wararkaas laga faafiyeyna aaanay ahayn qaar wax ka jiraan.”

 

Waxa warkaas lagu baahiyey war galabta ee Idaacadda Afka dawladda ku hadasha ee Radio Hargeysa. Hase-yeeshee, Wariyaha Warkan akhriyey ma sheegin in hadalkani ka soo yeedhay Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibbadd Somaliland Axmed Aadan Ismaaciil (Kayse-Guray), balse waxa uu ka dhigay warka Wasiir ku-xigeenka laga soo xigtay warar laysla dhexmarayo.

 

 

 

Si kastaba ha ahaatee, hadalkan Wasiir-ku-xigeenka Ammuuraha dibadda ka soo yeedhay, ayaa la filayaa inuu culays badan ku keenay guud ahaanba Xukuumadda, gaar ahaanna Masuuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Dibadda, ka dib markii dareen xoogleh oo lagaga soo horjeedo dhawaaqa Wasiir Kayse ay badi dadweynuhu muujiyeen, sheekadaasina noqotay ta kaliya ee loogu hadal-haynta badnaa labadii habeen iyo labadii maalmood ee ugu dambeeyey. Isla markaana ay si kulul u cambaareeyeen Masuuliyiinta Xisbiyada Mucaaridka ah ee UCID iyo KULMIYE, oo Madaxweyne Rayaale ugu baaqay inuu Wasiir ku-xigeenkiisaas tallaabo ka qaado.

 

Arrimahaas Shicibka iyo Mucaaridka kaga soo noqday Xukuumadda oo dhan ayaa noqon kara ama loo arkaa inay culays badan iyo cadaadis xoogleh ku keeneen Maamulka Rayaale, sidaa daraadeedna lama dhaafaan u arkay in la beeniyo warka Wasiirkoodu bixiyey. Kaasoo maanta Wasiirkii Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Khaarajiga uga sareeyey si dadban u beeniyey.

Share this post


Link to post
Share on other sites

waxba kama jiraan Silanyo wa mujaheed hargeisa na wa ka so dagaya bal wa cidi iska hor istaagta?

Haday cid xidhayaan Gudoomiyaha Kuxigeenka kobaad Mudane Muse bixii cabdi ba hargeisa jooga bal car ha ku dhacan inay xidhan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Are u deaf ???

 

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland oo Waxba kama-jiraan iyo Been Abuur ku Tilmaamay Dhawaaq ka soo Yeedhay Wasiir-ku-xigeenkiisa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waar waa iska faataa bakhla yaal, Bal hadday xiniinyo leeyihiin ha kaga dhabeeyaan oo ha ka celiyaan waddanka markuu yimaado!... ''FAATAA BAKHLE FARI KAMA QODNA''

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this