Sign in to follow this  
wacdaraha_aduunka

Waraabe Wax is dilaya waa ******, Puntland, Somaliland iyo Kismaayo waa nabad

Recommended Posts

Eng_Feysal C. Waraabe "Wax is dilaya waa ******, Puntland, Somaliland iyo Kismaayo waa nabad Muqdisho maxaa u diiday?

 

 

Thursday 11th of June 2009 02:59

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID ee Maamulka la magac baxay Somaliland Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Dowladda Madaxweyne Sheekh Shariif ay uga sii dartay dadka ku dhaqan K/Soomaaliya.

 

Eng. Feysal Cali Waraabe oo la hadlay Warbaahinta Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ka mid ah marxalada ka taagan Soomaaliya, waxaana uu cadeeyay in Dowladda Sheekh Shariif ay ka sii dartay, isla markaana Dowladihii ka horeeyay wax aanay sameyn ay sameystay.

 

"War Dowladihii ka horeeyay iskaba daayee Gobolada qaar lagama barakicin, dadkana way ka cararayaan, Dowladdan uu hogaamiyo Shariif dadka Koonfurta weyba uga sii dartay"ayuu yiri Feysal Cali Waraabe oo markii u horeysay ka hadlay xaalada Koonfurta tan iyo markii la soo dhisay Dowladda uu madaxda u yahay Shariif Sheekh Axmed.

 

Mar uu ka hadlay sababaha wali uga oogan yihiin dagaalada Magaalada Muqdisho, gobolada kalena ay yihiin kuwo nabdoon ayuu taas waxaa uu u soo qaatay in xilalka Gobolka Banaadir iyo kan Dowladda qaar loo dhiibay dad aan u dhalan sida uu yiri oo Gobolada kale ka yimid.

 

Eng. Feysal Cali Waraabe ayaa si gaar ah u soo qaatay Wasiirka Gaashaandhiga Prof. Gaandi, isagoona tilmaamay in hada ka hor uu Warbaahinta ka sheegay in Beesha ****** ay xasuuqday dadkiisa, isla markaana aanay u dhalan Koonfurta, waxaa oo kaloo soo qaatay Ra'iisul wasaaraha iyo Wasiirka Arrimaha Dibada aanay aheyn kuwa u dhashay Muqdisho oo Goboladooda ay nabdoon yihiin sida uu yiri.

 

"Wax is dagaashan waa ******, Puntland, Somaliland iyo Kismaayo waa nabad Muqdisho maxaa u diiday, dadka waxa dilaya waa ******, dadka la dilaya waa ******, marka waa inay ****** aayahooda ka tashadaan"ayuu yiri Feysal Cali Waraabe oo muujiyay wali waxa uu dabka ka dhex ololayo ay kaliya ****** tahay, isagoo u soo qaatay dagaalada ku kooban Muqdisho iyo deegaanada kale ee ******** degaan.

 

Eng. Feysal Cali Waraabe ayaa ugu baaqay Madaxweyne Shariif inuu la heshiiyo walaalkiis Sheekh Xasan Dahir Aweys, isla markaana uu muujiyo tanaasul.

 

"Sheekh Shariif iyo Sheekh Xasan Dahir waa labo qof oo walaalo ah, waanu ognahay wanaagii ka dhaxeeyay xilligii Maxaakimta, balse maanta waa nasiib daro inay is yiraahdeen hebel waa argagixiso iyo hebel waa gaal, marka waa in Shariif uu walaalkii dib uga hoydaa kana qanciyaa waxa uu tabaniya, deegaanada Beelaha ****** laga dhowro dhibaatooyinka lana nabadeeyo dadka masaakiinta ah ee barakacay"ayuu mar kale ku celiyay Eng. Feysal Cali Waraabe.

 

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID Eng. Feysal Cali Waraabe ayaa hadalkiisan noqonaya kii u horeeyay ee uu si toos uga hadlo xaalada dhabta ah ee ka taagan Koonfurta, isagoona noqonaya Hogaamiyihii u horeeyay ee talo siiya Dowladda KMG ee uu hogaamiyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

 

 

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

The mad hyena is again attacking the clan of Mogadishu. Where is Meiji to defend his myth of 'M Society'....

 

Xaaji Adeer reer Muqdisho are victims in this, the fact that Sheikh Shariir and Dahir Aways are in the driving seat doesn't mean the whole of a community are to blame in this... Warraabe is a racist fool who spews and doesn't hide his bigotry on a regular basis.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Emperor but he has some good points though oke he blames a whole clan for all the trouble in Mogadishu. I know the people of banadir Mogadishu in the passed where hijacked by warlords and now by Islamic warlords. Faisal cali waraame comes from a family that are peacemakers and he expects that the Clan leaders of Mogadishu solves this problem He does not believe these people are fighting for an ideology they both wave an Islamic flag and a kitaab. So he has some good points.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

^Abti Faisal Ali Waraabe's bigotry and racist attacks against Somali clans were normal and well known, this is no different, and no he has no point at all in attacking the clan.

 

If he cares he should attack the warlords you talking about personally... A coward with a mouth to speak.

Share this post


Link to post
Share on other sites

How can he attack the warlords if they are in the cabinet of the Sh dalixis and of the previous regime of cabdilahi yusuf. Warlords represent the people of Mogadishu. Hadaynu siida oo eegno. Markaay dadku saxda iyo qalladka kala garan wayaan. Wa dhibaato but that’s not faisal cali waraabe is fault he is just pointing out the problem. All he said is the fighting is in mogadisho.. Mogadishu na reer ba ku abtiirsaday.. And all he is saying is idinku heshiya dhexdiina wax qaladii kuma jiiro halkaas. And how sh hotel needs to make peace with xassan daahir aweys so the civilian casualty wuu yaranaya.

The only problem you have with faisal is I think he is just direct he doesn’t use diplomatic language.

Hadalka siidiisa ayuu oo yidha ..and that’s what I like about him.

Share this post


Link to post
Share on other sites

He is contradicting himself in so many ways. On one hand he is blaming those in government that hail from different region(clan wise) and on the other hand he is saying all the blame is on one clan. At the end it's Shareef and Hassan. Hadalka tirada badan waa micno darro, ninka ha loo sheego.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Mr Hangoolle (The Muuse Sudi of Waqooyi galbeed) Waa iska hadlaa...Marka qabiil Soomaaliyeed ha aflagaadeeyo waa caadadiis wax kale ma hayo!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by MoonLight1:

Dee dalkiisa wuuba goostee, maxaa arinta koonfur soo dhex galiyay. "Laga jecli, lugtana jecli miyaa"
:D

Soota ummadu ka wadda hadasho Eritreanku maalin walba ka hadlayaa iyo Ethiopianku iyo jabuutianku iyo fransisku iyo Belgiumka maxaad ugu diidii Somalilanderku inu ka hadlo..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this