Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Garaad soofe of Buhoodle: The Khuusuusi Must leave Buhoodle.

Recommended Posts

Isimo iyo Coqaal baaq ka soo saaray Buuhoodle

Jun 05, 2010

SSC(Riinjinews)Baaqan ayaa waxaa si wada jir ah u soo saaray Garaad Cabdilahi Soofe,Suldan Siciid Cisman,Garaad Suleman Buraale iyo Caaqil Maxamuud Xaji Camey

Baaqan ayaa ku wajahnaa saddex qolo oo kala ah Hogaanka SSC ,Somailand iyo Dawlada Itoobiya:- Baaqan ayaa sidan u qornaa in Isimada soo gaadhey Buuhoodle ay ka baxaan Buuhoodle ,sidoo kale Somaliand ay kala hadli doonana sidii ay uga wada hadi ahaayeen in ay ka baxaan SSC Iyo Dawlada Itoobiya oo ay baaq u dirayaan nabad ah. Baaqan aya waxaa BBCda ka akhriyey Caaqil Maxamuud Xaji Camey oo si aan xushmad lahayn hadalo ugu yidhi Isimada Qaarkood iyo Hogaanka SSC,Caaqil Maxamuud Xaji Camey ayaa ah Coqaasha xoogaaga sandareerada ah ka qaata Puntland waxaana maanta shacabka Buuhoodle u cadeeyey aragtidiisii qarsoonayd ee ku salaysnayd Maamulka Puntland ee hagardamada la **** socda Shacabka SSC. Isimadan iyo Coqaashan ayaa ka soo horjeeda Hogaankan SSC Iyo Dib u xoraynta SSC,Garaad Cabdilahi Soofe,Suldan Siciid Cisman,Garaad Suleman Buraale ayaa iyagu ahaa Isimadii ka soo kacay gogoshii Shirkii Buuro wadal halkaasi oo ay maanta carqalada iyo kaa daadin ay ka wadan Magaalada Buuhoodle.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Issimo iyo Cuqaal go'aamo kasoo saarey Buhoodle

5 Jun 5, 2010 - 8:03:11 AM

 

 

Kulan maanta 05.06.2010 ka dhacey degmada Buhoodle oo ay isugu yimadeen issimada iyo cuqaasha ka taliya degaankaas ayaa laga soo saarey go'aamo ah ay kamid yihiin in halkaas ay isaga baxaan Issimo kale iyo siyaasiyiin kasoo jeeda gobolka Sool.

 

Issimada iyo siyaasiyiinta la sheegey iney isaga baxaan degaanka Buhoodle ayaa waxaa hurmuud u ahaa Garaad Jaamac Garaad Cali iyo xubno kale oo siyaasiyiin kuwaasoo wayadaan dambe dabada ka riixayay urur loogu magac darey SSC kaasoo khilaaf xoogan dhex dhigey dadka walaalaha ee reer Sool.

 

Issimada go'aanka soo saarey ayaa waxaa kamid ahaa Garaad Cabdulahi Soofe iyo Garaad Suleymaan Burale kuwasoo dhinaca kale sheegey in maamulka Somaliland ciidamdooda kala baxaan gobolka Sool.

 

Wararka ayaa sheegaya in go'aankan yimid kadib markii Garaad Jamac iyo kooxdan la socotaa ku dhawaaqeen iney dagaal ka abaabulayaan degmada Buhoodle saldhig-na ka dhiganayaan.i

 

Degmada Buhoodle oo ah magaalada madaxda gobolka Cayn ee Puntland ayaa Issimada degaanku waxaa ay welwel ka muujiyeen in hadii xubnahaan saldhig ka dhigtaan wax u dhimi karto midnimada shacabka Puntland islamarkaana amni daro u keeni karto shacabka degaankaas kuwaasoo dhowaan dad kaga dhintey rabshado halkaas ka dhacey.

 

Afahyeenka Issimada go'aanka soo saarey cheif Caaqil Maxamud Cumar Camey oo la hadley Idacada BBC-da lanteeda Af-Somaliga ayaa sheegey in kulankaan ay u dhamaayeen Issamadii, cuqashii, ciidamadii iyo ganacsatadii u ahaa go'aankii kasoo baxey:

 

1- In gobolka Cayn dadweynihiisu nabad ku dhawaaqaan

 

2- In ciidamada Somaliland si deg deg ah gobolka Sool uga baxaan wadahadalna laga galo hadii loo baahdo

 

3- In dowladda Ethiopia nabad galyo lagula noolaado

 

4- In Issimada iyo xubnaha la socda ku noqdaan meelaha ay ka yimaadeen kuwaasoo yimid xaley degmada Buhoodle.

 

Cheif Caaqil Maxamud Cumar Camey oo la waydiiyey in Issimada la sheegey iney ka baxaan Buhoodle la waydiiyey waxa ay doonayaan ayaa yiri waa lala hadley waxeyna yirahdeen "Dadka na diidan waan xirxireynaa dagaalna waa ka qaadaynaa degmada Buhoodle".

 

Caaqilka oo la waydiiyey cidda ay la dagaalamayaan xubnahaan yimid ayaa yiri "Ma garanayo balse waxan u maleynaya iney rabaan in Buhodle cadow kusoo hogamiyan loona qabsado sidii Laascaano."

 

Caaqil Maxamud Cumar oo BBC waydiisay in Issimada iyo xubnaha la socdaa ee yimid Buhoodle wataan siyasada ah in gobolka Sool ka go' Puntland iyo Somaliland oo kaligii meel istago ayaa sheegey in taasi tahay midda la diidan yahay, fikir ahaana ku kala fogyihiin islamarkaana shacabku ka horyimid.

 

Caaqilka ayaa ku jawaabey in siyaasada xubnahaan tahay midda dadka Sool diidan yahay isaga oo sheegey in aysan diidaneyn in dib loo qabto degaanada Sool ee maqan.

 

Cheif Caqil Camey ayaa sheegey in Issimada go'ankan soo saarey ay ku dhanyihiin cuqaashii gobolka kuwaasoo kuwasoo ay kamid ahaayeen Garad Cabdulahi, Suldaan Siciid, Garaad Saleebaan iyo IWM.

 

Degmada Buhoodle ayaa waxaa ku sugan wafti ka socda dowladda Puntland oo uu hogaaminayo Guddoomiye ku-xigeenka Barlamanka Mud.Xaaji.

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garaad soofe duuraan is not a fan of the khuusuusi. he once gave an interview on bbc somali he was saying Shirka buuro wadal waxa lugu duminaya mamuul goboleedka puntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Khuusuusiga waleh dhibaata haysata Ma garaadki Darawishta ayaa maanta yidhi magaalada iga baxa.

Garaadki Nugaaleed na Garowe babu fadhiya khuusuusiga ba wuxu ka waraysta Faroole Taxile.

Share this post


Link to post
Share on other sites

This is really a significant development.

 

The local garaads are now standing in front of Garaad Jaamac and telling him to leave .....

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Hadalo meel ka dhac ah oo laga sii daayey idaacada BBC & Daljir

 

Saturday, 05 June 2010 08:38 | Written by Buhodle.net

 

“Axmaqnimo wakhtiga kaaga tegay oohin kugu reebye”

 

Waxaa maanta gudaha magaalada Buuhoodle aad looga hadal hayaa noqotayna wax aad iyo aad loola yaabo in shikhsiyaad u xaglinaya maamulada gobolada SSC hareeraha ka xigaa ay soo saaraan wax ay ugu magac dareen war saxafadeed ay ku canbaaraynayaan wufuudii sida diiran maalintii shalay ahayd magaalada loogu soo dhaweeyey ee ay horkacayeen Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil.

 

Shikhsiyaadkaas iyo taageerayaashooda oo ah dad aad u yar mushahaarooyina ka kala qaata maamulada Hargeysa iyo Garoowe ayaa iyaga oo ka hadlay idaacadaha BBC iyo tan afka Puntland ku hadasha ee magaceeda la yidhaahdo Daljir maanta ku dhawaaqay in wufuudii shalay magaalada lagu soo dhaweeyey ay si deg deg ah magaalada uga baxaan.

 

Warisiyadaa isdaba jooga ahina waxay noqdeen kuwo fajiciso iyo la yaab ku noqday dad weynaha ku nool magaalada Buuhoodle iyo nawaaxigeeda. Waana arinta keliya ee maanta gelinkii danbe dadka badankiisu ka wada hadlayaan iyaga oo aaminsan in labada maamul ee Garoowe iyo Hargeysa ay hanti aad u badan ku bixyeen sidii ay saxaafada uga hadli lahaayeen dadkan iyaga magacooda ku hadla ee ku sugan magaaladan Buuhoodle.

 

Labada idaacadood BBC iyo Daljir ayaa iyana markii lala xidhiidhay ka gaabsaday ama diiday in ay waraysi dhexdhexaad ah siiyaan dadka u halgamaya gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ha noqoto hawl wadeeno ama ha noqto saraakiisha iyo Garaadada isu xilqaamay in ay degaanadooda ka xoreeyaan maamulada ku soo duulay.

 

Waxaana xiligan xaadirka ah iyo ilaa gelinkii danbe ee maanta magaalada Buuhoodle ka soconayey shirar gaagaaban oo la doonayo in lagu mideeyo waxgaradka iyo bulshada ku dhaqan magaalada iyo sida ugu wanaagsan ee looga jawaabi lahaa arintan foosha xun ee maanta laga sii daayey idaacadaha ka soo horjeeda horumarka gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn.

 

Waxaana hubaal ah in dadka ku dhaqan degaanka magaalada Buuhoodle in ay shucuurtooda oo midaysan oo aan wax lacag ah lagu bixin ay sida ugu dhakhsaha badan u muujiin doonaan iyaga oo ka soo horjeeda maamulada Hargeysa, Garoowe iyo dadka u shaqeeyaba.

 

Halgan kasta oo meel ka bilowdana rag baa ka hadha oo ceebtiisa qaata ama nafta ha baxnaaniyeen ama lacag yar oo aan quud ahayn ha xeeriyeene intooda badana taariikhda ayaa si cad u qeexi doonta.

 

Buhodle.net

 

 

Buhodle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Originally posted by Thankful:

Seem's Cowke's sources are far more reliable!

Xaji is more of rinji/daynille fan, don't mind him.

 

But apparently from what im hearing garad soofe came out on universal tv and totally denounced the people who spoke to the bbc and apparently he is saying "those people" were defaming the clan-elders of buhodle!!!

 

Anyways so far its just rumours but if i get anything solid i will make sure to post!!!

Any

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

All the above sources are false.. Max'ud Xaji Cumar spoke out alone announcing the garads to leave buhodle, this is nothing new about him. He is the same guy who left Buurowadal. Soo Dhaweyntii Isimada ee Buhodle

 

Garads and khusuusi visit their towns and no one can tell them to leave...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

DSC08081.jpg

 

DSC08082.jpg

 

A_Khadar. Garowe-Online/BBC plus all major ssc media outlets that have confirmed this meeting. There is even pics. Denying it is just impossible!!!

 

However if what you are saying is these people don't represent the wishes of the garaads/elders of the cayn region then we will have to wait and see till they do speak out against this conference that has occurred in buhodle.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Nice pics, keep the info coming Cowke!

 

The secessionists are desperate so they post unreliable nonsense news and comment on it as if it is fact!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this