Sign in to follow this  
General Duke

National Security forces display more weapons seized from criminals

Recommended Posts

m.dheere2.JPG

 

Taliska Ciidanka Booliiska gobolka Banaadir ayaa maanta soo bandhigay hubka ay howlagaladooda ay ku soo qabteen maalmihii ugu dambeeyay.

 

 

Muqdisho (WNT)-Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa maanta waxa ay soo bandhigeen hub aad u fara badan oo ay howlgalada ugu dambeeyay ay ka sameeyeen Magaalada Muqdisho.

 

Madaxa xariirka dadweynah iyo saxaafada ee ciidamada Booliska C/waaxid Maxamed Xuseen ayaa waxa uu sheegay in hubkaan ay ka soo Qabteen degmada hilwaa xaafada Suuq bacaad wuxuuna sheegay in hubkaan uu isugu jiro Qoryaha garabka laga rido ee loo yaqaano R.B.J (Baasuuke) iyo hubkale oo aad u fara badan isla markaana howl galkaan ay sii wadayaan ciidamada ilaa iyo in ta laga xaqiijinayo Amaanka Magaalada Muqdisho

Madaxa xiriirka dad weynaha iyo saxaafada ee Ciidamada booliska DFKM waxuu in taasi raaciyay in hubkaan ay soo qabteen ay ku soo war galeyeen dad weynaha ku dhaqan xaafadha ay ciidmadaan howl galka ay ka sameeyeen.

 

Soo ban dhigida hubkaan ayaa ku soo aaday xilli uu Maamulka G/banaadir uu shaaciyay in uu wax ka qabandoono amni darada ka taagan Magaalada Muqdisho.

 

 

Maxamuud Maxamed.

 

Waayaha.net,Xafiiska Muqdisho,Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

DKMG ah oo soo bandhigtay hub laga soo uruuriyay qeybo ka mid ah Muqdisho

 

Mogadishu 20, August 07 ( Sh.M.Network) Xarunta taliska ciidamada booliska ayaa maanta lagu soo bandhigay hub ay ciidamada dowladda ku soo qabqabteen howl-gallo ay ka sameeyeen degmooyinka gobolka Banadir.

 

G/lle Cabdi Waaxid oo tusaya saxaafadda sunta dadka ka ilimeysa oo ay soo qabteen ciidamada dowladda

 

Qoryo gacmeedyo badan oo ciidamada dowladda ay ku soo qabteen howl-galladooda baaritaanada ah

 

Rasaasta B-10 ka

 

Mid ka mid ah hoobiyeyaashii ay soo qabteen ciidamada dowladda

 

Afhayeenka ciidamada booliska dowladda KMG ah C/waaxid Max'ed Xuseen ayaa waxa uu saxaafadda uga war bixiyay hubkaan, isagoo tilmaamay in ciidamada booliska ay ku soo qabqabteen hubkaan howl-gallo baaritaano ah oo ay ka sameeyeen meel u dhow Hotel Ramadaan, deegaano ku dhow Suuq Bacaad iyo qeybo kale oo ka mid ah magaalada Muqdisho.

 

Hubkaan ay ciidamada dowladda soo bandhigeen ayaa waxaa ku jira qoryo Gacmeedyo iyo miinooyin aan qarxin oo ay la socdaan Remote kii laga hagayay.

 

Afhayeenka waxa uu sheegay in ciidamada dowladda ay wali badaan baaritaanada ay ku uruurinayaan hubka.

 

Arimahaan ayaa waxa ay ku soo beegmayaan xilli dowladda KMG ah ay wado dadaalo ay ku dooneyso in ay ku soo celiso amaanka, inkastoo wali ay socdaan qaraxyo iyo weeraro lala beegsanayo fariisimada ciidamada dowladda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

ppl from now on, lemme translate what cheerleaders are tryna say!! ok.. wat this means is this!

 

American are coming to Mog so let get the show on the road...! display some weapons and we get some change!!

 

if u carefully maximize these pictures with word 2007...u will see xabashi names on them!! loool. check it out. wat a losers.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Walaal Duke wax badan baan ka akhriyey meesha waxaad ku soo qortid, waana wax laga naxo wax, waayo cimrigayga inta aan noola isma oran nin soomaali sheegta ayaa udoodi doona duleysigiisa, dariiqna u furaya dabka loosito in isaga lagu gubo, damaanadna u qaadaya kii dambigaa ka galay. War heedhe Dowladi carrigaa majoogtee, aamu war maheyside. Qof aan Kalsooni ku qabo oo Ahaa dadka jeclaa inay dowladaan hore u marto oon la yaabi jiray baa dorraad ka shoogalay soomaaliya soona maray Nairobi markii Cabdullaahi Yuusuf iyo Geediba wada joogeen, wuuna soo wada arkay labadooda. Waxuu wacad alla maanta kumareyaa inaysan dowladi ka jirin soomaaliya, muqdishana nabadi ka jirin. Waxa ka socdaa Soomaliya buu yiri waa waali iyo wax is moogsii. Waxa uu yiri; maxaa wax la heshiisiin kuwa dowladda u sarreeya baaban heshiis aheyn oo adduunka isu neceb midiyana isu soofeysanaya hoos. dabargoyna iskula jira, midba midka kale ayuu isku dayayaa sidii uu xabashi u tusi lahaainu ka xigo sidii ay isku dhiig yihiin xabashigaa. Askari majirto oo ciidan wax badbaadshaa carriga majoogaan iyagii baaba gaajo meelaha ku dileysaa oo hadey waxey bilaabeen inay sidii ********ta lagu yiqiinany ay isbaaro dariiqyada dhigtaan sey quutulyoonkkdan kaga helaan, taa waxaa u dheer buu yiri maalinkasta waxbaa lagu qarxiyaa oo waa ladilaa. Shacabkii ba waxey taa ugu dareen in askarta aktooda lag foogaado oon xattaa wax laga iibsan waayo iyagii baa dadka dhacaya hadey taa shacabku ka badbaadaan waxaysan ka badbaadeyn qarax lala beegsadey askarigaa agtooda jooga, marka buu yiri shacabkii waaba ka cararaan askarta aktooda waayo khasaaro mooye wax faa'iido ah aktooda kuma heystaan. Marka boowe inoo sheeg waxa meesha yaal ee aad adigu qudha ogtahay, ee inta yadii kale aanan war u hayn. Haddii aad leedahay dadkii Dowladdal daacadda u ahaa kuba makhaati kaceen oo dhabtii ka hadley iyo xaaladdu sidey tahay soo arkay ay been sheegayaan?waa xayse dowladda meesha joogtaa haddi aysan awoodin inay askartii ay qoratay inay biisho, shacabkeediina ka didayo sida duunyada daaqsada uga didaan duulka wax cuna? war duke damiir iyo dub danqada yeelo waa haddaad dalkaa iyo dadkaa u dhalatay,daacadina kaa tahay darajo soomaaliyi leedahay, duco ugu dar in durriyad dalka jecel in ilaah ugu deeqo dadka soomaalyeed, Dulligaa inkaaran alla ka dulqaado,dowladi meesha ma jirto dictatoro mooyee...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this