Sign in to follow this  
General Duke

TFG officials meet with elders in Beledweyne..Pics

Recommended Posts

Col. Mukhtaar Xuseen Afrax iyo xubno ka tirsan labada Gole ee Dowladda Federaalka oo gaaray Magaalada Beledweyne

 

 

Khamiis, January 25, 2007(HOL): Xubno ka tirsan labada gole ee dowlada federaalka oo uu wehliyo Col. Muqtaar Xuseen Afrax oo ah taliyaha ciidamada xooga dalka ee labada gobalka Shabeelada dhaxe iyo Hiiraan ayaa waxaa s iweyn loogu soo dhaweeyay Magaalada B/weyn ee xarunta gobalka Hiiraan.

 

 

 

Xubnaha oo uu hor kacayay wasiirka wasaarada waxbarashad C/raxmaan Cabdi Waare, isla markaana ka soo kicitimay dhinaca Magaalada B/dhabo, ayaa markii ay soo gareen gudaha magaalada waxaa ay meel fagaaro ah kala hadleen dadkii soo dhaweeyay, iyagoo kala hadlay arimo la xiriira siyaasada dowlada federaalka iyo waliba dhinaca nabad-galyada.

 

 

 

Ka hor Qubadihii ay halkaas ka jeediyeen xubnaha labada gole iyo waliba taliyaha ciidamada labada gobal ee Hiiraan iyo Shabeelada Dhaxe, waxaa halkaas ka hadlay guddoomiyaha maamulka gobalka Hiiraan Xuseen Muxumed Maalin (Xuseen Ayax ) oo sheegay in dadka reer Hiiraan ay yihiin dadkii ugu horeeyay ee taageerada u fidiyay dowlada federaalka markii lagu soo dhisay Dalka Kenya, waxaana uu intaas ku daray in wali ay u hayaan shacabku taageero buuxda siyaasadda dowladda iyo waliba habsami u socda howlaha ay hadda ka waddo qeybo ka mid ah dalka gaar ahaan xarunta Muqdisho oo uu ku tilmaamay in ay tahay muraayada dalka isla markaana haddii la hagaajiyo ay hubanti tahay in dalka oo dhan uu hagaagayo.

 

 

 

Iintaas kadib waxaa hadalka qaatay Wasiirka wasaaradda wax-barashada C/raxmaan Cabdi Waare oo ugu horeyn soo gaarsiiyay dadkii dhageysanayay salaan uu ka waday sida uu sheegay saxibadiisa kula jira golaha wasiirada, waxaana uu intaas raaciyay in ujeedada socdaalka xubnaha uu horkacayo ay tahay kaliya in ay u fisiraan dadka gobolka siyaasada dowlada iyo waliba marxalada cusub ee la galay, waxaana uu sheegay in isbadal weyn uu jiro marka la eego sidii markii hore uu xaalku ahaa, gaar ahaa isagoo ku booriyay shacabka gobalka in ay ogaadaan wixii hada ka danbeeya dalku dowlad leeyahay loona baahan yahay in si weyn loola shaqeeyo. Wasiirku waxaa uu intaas raaciyay in waqtiga oo cariiri ku ah aawgii mar kale ay si weyn uga hadli doonaan siyaasada dowlada oo faah faahasan, iyo waliba sida looga qeyb-qaadan karo isbadalka dhacay,

 

 

 

Col. Muqtaar xuseen Afrax oo ah Taliyaha ciidamada Labada Gobal ee shabeelada dhaxe iyo hiiraan oo si weyn loo sugayay hadlka uu halkaa ka jiidinayo ayaa ku soo koobay qudbadiisa dhinaca nabad-galyada oo kaliya, isagoo sheegay in wixii hadda ka dambeeya aan loo dulqaadan doonin jiritaanka kooxo wixii ay doonaan iska sameeya loona baahan yahay in shacabka laftirkiisu amaanka qeyb ka qaato,

 

 

 

Col. Muqtaar waxaa uu intaas ku daray in ciidamada Dowladda Federaalka ee ku sugan gobalka Hiiraan wixii xiligan ka dambeeya ay il foojigan ku eegi doonaan wax kasta oo wax u dhimi kara nabad-galyada guud, maadaama ayuu yiri dalku hadda uu ku jiro xaalad deg deg ah.

 

 

 

Laakiin Col. Muqtaar sooma uusan hadal qaadin wax yaabihii uu la kulmay intii ay hayeen Ciidamada Dowlada Itoobiya oo la ogyahay in ay ka kaxeysteen gudaha magaalada Beledweyne xili ay isku maan dhaafeen soo gacan galinta gudoomiyihii maxkamadii islaamiga ee gobalka Hiiraan shiikh Faarax Maclin max'uud, taasoo keentay in mudo ka badan sadex todobaad uu ka maqnaado gudaha gobalka Hiiraan.

 

 

 

Xubnaha soo gaaray magaalada Beledweyne ee ka tirsan labada gole ee dowlada federaalka ayaa ku soo beegamay xili meesha laga saaray maxkamaddii Islaamiga gobalka, waxaana xusid mudan in marka la eego shacabku yahay mid mar walba u ooman in ay helaan nidaam dowladeed oo shaqeynaya, taasoo laga garan karo sida ay ugu soo baxeen soo dhaweynta xubnaha ka tirsan dowlada federaalka, waxaana xildhibaanada soo gaaray gobalka ka mid ahaa Xildhibaan Axmed Cumar Gaa-gaale iyo waliba Xidhibaan Cali Jeyte Cusmaan.

 

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

 

diini@hiiraan.com

 

Beledweyn, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
DigibAc   

"Laakiin Col. Muqtaar sooma uusan hadal qaadin wax yaabihii uu la kulmay intii ay hayeen Ciidamada Dowlada Itoobiya oo la ogyahay in ay ka kaxeysteen gudaha magaalada Beledweyne xili ay isku maan dhaafeen soo gacan galinta gudoomiyihii maxkamadii islaamiga ee gobalka Hiiraan shiikh Faarax Maclin max'uud, taasoo keentay in mudo ka badan sadex todobaad uu ka maqnaado gudaha gobalka Hiiraan."

 

I wonder why he had nothing to say about that???

 

"Xubnaha soo gaaray magaalada Beledweyne ee ka tirsan labada gole ee dowlada federaalka ayaa ku soo beegamay xili meesha laga saaray maxkamaddii Islaamiga gobalka, waxaana xusid mudan in marka la eego shacabku yahay mid mar walba u ooman in ay helaan nidaam dowladeed oo shaqeynaya, taasoo laga garan karo sida ay ugu soo baxeen soo dhaweynta xubnaha ka tirsan dowlada federaalka, waxaana xildhibaanada soo gaaray gobalka ka mid ahaa Xildhibaan Axmed Cumar Gaa-gaale iyo waliba Xidhibaan Cali Jeyte Cusmaan."

 

That is not only in Beledweyne but also all over the country. Everyone needs peace. But we also need justice and sovereignty.

 

"waxaana uu intaas ku daray in wali ay u hayaan shacabku taageero buuxda siyaasadda dowladda iyo waliba habsami u socda howlaha ay hadda ka waddo qeybo ka mid ah dalka gaar ahaan xarunta Muqdisho oo uu ku tilmaamay in ay tahay muraayada dalka isla markaana haddii la hagaajiyo ay hubanti tahay in dalka oo dhan uu hagaagayo."

 

There is no question, whichever way Xamar goes the reset of the south will go that way. The TFG will not get support in Xamar until the foreign troops leave the country and until the people have security.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^We have a historic opportunity, the country is under one adminstration and the Ethiopians are leaving and the AU are coming, they will leave and the Somali troops shall remain. Simple really.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this