Sign in to follow this  
Sabriye amp co.

Somali Reunification Party (SRP) - What do you think?

Recommended Posts

Somali Reunification Party (SRP) oo ay London uga dhawaaqeen aqoon yahano reer Somaliland ahi.

 

The Qaranka online

Muqdisho

11 Jan. 08

 

- Dhowaanahanba waxaa magaalada London ka socdey shirar is daba joog ahaa oo kuwoodii ugu horeeyey ee qaban qaabada ahaa laga soo bilaabay magaalada Hargeysa sanadkii ina dhaafay ee 2006. Shirarkaasi oo ay aqoon yahanada reer Somaliland kasoo jeedaa kaga arinsanayeen sidii dib loogu eegi lahaa aayaha Somaliland & guud ahaan soo noolaynta qaranimadii Soomaaliyeed ee in mudo ahba gebiga ka laalaaday.

 

Arintan oo saaxada siyaasada ee Somaliland si weyn loogu hadal hayey mudooyinkan danbe ayaa maanta oo taaiikhdu tahay 11 December 2007 lagu soo gebagebeeyey shir ay kasoo qayb galeen aqoonyahanada reer Somaliland ee mabda'a dib u midaynta aaminsan intooda ku sugan qaarada Yurub, waxaa sidoo kale shirkaasi khadka telefoonka kaga qayb galay aqoonyahano doora oo arinkan ka wada gudaha[somaliland] kuna kala sugan magaalooyinka Hargeysa & Burco. Iyadoo isla markaasina halkaasi maanta lagaga dhawaaqay xisbi la magac baxay Somali Reunification Party (SRP) xisbiga dib u midaynta Soomaaliyeed .

 

Sidoo kale waxaa isla maanta xisbigaasi hogaamiye u doorteen aqoon yahanka lagu magacaabo Mohamed Yassin oo degan cariga ingiriiska kana soo jeeda reer Somaliland, iyadoo mar aanu wax ka weydiiney waxa uu xisbigoodu ka tari karayo dib u midaynta jamhuuriyadii Soomaaliyeed uu sheegay "inuu xisbigoodu soo maray marxalado badan oo sida maanta ka adag oo ay xitaa adkayd inay shir isuguba iman karaan, balse Illaahay mahadii ay maantaba marayso in shirar kala duwan aanu ku qabsanay Hargeysa, Burco, & London-ba, in badan oo shacbiga reer Somaliland ahina gaar ahaan dhalinyarada & aqoonyahanku ay hada u bisil yihiin sidii qaranimadii Soomaaliyeed dib loogu soo celin lahaa, iyadoo loo marayo ugu horeyn wacyi gelin shacabka la wacyi geliyo, maamulka jirana lagu dhiiriyo inuu wada hadal u diyaar garoobo oo aanu noqon mid meesha iska fadhiya oo aan shacabkan wax lagu qufuley aan garaad dhaamin".

 

Mar aan wax ka weydiiyey hadii maamulka & axsaabta mucaaridka ahi afkaarta xisbiigina ka hor yimaadaan, maxaydin yeeli, waxa uu ku jawaabay " Shacbigu waa naga dhexeeyaa, wadankuna waa naga dhexeeyaa, cid gooni ah oo uu meel ugu xidhnaanayo, oo afduub u haysanaysaana ma jirto ee waa laysugu imanayaa, waayo dalka & dadkuba xisbiyadaas aad sheegtay waa naga dhexeeyaan, fikirka & mabaadiida ayuunbaanu ku kala duwan nahay oo halka ay iyagu la soo taagan yihiin gooni u go'ida Somaliland waa muqadas ayuunbaanu leenahay hadii wax muqadas ahi jiraan midnimada Soomaaliyeed ayaa caqliga saliimka ah & islaamkuba muqadasnimo ku sifayn karayaan".

 

Mar aan wax ka weydiiyey Koonfur dhib badan baa maanta ka taagan horena uga jirey, sidee baa Somaliland wax ula qaybsanaysaa, wuxuu hogaamiyaha xisbigani ku jawaabay mar kale "Dhibaatada Koonfur ka taagan waxyaabo badan oo is biirsaday ayaa u sabab ah, oo aanan waraysigaagan ku soo koobi karin, waxaanan qabnaa xisbigayagu inay dhibka qayb weyn ka tahay gooni u bixidan gobolada woqooyigu(Somaliland), oo aad moodo wixii aanu caqli, talo & xikmad ku kordhin lahayn umadayadaa dhibaataysana aanu la maqan nahay, taasina wax meesha qabta ma aha, waana nasiib wanaag inaanu maanta wixii ka danbeeya u diyaar garowno sidii aanu hawshaa u guda geli lahan, wixii duruufo adag ee ku xeerana aanu Illaahay ka rajaynayno inuu noo fududeeyo".

 

Ugu danbeyntii oo aan wax ka weydiiyey sida uu u arko colaadaha cusub ee gobolka Sool sida uu xisbigoodan cusubi u arko ayuu sheegay " in ay ugu horayn aad uga xun yihiin dhibaatada shacabka laascaanood loo geystey ee lagu bara kiciyey maato aan waxba galabsan, waa gobol Soomaaliyeed mana geyo waxaa ka dhacay, wax aanay Burco & Hargeysa geyin in Laascaanood loo quudhona meesha ma qabato, Laascaanoodna magaalo dadkeedu u madax banaan yihiin ha noqoto ayaanu leenahay oo cidina aanay wax u yeedhin, inta Soomaali midnimo buuxda helayso". Waraysiga hogaamiyaha xisbigan cusub oo dheeraa intaasaan idinka soo qaaday.

 

Xigasho: Alldalka.com

Mohamed_amiin@yahoo.com

 

fadlan wixii talooyin siyaasadeed oo wax ku ool ah u gudbiya xoghaynta xisbiga(SRP) Somalireunificationparty@hotmail.co.uk

Share this post


Link to post
Share on other sites

"Dhibaatada Koonfur ka taagan waxyaabo badan oo is biirsaday ayaa u sabab ah, oo aanan waraysigaagan ku soo koobi karin, waxaanan qabnaa xisbigayagu inay dhibka qayb weyn ka tahay gooni u bixidan gobolada woqooyigu(Somaliland), oo aad moodo wixii aanu caqli, talo & xikmad ku kordhin lahayn umadayadaa dhibaataysana aanu la maqan nahay, taasina wax meesha qabta ma aha, waana nasiib wanaag inaanu maanta wixii ka danbeeya u diyaar garowno sidii aanu hawshaa u guda geli lahan, wixii duruufo adag ee ku xeerana aanu Illaahay ka rajaynayno inuu noo fududeeyo".

Raggeedi. Saas ayaa lagaa rabaa, Max'ed Yaasiin.

 

Soomaalinimo wey jirtaa, weyna jiri doontaa. Sooomaali midowdana wey jirtay, weyna jiri doontaa waligeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites
stoit   

Wa arin aad ufiican arintaan waana kumahadsan tahay nasoo gaarsiinta.

 

Anigu inkastoo aan mutacalin aan ahayn waxaan hadeer kacodsaday sidii aan ugu biiri lahaa. Codkii nacaybka iyo qabyaalada dagaheenu kabadbatay waana nacuryaamiyay. Bal hada insha ALLAH midkii jacaylka iyo midnimada aan asagana gacmo furan kusoo dhawayno insha ALLAH.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Adaa mudan walaal.

Runtiina ma filaayo iney xisbigaani cusub ee tageero ama awood ku yeelato Waqooyiga soomaliya , In Maamulka ka jira dhulkaasi ey wax ka qaban doonto ayey u badan tahay oo kala diridoonto.

Share this post


Link to post
Share on other sites
stoit   

Dr Galbeybe

 

Gartay mahadsanid walaal. Waxaan uqaatay in uu xisbigu magaala londona lojoogo o ay dadku iska qori karaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

KKKKKKKKKKKKKKKKK ,,, Another bunch of loosers trying to gain some casha just like Buubaa, sifir, Qaalib and their co.

 

 

if it shows something ,, it shows the stregnth of Somaliland ,,,,,,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites
A.J.   

^^^^^^

 

Completely agree JB,

 

Btw do you know what happened to that Kaluun character who was like a Buuba, but didnt have the rear-end licking skills of of Buuba?

 

Havent heard anything about him for a while.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A.J.   

These fools should realise thats where they will all end up if they betray their people on such a basis.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this