Sign in to follow this  
Positive

Soomaalida iyo hayb sooca

Recommended Posts

Positive   

Xogtii Xange

 

Xange wuxuu ahaa nin dhoobi ah oo geela noo raaca. Qurux iyo dabeecad wanaag inta inan rag leeyahay wuu lahaa. Dadkuna inkastoo si dhowrsan ay ula dhaqmi jireen haddana way amaani jireen wax-qabadkiisa.

 

 

Wuxuu ahaa nin dheer oo aan ku qiyaasi karo afar dhudhun iyo hal taako. Midab maariin dhalaal ah ayuu lahaa. Timo yalax ah oo baarka hore uu malaas ku caseeyey ayaa ilaa dhegihiisa daboolay . Weji ballaaran oo suuniyo cufan oo madow ah iyo afkiisa oo ay ka dhex dhalaalayaan ilko cad cad oo had iyo goor caday gumar ah uu ku cadayi jiray ayaad dheehan kartay markaad eegto xaggiisa. Gar aan badnayn oo xaad u badan ayaa ku yiil. Waxaadna arkaysay inuu dhowr iyo labaatan jir weli doob ah yahay.

 

Qaarkiisa hoose meel ka saraysa qiyaas ilaa hal taako miskaha ilaa jilbaha dushooda ayaa wuxuu ku xirnaan jiray saan riyood oo markii la aslay midabkeeda casuusta ahi uu ciidda dhulka dhaahayey. Kabo cag-ba-cag ah oo saan geel ka samaysan ayuu ku jaambin jiray marka uu soconayo.

 

Anigu inan yar ayaan ahaa oo kuray xoogsaday ah. Afar iyo toban sano bilo ayaa ku dheer ayuu igu oran jiray aabahay.

 

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa aabahay i weydiiyey inaan arkay Xange oo galabtaas la taagan Qalanjo oo ahayd gabadh walaashay ah oo markaas guurdoon ahayd. Waxaan u sheegay in aan arkay Xange oo hangool dheer oo uu had iyo goor sidan jiray intuu dhulka ku mutay oo markaas isagoo taagan bar-bar u kusday la qoslaya Qalanjo. Aabo oo xanaaq ka muuqdo ayaa mar labaad i weydiiyey in aan ficil muujiyey iyo in kale. Markaan u sheegay in aanan waxba samayn ayuu ul dheer oo dhebi ah oo uu sitay igu caseeyey. Wuxuuna iigu daray " ***** yahow miyaadan ogeyn in ninku uusan walaashaa geyin". Markaan maya ugu jawaabay ayuu mar labaad ila galay ushii iguna waday ilaa ushii dushayda ku dhammaatay dhiigna qariyey jirkaygii oo dhan. Anigoo dhulka aal xanuun awgeed oo ilmada iyo dhiiggu isku darmay ayuu iga dul dhaqaaqy isagoo ku cataabaya" way yaa middi i siiya. Kan in aan gowraco ayaa igu bannaan".

 

Toddobo casho markii nabaradadii la dhayayey oo xoogii igu soo noqday ayaan galabtii dambe ka soo kacay ardaagii lay goglay si aan u soo manjo baxsado isla markaasna aan u soo gurto miro hohob ah oo aan jeclaa in aan caanaha geela ku cuno. Socodkaygii ayaan kula kulmay Xange oo geed ka xabkaysanaya. Markaan u imi ee aan weydiiyey sababta aan loogu oggolayn isagu in uu la haasaawo hablaha geyaankiisa ah ee beesha ayuu isagoo qamuunyeysan oo murugo ku dheehan tahay wejigiisa igu yiri" anigu waxaan u dhashay dadka la hayb sooco".

 

Waxaa kediso iyo ammakaag igu noqotay markuu Xange sharaxaad dheer iga siiyey sida ay ku timi iyo taariikhda arrintan hayb soocu. Sababta ay waxa cusub iigu noqotay waxay ahayd iyadoo aan la soo koray hooyaday oo aan kula noolaa meel godan ah oo buuro ku wareegsan yihhiin oo afarta xilli ee sannadkaba barwaaqo ah roobkuna uusan ka qaadin isla markaasna ka go'nayd dadka intiisa kale. Annagoo ka koobnayn ilaa shan boqol oo qoys oo isku beel ah cid kalena aysan tarixin ayaa buuraha nagu wareegsani sababeen in aan dad kale noo soo gudbin.

 

Madaama aabahay oo markii horeba aan i soo korsan uu haddana dilkan ii geystay ayaan waxaan go'aansaday in aanan arrintan hayb sooca isaga waxba ka weydiin.

 

Labaatan casho markii laga joogo maalintii aabahay i dhengedeeyey oo nabaradii bogsadeen ayaan maalintii dambe intaan buraashad biyo ka buuxsaday ku jarmaaday nin sheekh ah oo dadka qaarkood weli ku sheegi jireen oo hal cabaar ah oo barqo socod lagu gaari karo deggan. Sheekha oo cimrigiisa lagu sheegayey inuu kor u dhaafay boqol iyo toban sano ayey dadku aqoontiisa diinta ka sokow waxay ku sheegayeen inuu taariikho badan hayo.

 

Markaan sheekhii u imi oo caano geel iyo hilib ari uu iga dhergiyey wacdi, qisooyin diini ah iyo quraan akhrisna uu iigu dhex waday waqtigii marti soorka ayuu i weydiiyey muraadka ugu weyn ee aan ugu imi. Markaan u sheegay in aan doonayo inuu iga jaahil bixiyo arrinta hayb sooca ayuu wuxuu ii sheegay in arrinta hayb soocu ay ku timi sidan.

 

"waqti hore oo dhowr boqol oo sano laga joogo waxaa jiray", ayuu yiri," beel xoolo iyo aqoonba Ilaahay siiyey oo markaas xukumi jirtay beelaha kale. Beesha wax xukumi jirtay oo u habaysnayd qaab dawladeed waxay lahayd shaqaaleheeda soo saara waxyaabaha kale duwan ee ay bulshada iyo dawladdu u baahan yihiin. Dawladda oo shaqaalaheeda ay ka mid ahaayeen ciidan nabad-gelyada ilaaliya, kuwo dharka tola, kuwo kabaha tola iyo kuwo birta tuma iwm. waxaa ay xukumi jirtay oo maamulkeedu ku fidsanaa dhammaan dhulka soomaalidu degto. Waagii dambe ayaa dadkii la xukumi jiray oo in yar oo maamulka la shaqaynaysay mooyaane inta kale xoolo dhaqato ahaayeen ku kaceen dawladdii. Dagaal dheer oo lagu riiqday markuu dhacay ayaa dawladdii oo qaab beeleed aan ka marnayn laga adkaaday."

 

Sheekhii hadalkii wuu sii waday oo wuxuu yiri " Beeshii laga adkaaday ee wax xukumi jirtay ayaa lagu xukumay in marka hore wax alle wixii xoolo iyo hanti kale ah ee ay leeyihiin ku wareejiyaan beelaha adkaaday. Waxaa kale oo lagu xukumay in ay oggolaadan in la qaybiyo oo dhammaan beelkasta oo adkaatay qayb beesha laga adkaaday ah ay ku biirto, mar dambena aysan dhul u gaar ah oo ay deggan yihiin yeelan. Ugu dambayntii waxaa lagu xukumay in aysan xoolo sida geel, ari iwm. yeelan karin isla markaasna aysan is guursan karin beelaha ay ku biireen".

 

Isagoo u eg wax murugaysan oo kale oo raba in uu hadalka soo gunaanado ayuu wuxuu yiri " si ay haddaba u badbaadan ayey oggolaadeen shuruudihii lagu xiray. waqtigan aynu joognona waxay sidaas ku noolaayeen dhowr boqol oo sano. Marka arrintu siday ku bilaabatay in la ilaabay baa jirta".

 

Intaan cabbaar garka iyo gondaha feker isgeliyey baan ku dhiiraday oo iri" Sheekh arrinta nasabnimada ka warran ee oranaysa soomaalida qaar baa ka dhaladsan kuwa kale".

 

Intuu ilka caddeeyey sheekhii ayuu si gaaban laakiin xoogan u yiri "Soomaali oo dhammi waa nasab." intuu aamusay oo cirka oo ay buuxiyeen fadad daruur ah oo aad mooday inay curan doonaan goor dhow sare u jaleecay ayuu yiri" Sheekooyinka nasab darrida waxaa la sameeyey markii labo ilaa saddex fac laga soo wareegay markii dawladii qaabka ilbaxa wax u maamulaysay ay xoola dhaqatadu ka adkaatay. Dhab ahaantii nasab darradu ma jirto".

 

Sheekadii Xange ayaa igu soo maaxatay. Intaan hadalkii ku mergaday oo uu iga soo bixi waayey ayaan si dirqi ah ku iri " sheekh arrinta....waxa la cunay... ka hadal. Sheeeekh runta ka sheeg".

 

Sheekhii baa intuu yara xamaartay oo fartiisa murdisada dhulka ku xariiqay sidii isagoo wax xisaabinaya ayuu yiri" anigu boqol iyo dheeraad baan jiraa, aabahay isaguna boqol iyo dheeraad ayuu jiray markuu dhintay, awoowgayna da' boqol dhaafsiisan ayuu ku dhintay. Saddexdaas boqol iyo dheeraadkaas oo waxna aan toos u ogahay waxna aabahay ii soo gudbiyey baan kula horfadhiyaa. Qisadaasu ma jirto, baq....wax la cunay ma jiraan ee waa wax cusub oo la fekeray oo loogu talo galay in dadka lagu kala sooco si markaas qaar isaga sareysiiyaan kuwa kale oo markaas ay u sed bursadaan".

 

Intuu fahamkii igu soo degay ayaan is maqlay anoo leh " oo arrintuba waa sed bursi" !!!!!!!

 

Sheekhii kama jawaabin isla hadalkaygii ee aamus ayuu iigu jiibiyey isagoo laakiin madaxa ii ruxaya. Markaan caano dheeraad ah iyo hilib idaad oo macaan ka sii dhergay ayaan ku soo carraabay reerkayagii.

 

Intaan dhexda ku soo jiray oo dhan waxaan ku hadraayey" waar yaa dadka wax u sheega, waar yaa dadka wax u sheega, waar........."

 

 

FG. tan waa sheeko xariiro

 

Self searching questions:

 

1) what do you think about stigmatization of members in your people ?

 

2) What can you contribute so that negative influences of our culture can be exposed eventually cut off ?

 

3) Is our competition of resources and responsibilities in our nation based on old many times wrong premises and create problems and what can we eventually do to improve it ?

 

4) Can nationhood and tribally oriented culture co-exist?

 

Toosiye2

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

Alla yaa cizak. Awoowe curiska aad halakan ku soo bandhigtay waa mid si wacan loo hufay. Dulucda sheekadu waa sax dhankaygana waad ka amaanan tahay. Sida aad u tifatirtay sheekada iyo halka aad ka abaartay waa macnihii aan aqoon jirnay. Isku soo xoori waa curis af Soomaali quman oo ah kii aanu niqiin lagu qoray.

 

Awoowe halkaa ka sii botari.

 

FG: Anniga oo sii xoojinaya kalaamka positive waxan marqaati ka ahay in hayb sooca uu yahay shido taagan maanta.

 

Berri aan si fogeyn abaaraha 1998 baa nin aan widaay nahay waxa uu yara caashaqay gabar markaa magaalada ku cusub oo nooga timid California. Waa is barteen, dhowr bilood baa la isla haasaawayey oo casho iyo meelaha loo dalxiis tago la isla aadayey.

 

Saxibkey waxa uu ahaa raggan aannu niraahno waa beezaani oo ciyaalka xaafada ah. Qabiilba la isma waydiin. Maalintii dambe buu i soo wacay. Axad baanu ballanay. Waxanu kaxaysanay baabuurkeygii. Hawsha ma sahlana buu igu yirri oo tashi kama maarmeyso.

 

Kolkaan helnay kob lagu qaxweeyo oo ka baxsan magaalada baannu is wareysanay. War haye saxib. Awoowe see wax yihiin. Ninkii waa ii waramay. Waxa uu yirri hebla soo garan meysid. Waxan ku jawaabay aad iyo aad! Waxa uu yirri anniga iyo qoftaas boowe waxan nahay far iyo faraanti. Haye! Waxa uu yirri awoowe xaalkayagu waa guur haatan. Haye! Waxa uu yirri waxan xog ku helay khabar aan ka didday. Haye! Gabadha hooyadeed baanu kulanay habeen hore wax yar ka hor inta aannan ku soo wacin. Haye!

 

Halkaa markuu botorinayo baan waxan is irri malaha lacag deen ah buu kaa doonayaa saaxiibkaa. Mise ka tag!! Hawshuba meel kale bay iska qaban la’dahay. Gabadhu wallahi waa haldhaa sida tariigaa ah. Hor joogsi, heybad, bilic, dad la dhaqan, dhoolacadeyn har iyo habeen ah oo iska kaa farxad galinaya; heedhe waa waxn loo quuri karin. Innaba caadi ma aha qoftan.

 

Bal Ilaahay amarkii xaga haybta baa awoowgeedii 50aad berrigii Ahmed Guray malaha franjiga la xarbiyaye baa waxa uu ahaa nin qolyahan la hayb sooco ee nalagu yirri dadka waa ka liitaan oo firkoodii horaa ahaa Madhibaan!! Wiilkii saxibkay ahaa talo baa ku cadaatay. Waa nin mutadayin ah oo salaada tukada. Waa nin xadaari ah markiisii horena reer belad ahaa issaga iyo laba fac reerkiisa. Ilaa horaantii sideetamaadkiina tacabur meelo badan soo maray.

 

Misana waa u bareeri waayey in uu fooda galiyo qallanjada aan ka soo sheekeeyay. Kala hare. Waxa iigu naxdin badnayd markii tirri “I understand” with smile. Ciiloow way waxan ku sigtay in aan anniga habeeyo. Wiilkii bay amaan ugu dhaqaaqday. Waxay tirri guurku waa calaf. Kaliya waxay naga codsatay in aan cida ay tahay aan la highlight gareen. Keep it low I would rather have my suitors get to know who I really am first before they get to know who my fathers’ clans were.

 

Ilaa hadda lama guursan qoftaas sidan aan khabar ku hayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Positive   

Baashi,

 

Awoowe waad mahad santahay. Sidaad ogtahay afkii iyo dhaqankiiba wuu is-beddelay. Laakiin wixii hore si aysan u lumin in la qoro ayaa habboon. Madaama aan firaaqo ahay maalmahan inshaAllaah curiskii Xange oo aan dareemayo in uu dhammaystir u baahan yahay ayaan sii wadi doonaa. Idinkuna dooda dhaqanka, caadooyinka iyo af-soomaaligu way idiin furan tahay.

 

Sheeko xariiro: Xogtii Xange

 

Carraabihii iyo dhurwaagii

 

Sidaan u soconayey ayaan mar qura soo hambabaray. Hareerahayga markaan eegay ayaan ogaaday in aan hal cabaar ah ka soo socday meeshii sheekhu degganaa oo run ahaantii aan saddex meeloodow labo meelood ku soo dhowaaday meeshii reerkayagu yiil. Inkastoo dareen igu dhashay oo aan la yaabay sababta aanan waqtiga iyo fogaantaan soo gooyey u dareemin haddana waxaan isku qanciyey in maankaygu ku foognaa waxaan markaas u arkayey xaq-darro lagula kacay dad walaalahayo ah. Waxaanse la sii yaabay sida ay dadku uga daman yihiin in ay arrinkaas ka garaabaan. Weligay waxaan moodi jiray in dadka waaweyni xaqa iyo baadilka saani u kala sooci karaan, Laakiin taas shaki ayaa hadda iga galay markaan arkay hayb sooca lagula kacay dadka qaarkii.

 

Socodkii anigoo sii wata oo casar gaab ay soo noqotay kuna xisaabtamaya in marka qoraxdu godka gasho aan reerka gaari doono ayaan waxaan arkay labo like oo dhulka ka soo foocay. Intaan ku bayray oo dhulka oo rays lahaa awgeed gacmaha ku qoday ayaan ku ritay agaan yar oo garabka bidix ii surnayd. Geed sarmaan ah intaan laan dheer oo qodax leh ka goostay ayaan anigoo tallaabo dheeraynaya ku dhacay wadiiqo aan hayey oo i geynaysay reerka. Markaan wax yar uun socday ayaan meel hortayda ah ka maqlay reen ka baxaya, Geed higlo ah oo caleen badan intaan jiridiisa isku soo loohay baan jeedaashay meeshii reenka iyo sawaxanku ka baxayey. Waxaan arkay waraabe meel jabad ah oo cayo badan ku dhex jira. Markaan u sii fiirsaday waxaan arkay isagoo dhulka qodaya oo cayadiina rifaya. In cabaar ah markuu dhurwaagii hawshaas ku jiray ayuu intuu sare joogsaday oo hareerihiisa eegay buu xaggaas iyo qorax dhac u dhaqaaqay isagoo afar qaadlaynaya.

 

Anigoo gacanta midig ku xejisanaya ushii sarmaanta ahayd ayaan soo dhukusay oo soo dul istaagay goobtii waraabuhu ka dhaqaaqay. Waxaan arkay in dhurwaagu meesha intuu god ka qoday uu markaas laamo cayo ah ka buuxiyey godkii . Ilayn dhurwaagu wuu geedo goostaa ayaan maqli jiray ee intaan godkii ka mariyey wixii ku jiray ayaan anigoo raad-tiranaya dib ugu noqday geedkii higlada ee aan markii hore ka soo dhaqaaqay.

 

Wax yar ka dib mise waa kan waraabihii oo dheg la qabto aan lahayn. Markuu godkii is kor taagay oo uu arkay in looga dambeeyey ayuu xagga u cararay oo xaggan kale u carraray oo duryamay. Halkaygii baan isku nabay oo isha ayaan la raacay hadba geeska uu u cararo anigoo isla markaas diyaarsaday ushaydii kuna kalsoonaa in uusan iga faa’iidi doonin. Markuu waxba waayey ayuu goobtii godka soo dul istaagay mar labaad oo cayadii ku celiyey. Sidii markii hore oo kale intaan yeelay ayaan anna ka goray godkii wixii uu ka buuxiyey.

 

Saddex goor markaan ka guray isaguna ku guray godka cayadii oo uu mar kasta cartamay oo xayraamay ayaan markii afraad cayadii oo dhan gacanta ku qaatay oo iskala dhaqaaqay. Isagoo xiimaya oo ufo kicinaya ayuu dhaqso ii soo galay. Markuu i arkay ayuu xagga iga maray oo xaggan kale iga maray oo intuu daryaamay afka kala waaxay laakiin uma jixinjixin. Intaan ushii qodaxda badnayd ee aan sitay ka buuxsaday ayaan hore ugu socday jahadii aan awalba u socda. Intuu markii dambe iska degay ayuu iska kay dabo dhuraaqiyey. Markii aannu cabbaar sidaas isu dabo soconay, qoraxdiina ay sii gaabatay oo liiqa dhigtay, mararka uu igu soo dhowaadona aan ku qayliyey “ dhuruq dhaylo dhabbo xaar dhige walle kuma siiyo waxan aad wax ku sixirtay” ayaan markaas arkay geed lebi ah oo dheer oo hortayda ku yaal. Intaan ku bayray geedkii oo dusha uga baxay ayaan ku fadhiistay rako fiican. Waxaan hoos u soo eegay dhurwaagii oo geedka hoostiisa soo istaagay.

 

Markuu dhowr goor ku wareegay geedkii oo ay talo ku caddaatay ayuu af labadii yeeray….. Aaaaaaa…… Aaaaaaaaaa…….Aaaaaaaa. Intii aan ci’dii afkiisa ka soo dhammaan ayaa waxaa hareer kasta ka yeeray ci’ waraabayaal kale……Aaaaaaa……..A……Aa.

 

(Qormo dambe sug)

 

Toosiye2

Share this post


Link to post
Share on other sites
Positive   

Walbahaarkaygii iyo baxsigii Xange iyo Qalanjo

 

Habeenkii oo dhan geedkii baan saarnaa. Mar ay salaadii hore tahay goor weli hiimse hiimse ah laakiin qof iyo geed la kala garan karo ayey waraabayashii oo tiro boqol ku dhow ahaa bilaabeen inay geedka jiridiisa qodaan si ay xididada ugu siibaan. Cabsiyi intay i qaaday baan u tuuray cayadii. Wixii ay doonayeen markay heleen oo iyagoo raxan raxan ah afarta jiho u kala dhaqaaqeen ayaan anna iyadoo kalsooniyi i gashay ka soo degay geedkii. Xagga iyo xagga markaan hubiyey oon ogaaday inay nabad tahay baan u dhaqaaqay jahadii reerku iga xigay.

 

Dhaxii, cabsidii iyo qadoodigii saleelo ayuu noqday oo arrin ka wayn ayaa maankayga gubaysay. Markii ugu horaysay noloshayda ayaan dareemay in aan la xanuunsado dadka la hayb sooco. Warkii wadaadku i siiyey ayaa wax weyn iga beddelay. Waxaan noqday qof si hor leh wax u arka. Xanuun xoog leh ayaan dareemayey oo ka kulul kii ushii aabahay ila dhacay. Talo aan arrinta wax uga qaban karo se iima muuqan. Sidee baan Rabi Allow wax u qaban karaa ayaan ku cel-celiyey.

 

Mar aan labadii like hamuuntii ku celiyey intaan qoraxdiiba soo bixin oo aan waxyar uun socday baa waxaa iga hor yimi awr labo haamuud ku raran yihiin labo qof oo mid gar-wadeen yahayna ay la socdaan. Markaan ku soo dhowaaday oo aan aqoonsaday in ay yihiin Xange iyo Qalanjo ayaan istaagay. Waraysi aan isweydaarsanay ayaan ugu sheegay waxaan shalay sameeyey iyo wixii xalay dhacay.

 

Qalanjo oo aan ka dareemay inay ka naxday khatartaan galay laakiin haddana ku faraxday in dhibaato aysan ii gaarin ayaa intay gacanta midigta i qabatay oo Xange xaggiisa yara dhugatay dhinac ii yara dhaqaajisay. Waxay tiri “ walaal in aad na aragtay cidna ha u sheegin”. Waayo markaan ku celiyey ayey si qabow laakiin kalsooni ku jirto ii tiri” baxsi ayaannu nahay”. Labada gacmood intaan qabtay walaashay Qalanjo oo aan dhulka fariisiyey ayaan dood dheer iyo ra’yi isweydaarsi la galay. Xange isaguna markuu arkay sida ay wax u socdaan ayuu awrkii tu’iyey oo intuu caday dheer la soo baxay si uu ilkaha u nadiifiyo isagoo jaraha haya awrkii hor fariistay.

 

Markay Qalanjo ii warrantay oo ii caddaysay in Xange ay guursanayso cid hor istaagi kartaana aysan jirin, isla markaasna dood dheer oo dhinac kasta taabanaysa aannu dhammaynay , ayaannu isku raacnay inay habboon tahay in aan iyaga, waa Qalankp iyo Xange e, raaco! Waagii oo saani u beryey markuu tashigii noo dhammaday ayaa markuu Xange arkay in aannu sare joogsanay buu isaguna intuu istaagay oo awrkii gar-wadeenkii dhuftay noo dhaqaajiyey xaggaas iyo koonfur. Aniga iyo walaashay oo og in waqtigaas wixii ka dambeeya, Eebe ka sokow, ay mas’uuliyaddayadu saaran tahay Xange ayaa aamusnaan ku dabo galay.

 

Alla nasiib badana ayaan ku fekeray ninka Qalanjo guursadaa.

 

Walaashay Qalanjo Jumcaale Gadiidshe oo gu’gaas 19 jirsatay waxay ahayd gabadh dheer oo dhuuban. Jir solan oo aad dhexda madag mooda oo qaar sare iyo qaar hoose oo isu miisaamanna leh ayey lahayd. Waxay lahayd timo jilicsan oo madow oo intay tidicday labadeeda garab ka soo degay. Waxaa qofka arka farax gelinayey wejigeeda oo midab dhalaal qurxoon ah, suuniyo liiq ah iyo indho cad-cad oo bu’ madow aad ka dheehan karto iyo weliba qoor kala baxsan oo labo garab oo miisaaman ay hereeraha ka gelbinayeen. Waxay ku xarragoonaysey maro cad oo qaab guntiino ay u xirnayd laakiin qaarkeeda sare ilaa miskaheeda daboolaysay oo ay dhexda kaga giijisay dhacle. Hoosta toob ilaa qonofka dushii joogay ayey ka gashanayd. Lugaheeda dhibta u nugulna waxaa ugu jiray labo kabood oo cag-ba-cag ah oo saan geel ka samaysan. Dadka yaqaan quruxdu waxay oran jireen inanta abuuristeeda Ilaahay wuu ku faro yaraystay.

 

Dabeecad , dad la dhaqan wanaag iyo karti hufnaan leh baa u weheliyey quruxda muqaalka. Waxan xan ku maqlay in aabo doonayey in uu Qalanjo kula xidido oo la siiyo inan uu dhalay nin boqor ah oo magac dheer leh xoolona Alle siiyey. Waxaa aabo loo ballan qaaday baa la yiri boqol halaad iyo baarqabkooda arooskana waxaa loo ballamay gu’gan oo markaas labo bilood uun naga xigtay.

 

Xasuustan dambe ayaa caloolyow cusub igu beertay. Sidii qof aan kii horeba ahayn baan bilaabay in aan welwelo. Ma waalid inkaar baad noqotay ayaan is iri. Markaan ka fekeray dhibaatada ficilkayagan u geysan doono aabo, sumcad darrada qoyska oo dhan soo gaari doonta iyo weliba xoolaha uu waayi doona aabo ayey jiriirico ku jabtay jirkayga. Waxaan bilaabay in aan ka shakiyo in tallaabadan aan qaaday ay tahay mid habboon. Dhowr mar bay madaxayga ku wareegtay in aan iska noqdo laakiin haddana waan ku dhiiran kari waayey. Waxaan isku waaniyey in aan hal adayg yeesho oo aan barto in aanan ka leexan wanaagga si kastoo ay mur uga qaraar tahay. Markaan wax badan rog-rogay fekerkii waxaa ii muuqatay in meeshaan qof ka qaaday aan qof kaga tegay. Madaama aysan suurto-gel ahayn in aan ka hor imaado rabitaanka walaashay talada aabahayna aysan xaq ku salaysnayn ayaan isku qanciyey in aanan beddelin mowqifkayga. Markaan runta sheego waqtigaas mowqif ii cad ma jirin ee haddana waan iska dabo socday Qalanjo iyo Xange iyadoo aan qarinayo ilmo iga gobo’ leh.

 

Walaashay iyada kama muuqan wejigeeda wax welwel ama walbahaar ah. Markaan fiirshay waxaan ku qiyaasay in ay tashatay oo waxkasta oo dhaca ay u bareertay. In ay sidaas tahay waxaan ka gartay siday u laafyoonaysay iyo firfircooni farax ka muuqday oo ay ku tallaabsanaysay. Naag ninkay doonaysay heshay oo u diyaargarowday in ay reer dhisato ayey u ekayd. Cid kastoo muraadkeeda ka soo horjeedana dan kama ay lahayn.

 

Markay barqo dheer noqotay oo degaankii reeraha aan ka fogaaney ayey Qalanjo intay la soo baxday mayrax xig ah iyo xarig ay markii horeba sohaysay oo guntiga qayb ku xiratay intii kalena ka soo riday garabka miciyahana ku qabatay ayey iyadoo tidcaysa ku luuqaysey hees u dhacaysay gelbis. Cod macaan oo aan meel dheer laga maqli Karin ayaan ka fahmay iyadoo leh ” gabadha soo gelbiyaay, gaari dumarey, nin bay jamatay Jookhee”.

 

 

Xange ayaa awrkii joojiyey si aan u soo gaarno. Markaan soo gaaray ayuu intuu garabkiisa ka soo dejiyey sibraar caano geel oo dhay ahi ka buuxeen oo ii soo taagay ayuu isagoo ilko caddaynaya kaftan iigu yiri” seedi miyaad daashay”. Intan ka qabtay sibraarkii oo qorigii furka ahaa ee ku go’naa ka furay ayaan ugu warceliyey “ Maya saaxiib ee waan gaajooday”. Intuu haddana kuus timira ii soo taagay ayuu yiri “ waxaa dhici karta in laynagu soo raad joogo. Nasasho inooma taal ee awrka ma fuulaysaa”. Intaan timirtii gacan midig kaga guddoomay ayaan si xushmad ku dheehan tahay u iri “ may, rakuub fuulka waan ka koray“.

 

Markaan hal cabbaar caanihii qurquriyey ayaan sibraarkii u celiyey Xange. Intaan jirjirka gacanta bidix kariinkii iskaga tiray ayaan timirtii oo aan faraqa ku ritay hadba dhowr xabbo kala soo baxay oo afka geliyey. “tan socodkaan ku cunayaa” ayaan ku iri Xange. Markuu Xange dhugtay Qalanjo si uu u hubiyo inay wax u baahan tahay oo ay ka sii jeesatay iyadoo wax war ah aan oran ayuu awrkii dhaqaajiyey.

 

Qaabkaas ayuu ku bilowday socod dheer iyo nolol cusub oo taxan lixdan sano oo maalintaas ka bilowday.

 

( qormo dambe sug)

 

Tooaiyw2

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hayb soocu soomaalida oo keliya gaar uma aha ee cid kasta oo aduunka ku nooli way ku dhaqantaa haba loo kala badnaadee mana aha wax si sahlan loo tirtiri karo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Positive   

Jac.bar,

 

Maxaad u jeedaa. Ma caado la gooyo caro Alley leedahay baad u jeedaa?

 

Sheeko xariiro: Soomaalida iyo hayb sooca.

 

Arxan la’aan baa jirta

 

Dhalandhool ayaannu ku jirnay maalintaas oo dhan habeenkaas intiisa badanna gudoodi. Qofkastaa cunto iyo cabitaan wuxuu garabka ku sitay ayuu hadba isku nafaqaynayey. Mar mar aan xaajo u hakano mooyaane mar keliya maanan istaagin oo waxaannu ka baqaynay in nalagu soo raad joogo. Dhulka aan maraynay abaar oomane ah oo duur joog mooyee duunyo iyo dad aanan ku arag buu ahaa. Qorax aan daruuro celiyaa jirin ayaa maalintaas madaxa kaa gubaysay. Dhul kayn ah oo xagarka, bilcilka, quraca, sarmaanta iyo geed gaabka sida jilabka, dareemada iyo duurku ay buuxiyeen ayaannu dhex jibaaxnay. Mar mar baan markaan arko dhafaruur ay ka lushaan miro hurdi ah oo aad mooddo in malab ka da’yo intaan xantoobo ka gurto afka ka buuxsanayey. Xange se sidii nin dhiilaysan oo kale mar mar uu gadaal soo dhugto mooyee hortiisa ayuu tallaabo dhiibsan ugu socday isagoo awrka hoggaanka u haya. Qalanjona sidii la yiri yuusan kaa tegin bay ku dabo niibsanayd.

 

Cawilka Alle ilayn lama waayee wuxuu nagu gargaaray in aannaan qof keliya arag. Waxaa noo dheeraa in aysan cid na raadinaysaa na helin. Waxaase kale oo nayaayiro na sii gelisay markii galabnimadii aannu helnay biciid gool ah oo intuu labada jeeni ka jabay kici kari la’. Xange ayaa intuu awrkii geed ku xiray oo midi af badan la soo baxay gowracay biciidkii. Intuu awrkii gurada u saaray ayaannu socodkayagii sii wadanay. Habeenkii oo caddo ahaa markuu abaara kala bar yahay oo laxahu ay dhinaca galbeedka u bateen ayuu Xange istaagay. Markaannu annaguna joogsay oo cabbaar wax dhegaysay wax dhiilo lehna maqli waynay ayuu Xange awrkii fariisiyey. Qalanjo oo aadan daalba ka dareemayn ayaa intay soo oroday ka qabatay hoggaankii. Xange intuu biciidkii ka soo dejiyey awrkii ayuu geed halkan ah labadii minjood laan ku xiray oo soo foorariyey. Wuxuu markaas qaatay gudintii oo yiri “awrka fura waan yara nasanaynaaye”.

 

Annagoo awrkii ka dejinay haamihii ayuu soo noqday isagoo xaabo badan sida. Awrkii intuu seeteeyey ayuu sii daayey si uu u daaqo laakiin awrkii ma daaq tegin ee meeshii ayuu iska fariistay oo iska cala-naqsaday. Ma daale Xange wuxuu isla markiiba u hawlgalay inuu dab ka bixiyo madag iyadoo walaashayna ilayn wax ka dhaqso badan ee intay shillal samaysatay oo biciidkii haraggii oo isku dhan ka siibtay hilibkii qurub qurub yar-yar u jartay. Waxay tiri “ hilibka waynu hogaynaynaa ee dhamac xoog leh inoo sameeya”.

 

God labo dhudhun oo dherer ah iyo labo dhex-roor ah leh intaannu qoday oo xaabo ka buuxinay ayaa markay dhamac noqotay aannu dhuxushii oo ololeysa bar ka soo guray. Hilibkii oo ku tolan haraggiii neefka intay Qalanjo noo dhiibtay ayaannu ku riday godkii oo waxoogaa ciid ah hortii aan ka buuxinay. Ciid cusub markaan ku shubnay oo dhamacdii bannaanka taalay ku buuxinay ayaannu godkii aasnay. Intuu labada sacab isku garaacay isagoo iska nadiifinaya ciidii ayuu Xange ku tiraabay “waxaynu sugaynaa inta uu hilibku ka hogoobayo. Waxaa habboon in aad isku daydaan in aad yara seexataan waayo caawa waa inoo gudoodi” markuu intaas yiri bay doodan dhacday.

 

Qalanjo: “ sac baa raaf igu hayo seexan kari mayo”.

 

Xange: “Bal ka saar sarbeebta oo warka aan saani u caddayno”.

 

Qalanjo: “Ma sooc bay ku jiri sebiyo uu Eebe ina siiyo”.

 

Xange: “ Maya ee abtirsiin saafi ah oo saxan ayey yeelan”.

 

Qalanjo: ”Ma sed dhoobi bay nolol ka dhigan sahal wuxuu beeray”.

 

Xange: “Maya ee samafal Eebaa dhibtaa suxul ka yeelaaya. Inaguna siday tahay dedaal sannado joogtaynay”.

 

“Waad igu bannaan tahay” ayey tiri Qalanjo iyadoo dhulka eegaysa. Dab olol yar oo noo shidnaa oo wejigeeda iftiimiyey ayaan ku daalacday in waalaashay kalsoonidii ugu dambaysay siisay Xange. Sidii wax feker dheer gashay oo kale intay noqotay ayey ku soo celisay su’aal Xange oo waxay tiri” abtirsiinadu maxay noqonaysaa”. Xange oo aan shaki gelin ayaa yiri “Sidii qolooyin inaga horeeyaba sameeyeen ayaan yeelaynaa. Abtirsiino ayaa samaynaa”.

 

Intii hilibkii inuu noo bislaado aannu sugaynay baannu arrintii abtirsiinada iyo magacyadii rasmigaa ahaa ee odayaasha isku dubo ridnay. Waxyaabaha aan isku raacnay waxaa ka mid ahaa in Xange ku abtirsado nin sheekh oo asalkiisii hore carab ahaa. Toban oday oo Xange aabihii ka soo tirsaday ayaannu magcownay. Reer Tawaawul ayaan la baxnay. Sheekh Tawaawul abtirsiinadiisa in aan waqti kale habayno ayaannu isku raacnay. Waxaannu ku soo afjaray hayb samayntii in aan isku raacnay in aniga iyo walaashay aannu abtirsiinadayadii hore ku nagaano.

 

“Talada adigaa ku nool ayey tir” Qalanjo intay neefi ka soo baxday. Xange ayaa u jiibiyey” Xaqii awoowgay laga qaaday baan caawa soo ceshaday”. "Wixii aad dhasho iyo wixii soo raacana waad u soo celisay” ayey ku dartay Qalanjo. Intuu Xange cabbaar eegay Qalanjo oo indhahoodu ay kulmeen ayuu yiri” qabiil reer tawaawul la yiraahdo ayaa caawa samaysmay. Carruur Alle ina siiyo oo keliyana ku koobnaan mayo ee waxaa dhallan doonaa, haddii rabitaanka Alle ay noqoto, is-bahaysi xoog weyn oo faracyo leh”.

 

Markaan isu jiibintaas cabbaar dhegaysanayey ayaa intaan is-ilaaway oo carruurnimo i qaaday iri “ oo ma sidaas ayaa nasab lagu noqonayaa”?

 

Xange ayaa intuu hoos u yara jeestay oo iska dhigay sidii wax fekeraya ayuu intuu qoortiisii toosiyey oo toos ii eegay yiri” dadku waa wada nasab walaalo ah haddaba. Qabaa’ilka hadda jira se badidoodu is-bahaysi weeyaan qaabkan oo kale ku dhismay mar hore. Xitaa hadda lafteeda had iyo goor kuwo cusub baa ku biira hadba kuwa xoogga badan. Waxan aad moodayso wada dhalashadu marar badan waxay ku unkantaaaa is-gaashan buuraysi. Marar badan waxaa dhacda marka qabiil xoog yeesho in dhowr yaryar ay isu tagaan oo sheegtaan inay dhalasho wadaagaan si markaas ay xoog wax iska celin kara u noqdaan. Dhowr fac kadib waa la ilaawaa wixii uu isbahaysi ku bilowday. Dhinaca kale dad la gumeeyey mar dagaalo dhaceen ayaa carruutooduna dhaxlaan xaalad nololeed oo hoose. Gun aysan u dhalan ayaa lagu sheegaa. Sidaas darted” ayuu ku soo gunaanaday” wax cusub ma samaynayno ee wax hore u jiray ayeynu inaguna ku dhaqaaqaynaa".

 

Mar labaad baan su’aal ku dhiiraday oo iri” taasi khaladkii oo aynu khalad ku saxnay sow ma noqonayso oo dhibaatadu sii socon mayso?”.

 

Isagoo aan runta ka libiqsan ayuu yiri” haa marka abuurista gaashaanbuurta la eego. Laakiin wax kastaa waqti ayey leeyihiin. Mar baa imaan doonta mustaqbalka ay dadku u bislaadaan inay xaqa u hiiliyaan oo aysan dulin u bareerin. Markaasi waxay noqon doontaa marka Soomaali oo dhammi hal qabiil oo Soomaali la yiraahdo qaadato! Inta ka horaysa dhibaatadan qaabab kala duwan ayey u jiri doontaa”.

 

Intuu yara hakaday ayuu sii waday hadalkii oo yiri “ innagu hadda kama maarano in aynu hayb cusub yeelano. Waxaynu se dhaqanka isbahaysigeenna ku kordhin doonaa dhaqamo mamnuucaya in dadka la hayb sooco. Isla markaasna xeerar ayeynu samayn doonaa loogu xoolo go’nayo qofkasta oo xoolo la'aan ku timaado”.

 

Wax yar intuu aamusnaa oo hubiyey in ay Qalanjo dhegaysanayso ayuu hadalkii sii waday oo yiri” run ahaantii waxa keliya dadka kala soocaa waa hantida. Halkay ahayd in qofka xoolo Alle siiyey uu Ilaahay ku shukriyo oo dadka kale ee aan wax haysan uu taageero ayaa waxaa jirta in la isugu faano xoolaha oo kan aan wax haysan lagu gumaysto ama marka ay ugu liidato magac xun loo bixiyo. Arxan la’aan baa jirta ee nasab la’aan ma jirto”.

 

“Waxaa waajib ah oo loo baahan yahay inaan carruurteenna wax u tacabno”,ayuu yiri intuu qaarka sare la yara kacay sidii isagoo wax higsanaya. wuxuu ku soo gunaanaday ” gaargaarka Allena waynu baryeynaa ANIGANA qorshe ayaa meel ii yaal. Hadday idanka Eebe noqoto waynu ka bixi doona foqorka hantida iyo kan garaadka”.

 

Waxaan aad ugu bogay sida wanaagsan ee uu fekerka isu saaray. Sharaxaaddaas dheer ee uu bixiyey ayaa qalbigii ii dejisay waxanaan ogaaday in qofku dhibaato kasta oo soo wajahda uu talo iyo tacab ku xalin karo .Dadka kale ee dulmanna xal way heli doonaan ayaan isku dhiiriyey.

 

( qormo dambe sug )

 

 

Toosiye2

Share this post


Link to post
Share on other sites
Positive   

Alle aamin ma iisho

 

Hilibkii oo isku raasuqay oo geedo ay Qalanjo ku qurtay uu maraqa ka soo kam kamayey ayuu Xange xeero weyn ku af-rogay. Annagoo og in aan la hubin goorta dambe ee cunto sidan u wanaagsan aan heli doonno ayaannu ka hirqanay.

 

Qalanjo se hammuuntii uun bay iska bi’say ee hilib sidaas ah may cunin. Intaannu waagu beryin ayaannu intaannu rarnay awrkii socodkayagii bilownay. Waxyaabaha fekerkayga ku wareegayey waxaa ka mid ahaa im waxkastaa tacab u baahan yihiin. Waxkastaa waxay hagaagaan marka aad ku kacdo tacab aad ka leedahay ula-jeedo ah in aad wanaag u keento naftaada iyo inta kale ee ay saamayso isla markaasna aad Alle aaminna ku darto. Dhibaatadu waxay timaada marka labadaas arrimood ay midi maqan tahay ama ula-jeedada aad leedahay ay tahay mid waxyeelo u leh naftaada ama inta ay khusayso. In dhibtan dheefi nooga dambayn doonto ayaan markaas ku qanacsanaa. Waxaan dareemayey tamar badan oo rajo wanaag ku lamaan tahay oo meesha ay ka imaanayso aanan garanayn.

 

Nasiib wanaag ilaa hadda ma aanaan arag bahalo na waxyeeleeya. Bahala sare sida Dhurwaaga, libaaxa shabeelka iyo kuwo kale oo khatar ah oo hadday na helaan aan na badbaadiyeen baa buuxay. Sidoo kale bahalo hoose oo ka mid yihiin mas, abeeso iyo abguri ayaa dhulka joogay. Aaminka Alle ayaanuse ka dugsanaynay oo inuu belada naga xijaabo ka baryeynay.

 

Maalintii markay kala bar tahay oo hooskii ku libdhay gondaha ayaannu geed harac weyn ku bayrnay si aan ugu nasano. Intii aannaan geedkii gaarin ayuu Xange yiri “Hadda waynu nasanaynaa. Habeenkii ayeynu gudaynaa si aan la inoo arag”. Markii aannu geedkii soo hoos istaagnay mise qof ayaa jiifa geedka. Xange ayaa intuu warankii iyo gaashaankii soo dhowaystay oo hoggaankii awrkana ii dhiibay ayuu qofkii xaggiisii u dhaqaaqay. Intuu dul staagay qofkii hurday isagoo warrankii gacan ku haysta gaashaanna gacata kale ayuu yiri” Waar maxaa la sheegay”. Qofkii oo maro cas ay madaxa iyo manjaha ugu duubnayd ayaa intuu maradii iska rogay oo qaarka sare la kacay ayuu yir” nabad iyo caano ayaannu sheegnay ee kuwama ayaad ahaydeen. “ Kuwo safar ah ayaannu nahay” ayuu ugu warceliyey Xange.

 

Qofkii geedka hurday oo noqday nin u muuqday inuu ku jiro cimriga raggu ugu xoogga badan yahay, qiyaastii afartan jir, ayey is yara waraysteen Xange. Isagoo u muuqday inuu shaki baxay ayuu Xange cod kalsooni aad ka dareemayso nagu yiri ” awrka fura”

 

Intaannu awrkii furay ayaannu hilibkii iyo maraqii wixii noo haray diirsanay oo dhammaantayo ka hirqanay. Xange iyo ninkii iyaga iswaraysi iyo kaftan dheer bay galeen aniga iyo Qalanjona aamus bannu ku dhegaysanay. Reerkayagii wuu gartay ninkii wuxuuna noo sheegay inuu ku began yahay inuu sii dhex maro beesha. Xange ayaa ninkii weydiiyey inuu fariin gaarsiin karo aabahayo iyo hooyo. Ninkii baa yiri” waarkiina waan qaadayaa.”

 

Xange yaa yiri waxaad ku tiraahdaa:

 

Gacalle aabo iyo hooyo,

Salaan waalid guddooma,

Gabartii aad jeclayd

Iyo gabankii Huriwaa

Iyo Xangoo gaarka ka haaya

Saddexdaas oo nimco guuri

Ka guddooma salaan

Ha guhaadin naftiina

Hadday geeri na dayso

Mar uun buu garabkiina

Guu;ahay uu na keeni e

Duco noogu gargaara

Gabartii, garbartiina hibeeya.

 

Ninkii ayaa intuu warankiisi oo dhinaciisa yiil dhufsaday yiri” fariini waa qaan. Ilaahay hadduu I badbaadsho oo nabad aan reerihii ku tago fariintaas waan gaynayaa. Idinkana amaano Allah iyo amaano rasuul”. “ Ammaano Allah” ayaannu ku wada jiibinay. Wuxuu u dhaqaaqay xaggaas iyo dhinacii aannu ka nimi. Markuu naga libdhay ayey Qalanjo oo wejigeeda welwel ka muuqdaa tiri” maxaad sidaas u yeeshay”. Xange ayaa u caqli celiyey oo yiri” badbaadadeenna Ilaahay oo aynu talo saaranay ayaa shaqo ku leh. Laakiin waa xil ina saaran in waalidkeen aan gaarsiino in aynu nabad qabno”.

 

Waxaan ka daba tuuray” waa runtii. Alle aamin ma iisho” Wixii xaq ah baqdin loogama bayro. Qalanjo ayaa intay madaxa noo ruxday tiri “ Waa runtiin. Xumaanta oo had iyo goor wehel doon ah ayaa isku dayda in ay i jiidato”. “ Waa laga adkaystaa” ayaan ku iri cod dheer oo kayntii ka sanqariyey. ” Sidee looga adkaystaa” ayey igu soo celisay “markaan jid kale oo kula quman kuu muuqan?”.

 

Su’aashaasu aamus ayey abuurtay. Xange ayaa markii dambe kacay oo intuu iga codsaday in aan raaco ayaannu soo gurnay caws badan. Dhowr goor markaan noqonay oo cawskii soo kordhinay oo hor dhignay awrkii dabranaa ayaa qofba meel uu madaxa dhigo raadsaday.

 

Mar aan in hurdo laga bogan karo hurday ayaan waxaan ku toosay awrkii oo buubay iyo Qalanjo oo awrkii ka dabo oroday. Dhinacayga meel aan toban tallaabo ka badnayn waxaa taagnaa Xange oo warankiisa iyo gaashaankiisa qaab dagaal u haysta oo libaax labada lugood oo hore ku taagani uu hor fadhiyo. “ Yur, yur” ayuu Xange ku lahaa libaaxa isagoo hadba waranka ku waabinaya. Hareeraha ayaan eegay mise libaaxan mooyee bahalo kale ma muuqdaan. Timihii jirkayga oo dhan baa kacay. Jiriiricaa igu jabtay. Naxdin iyo argagaxna Ilaahay waa ii keenay. Talo ayaa igu caddaatay oo wax aan sameeyo ayaan garan waayey. Markii dambe anigoo aan ka war hayn waxa aan sameynayo ayaan intaan istaagay oo gacanta la haleelay qori dogob ah oo meesha yiil ayaan barbar istaagay Xange oo bahalkii la yureeyey.

 

Libaaxii meeshii kama dhaqaaqin ee hadba kaayaga yureeya ayuu indhaha la raacay. Qorax dhac bay soo noqonaysay waxaanna arkayey Qalanjo oo awrkii intay gaartay oo hoggaanka u qabatay hortaagan meel bidhaanteeda aan ka arkayey. Markaannu cabbaar sidaas isu hortaagnayn libaaxii ayuu markii dambe dhulka ku sameeyey xariiq. Xange ayaa isuguna warankii xariiq ku sameeyey dhulka. Saddex xariiqood markuu libaaxii dhulkii ku sameeyey oo Xangena saddex ku sameeyey ayuu libaaxii dhinacaas u dhaqaaqay oo fadhiistay meel naga durugsan laakiin aannu ka arki karo.

 

Xange ayaa ii sheegay in libaaxa ay wacadtameen. “Dhulka uu xariiqayey is dhaarsi ayuu ahaa. Marka waxba ina yeeli mayo ee waan inaan Qalanjo u tagnaa. Halhaleel markaan ku soo guranay wixii alaabo geedka naga hoos yiil oo awrkii saaray ayuu Xange u dhiibay Qalanjo hoggaankii awrka isaguna dhinaca dambe ayuu maray isagoo isha la raacaya marna sanqadh dhegaysanaya libaaxii.

 

Guure dheer oo aan joogsi lahayn ayaannu habeenkii oo dhan ku jirnay. Labaaxiina wuu na dabo socday isagoo aan aad noogu soo dhowaan laakiin isla markaas aan naga fogayn. Sanqarta cididiisa ayaannu maqlaynay oo jabac jabac jabac lahayd.

 

Subaxdii markii waagii beryey ayaannu aragnay xayn dabotaag ah oo meel daaqaysa. Mise libaaxii oo u gabanaya ayaannu isagana aragnay. Intii ku dhex dhacay ayuu mid ka qabtay. Markaan aragnay isagoo qabtay oo ay firig-firig leedahay ayaa Xange oo middi sitaa ku cararay. Intuu qoorta qabtay dabo-taagtii ayuu gowracay kadibna dhinac uga yara bayray. Libaaxii baa intuu yara dhugtay Xange oo labada lugood ee hore dhigtay ayuu dhiigii cabbay. Markuu dhiigii laastay ayuu dhinac u yara dhaqaaqay. Xangaa markaas afartii jeeni ka soo gooyey cawshii oo hilibkii intii kale uga yimi libaaxii.

 

Saxiibtimo ayaa sidaas noogu bilaabantay libaaxii. Waxayna socotay shan iyo toban casho oo annu safar ku jirnay ilaa annu ka nimi meeshii Xange noo waday.

 

(Qormo dambe sug)

 

Toosiye2

Share this post


Link to post
Share on other sites
Positive   

Sheeko xariiro: Somaalida iyo hayb sooca

 

 

Naxariis baa naxariis keenta

 

 

Maalintaas ila duhurkii markii qofkii gam’i karay uu seexday baannu dhabbihii ku dhacnay mar kale. Hal cabbar ah markaan soconay baannu dhulkii abaarta ahaa ka baxnay. Waxaannu soo galnay dhul barwaaqo ah oo xareedi meel kasta jiifto oo leh dhudhubo ay biyo dulundulcaynayaan. Dhegahaagu waxay ku raaxaysanayeen sawaxan wanaagsan oo socodka biyuhu bixinayeen iyadoo ay weheliyeen dhawaaqyo kale oo ka imaanayey cayayaan, shimbiro iyo noolayaal kale.

 

Inta ishaadu qabato waxaa dhulka qarinayey doog iyo dhir qodax ku mudda aan lahayn oo caleemo cagaarani ku dedan yihiin isla markaasna ay ka lushaan miro midaba midah ah. Qalbigana waxaa farax gelinayey shimbiro noocba nooca ah oo mararka qaarkood iyagoo xayn xayn u duulaaya hadba dhinac u dulaamaayey. Cayayaan aan qaniinyo kugu dhibayn oo lahaa muuqaalo kala duwan oo aan la tirin Karin ayaad iyagana arkaysay in Eebe ku manaystay degaankan.

 

Qorax aan ku gubayn oo inta badan ay ka sokeeyeen daruuro fadad waaweyn leh oo qaar ay curteen kuwa kalena aad arkaysay inay biyo ku soo taagan yihiin ayaa iftiinkeeda gaarsiinaysay dhammaan abuuurta Alle ee hoos joogtay. Hawo macaan oo leh ur udgoon oo mararka qaarkood saxan saxo roob wadata ayaa nafta qaboojinaysay.

 

Intii aanaan wax badan socon ayaannu maqalay ci’ coolaad iyo bulhaan dad laakiin cidna ismaanaan tusin ee isururin ayaannu ku dhexmarnay . Libaaxii inuu na dabo socdo ayaannu tuhmaynay laakiin muuqiisa iyo sanqartiisa midna maanaan maqlayn. Markay makhrib noqotay ayaannu soo sanqar beegsanay meel dad deggan yahay. Iyadoo ay xoolihii soo xaraynayaan intaan la soo kulanay oo awrkii ku furay meel ku dhow laakiin ka yara baxsan aqaladooda ayaa Xange bariido ugu tegey.

 

Wax yar kadib waxaa noo yimi Xange oo ay la socdaan labo dhallinyaro ah oo midi gabar tahay. Dhallinyaradaas oo firfircoonida ka muuqatay ay sidii dabayl ku afuufaysa ku riixaysay. Markaannu is bariidinay kadib ayaa gabartii gacanta qabatay Qalanjo oo waxay ula dhaqaaqday xaggaas iyo reerkii. Inankiina intuu dermooyin noo dhigay meel dugsi ah ayuu dab olol weyn leh noo shiday. Inanka oo cimri ahaan aan ku qiyaasi karay ilaa labo saddex sano inuu iga weynaa oo magaciisa noogu sheegay Xuurteeye ayaa yiri” awrka intaad dabartaan ayaad siideyn kartaan. Halkani bahalo wax cuna ma leh”. Xange ayaa ugu warceliyey” waad ku mahadsan tahay taladaas wanaagsan ee aad na siisay”. Markuu awrkii intuu dabray sii daayey ayaan dabkii hareeraha ka fariisanay. Wuxuu bilaabay inuu na madadaaliyo inankii oo sheekooyin, waaya waayo wixii ay awoowayashii u sheegeen iyo guud ahaan nolosha dadka meeshan deggan nooga sheekeeyo.

 

Aniga sheekooyinka Xuurteeye oo macaanaa saani umaan dhegaysanayn waayo maankaygu wuxuu ku mashquulsanaa arrimo kale. Barwaaqada iyo nimcada dhulkan Alle ku manaystay iyo meeshii aan ka imi oo oomane u badnayd ayaa fekerkaygu qaadaa dhigayey. Markaan in door ah fekerayey ayaan isweydiiyey oo iri” Tollow Alle eexda miyuu yaqaannaa? Maxaa qoladan waxan oo nimco ah loogu barwaaqeeyey kuwo kalena abaar, oon ama ibtilooyin kale loogu rogay”?. Markaan su’aalahaas isweydiiyey ayaan haddana cowdi bilaystay iskuna qanciyey in Alle-koodnimo ay tahay in aan waxaas iyo wax u dhow ku fekero. Laakiin si kastoo aan isugu deyey in aan fekerkaas u beddelo waan awoodi waayey su’aalahaasina waxay noqdeen kuwo igu taagan oo u baahday in jawaabahooda la ii iftiimiyo.

 

Anigoo sidaas ula legdamayaa su’aalahaas iyo kuwo kale oo dhowr ah ayaa waxaa soo baxday sanqar jaan dad ah oo ka iimaanaysay dhinaca reerka. Wax yar ka dib waxaa na soo gaaray saddex nin oo siday weel ay ka buuxeen cabitaanno iyo khudaar noocyo kala duwan ah. Markaan isa salaanay ayey khudaartii hortayadii dhigeen oo midkood intuu middi la soo baxay ayuu khudaartii oo markaas aanan anigu noocyadeeeda magic dhabi karin uu noo googooyey oo aniga iyo Xange na soo hordhigay marka mid kale uu noo shubay cabitaanno dhadhan iyo midabo kala duwan leh. Kan Saddexaad oo ahaa ninka ugu da’da weyn nimanka noo yimi oo aan ku qiyaasi karay inuu galay cimri lixdan jir wuxuu iswaraysi kula jiray Xange isla markaasna hadba tilmaamo ayuu saaxiibadiis siinayey la xiriira agaasinka martigelinta.

 

Wax yar kadib waxaa yimi niman badan oo hor leh oo sida cuntooyin kala duwan. Nimanka na martisooray may cunayn cuntada ee sheekooyin, xifaaltan iyo murti ayey nagu madadaalinayeen. Aniga iyo Xangena intaan suunkii dhexda furanay ayaannu ka hirqanay cuntadii. Dhallinyaro uu ka mid yahay Xuurteeye ayaa hadba intay kacaan xaabo dheeraad ah ku soo kordhinayey dabka. Ilayn qof nooli feker ma daayee waxaa igu soo dhacday in reerahani sidii gobta noo soo dhoweeyeen. Markaan ka dheregnay ayaa cuntadii oo aad moodaysay in aanan waxba ka cunin fara badnaanteeda awgeed nalaga hor guray oo loo celiyey guryahii laga keenay iyadoo aysan afkooda saarin nimankii aan martida u ahayn.

 

Xange ayaa yiri” Ilaah baa mahaddaas leh. Waxaa kale oo mahad leh kuwiina na martisooray “. Ninkii ugu da’da weynaa ayaa yiri” Allaa mahad leh waayo dhammaanteen naxariistiisa ayeynu wada hoos harsanaa”. Xange ayaa ugu jawaabay “ waa runtaa laakiin idinkuna waad noo naxariisateen”. Nin kale ayaa hadalkii la wareegay oo yiri” dar Ilaahay ayaannu idiinku naxariisanay. Xange ayaa hadalkii qaatay oo yiri” markaad naxariisato ayaa Allena ku naxariistaa. Ninkii da’da weynaa ayaa hadalkii ku soo noqday oo yiri” naxariis baa naxariis keenta”.Nin kale ayaa hadalkii la wareegay oo intuu farta ku fiiqay ninkii da;da weynaa ayuu yiri” ninkan Sheekh Cali Sheekh Cabdirahman Sheekh Ibraahim ayaa la yiraahdaa. Wuxuu ka mid yahay odayaashayada”. Intuu yara hakaday ayuu yiri isagoo ilka caddaynaya” ha u daymo la’aan”. Sheekh Cali baa hadalkii ku soo booday oo yiri” dadka wax ma dheeri ee ha iga dhex saarin- wiilow”. Dhammaan qosol baa laysku daray.

 

Markaan maqlay ninka aan hor fadhiyaa inuu ugu yaraan saddex fac guri sheekh ku abtirsado ayey jiriirico ku jabtay jirkaygii. Degaanka aan ka imi shuyuukhdu way ku yaraayeen. Sheekh saddex fac ku abtirsadana warkiisa daa. Hore ayaan u soo yara gurtay si aan u dhuuxo xikmaddiisa. Xange ayaa intuu toos u eegay Sheekh Cali ayuu weydiiyey “ Sheekh macnaha erayga naxariis in aanan aad u fahamsanayn baa dhici karta ee ma ii carrifi kartaa”? “ Eraygu labo micno ayuu leeyahay” ayuu yiri sheekhii” marka hore waxaa weeyaan in aad caawiso noolaha kale adigoo aan abaal iyo ajartoona ka doonayn. Shuruud la’aan in aad dar Ilaahay u caawiso. Noolahan aad caawinaysaa wuxuu noqon karaa dhir, xoolo, xayawaan ama dad. Haddii aad shuruudo ku xirto oo aad istiraahdo, abaal ha kuugu hayo, ha kuu abaal gudp markale, ha lagaa sheego iwm. Narkaas naxariis maad samayn ee dayn ayaad gelisay noolihii kale. Waxaanna xaqiiq ah inaad caloolxumo dareento marka daymaysanuhu ka baaqdo inuu kuu soo celiyo ama ku qiro deyntaas”.

 

Sheekhii ayaa hadalkii sii waday oo yiri” macnaha labaad ee eraygu waxaa weeyaan roob. Soomaalidu roobka waxay u taqaan naxariis waayo roobku shuruud la’aan ayuu u haqabtiraa noolaha ku nool meesha uu ku da’o. Isagoon abaal ka rabin ayuuna ku harqiyaa nimcadiisa. Sida laynaga rabaa waa sidaas oo kale in aan hagar la’aan u bixino nimcooyinka Alle inoogu deeqay” ayuu ku soo gabagabeeyey.

 

Anigoo yara xishoonaya intaan farta taagay ayaan markaan arkay in hadalkayga la sugayo iri” maxay ku dhacdaa in roobka Alle iyo nimcooyinkiisa kale ay meelo ku badan yihiin meelona ku yar yihiin”?

 

Sheekh Cali oo aad mooday inuu doonayey in jawaabaha la qaybsado markuu hore u jawaabi waayey ayaa nin kale qaatay hadalkii oo yiri” Eebe ayaa horta og waxa uu meel ugu nimceeyo meelna dhib iyo dheef la’aan uga yeelo. Laakiin waxaan ictirafsanahay in naxariistu naxariis keento. Taas micnaheedu waxaa weeyaan meesha lagu naxariisto ayey naxariista Alle oo roobku ka mid yahayna ay ku badataa. Sababtuna waxaa weeye mar Alle hadduu yahay kan abuuristu aysan jirayn naxariistiisa la’aanteed meel kasta oo noolihiisu ku badan yahay ayey naxariistiisu ku badanaysaa. Meesha dhiigga dadka aan lagu daadin, meesha dhirta aan macno la’aan loo jarin oo xayawaanka lagu xannaaneeyo nooc kasta oo uu yahay waxaa ku bata noolaha”. Isagoo hubinaya in sheikh dhegaysanayo ayuu ku soo gunaanaday” jawaabta su’aashanu waa mid iska cad oo xitaa aqoon diimeed aan u baahnayn ayaan filayaa”.

 

Sheekhii waxba kuma kordhin weertaas ee madaxa ayuu u ruxay.

 

Jawaabtii su’aashaan caawa oo dhan la rafanayey ayaa halkaas iiga soo baxday; Alle eexda ma yaqaan ee abaalmarinta ayuu yaqaan. Dadka marka loo nimceeyo haddii ay ku abaalgudaan inay islaayaan, noolaha inta kale xasuuqaan, isxaasidaan oo qaarkood ay qaarka kale iska saraysiiyaan,isyasaan, dhacaan xoolaha wixii ka itaal litaa ama dilaan waxaa iyagana ku dhacda nimcooyinka oo roobku ku jiro oo yaraada. Sababtoo ah meesha ficilada noocaas oo kale ah looga kaco tirada noolaha ayaa caadi ahaan hoos u dhacda. Tan labaad Alle aaminka ayaa ku yaraada. Dadka meesha ku noolna qalbigooda waxaa buuxisa xumaan ay la jecel yihiin walaalahood. Marka labo walaalo ah midba midka kale caloosha ugu qabto in ay qaladi ku dhacdo markaas waxaad garan kartaa in qaladdu dhici karto waayo fekerka noocaas ahi naxariis wuu ka fog yahay.

 

Ilayn feker kama daalee waxaan is iri sababta meeshaan ka imi abaarta iyo oomanaha u ahayd dagaalkana loogu saliday waxaa weeyaan abaalmarin ay ku mutaysteen naxariis la’aanta! Tollow hadday dhaqankooda bedeli lahaayeen barwaaqadu ma kordhi lahayd ayaan isweydiiyey.

 

( Qormo dambe sug )

 

 

Toosiye2

Share this post


Link to post
Share on other sites
Positive   

Xeerarka qabyaaladda

 

Habeenkaas farxad iyo rayrayn dheeraad ah ayaan dareemay . Markii ugu horaysay in muddo ah ayaa kalgacal nololeed i galay. Sheekaduse waxay sii macaanaatay markii Xange weydiiyey nimankii haybtooda ee ay ugu jawaabeen soomaali baan nahay. Arrintaas oo aniga iyo Xangeba ka yaabisay ayey nimankii noogu micneeyeen inay ku timi bulshadooda oo dhowr boqol oo sano ka hor ka soo gudubtay heerka habdhaqan bulsho ee qabaa'il hoose ay jiraan. Waxay noo sheegeen in waqtigaas kadib ay wadaageen magac ah soomaali magacaas oo ay haddaba la wadagaan soomaalida kale. Waxay noo sheegeen in hadda ay horumar xoog leh ku talaabsadeen oo ay og yihiin in habdhaqankan ka waxtarsan yahay kaas hore. Faa;iidooyinka uu noo keenay waxaa ka mid ah bay yiraahdeen cadaawadii dhexdayada oo baaba’day iyo hayb soocii oo aan jirin.

 

Sheekh Cali ayaa hadal xikmadi ka buuxdo bilaabay oo yiri ” qabiilka iyo ku dhaqanka qabyaaladdu waa habdhaqan bulsho oo la maro. Waase laga gudbaa. Waxaa yimaada waqti sida dhimbiisha faraha lagaga gubto oo ay khasab noqoto in dhabarka laga tuuro”.

 

Hadalkii intaan boobay ayaan weydiiyey” sidee bay u tahay habdhaqan bulsho oo la wada maro”?.

 

Sheekhii oo sii waday hadalkii ayaa jawaab ku yiri” Haddii dib loo noqdo taxanaha taariikhda jiritaanka bilow-aadmiga waxaa la gaarayaa waqti ay dadku aad iyo aad u yaraayeen waqtigaas oo dadka meel wada deggani aysan ka badnayn qoys ka kooban aabe, hooyo iyo haddii ay tarmeen carruur. Barwaaqada oo badnayd awgeed qofka ama qoysku keli ayuu noolaan karay. Khatarta bahalaha wax cuna oo ahayd dhibaatada ugu weyn ee haysatay dadkana dhirta ayey habeenkii ka fuuli jireen. Waagii dambe ayaa intay barwaaqadii yaraatay bilow-aadmigii oo markaas tiradiisii korodhay bilaabay in ay xayn xayn u degaan oo ragguna ugaarsi u baxo dumarkuna carruurta iyo guriga joogaan. Markii dambe waxaa bilowday in xoolaha sida geela, ariga fardaha iwm. la rabeeyo si loo manaafacaadsado ugaarsigana loo yareeyo ama layskaba daayo. Waqtigaas ayaa waxaa soo baxay habdhaqan bulsho oo ay qabiilka iyo xeerarkiisu ka mid yihiin”.

 

“Markaas ma waxaad u jeedaa in qabyaaladda iyo xeerarkeedaba laga ilbixi doono?” ayuu Xange ku celiyey sheekhii.

 

Nin kaftan badan oo ragga ku jiray ayaa hadalkii la wareegay oo yiri “ haa , sidaan idiin sheegnay annagu waannu ka gudubnay qabyaaladda oo hadda dhammaatayo soomaali baan nahay. Awoowayaashayo ayaa tuuray haybtii ka hoosaysay soomaalinimada. Dadka kale ee soomaalida ahna markasta way nagu soo biiri karaan waayo magaca soomaali wuu na kulmiyaa. Waxay u baahan yihiin keliya inay tuuraan waxaan ahayn: soomaali baan ahay”. Intuu hadakay si hadalku noogu dhibco ayuu yiri “ Kama aanaan ilbixin qabyaaladda ilaa aannu fahamnay xeerarkeeda kadibna aan laalnay”.

 

Hadalkii intaan ku soo booday ayaan weydiiyey “ anigu ma ogi xeerar qabyaaladeed oo dhibaato abuuraa ee maxay yihiin, maxaadse ku beddesheen”?

 

Sheekh Cali baa ku soo noqday hadalkii oo yiri” saddexda xeer ee tolnimo, hiil iyo hoo baa qabyaaladda jiritaankeeda kobciya la’aantoodna ma jiri karto.Sida saddexda dhardhaar ee dheriga weeyaan qabyaaladuna waa waxa dul saaran. Hayb sooca iyo dhibaatooyinka kale ee qabyaaladana xeerarkan baa abuura.”

 

“Xeerka qabiil ee loo yaqaan tolnimo wuxuu ka hadlaa wada dhalasho iyo dhiig wadaag. Waa xeer daboola baahi caadi ah oo qof u qabo inuu ka tirsanaado koox ama qabiil uu is leeyahay isir baad wadaagtaan. Madaama qofna uusan keligiis isku filayn in uu cid garabka ku qabtaa waa wax dabiici ah oo xitaa xayawaanka ayaa sidaas u dhaqma. Dhibaatooyinka ay tolnimo ahaanshuhu leedahay waxaa haddaba ka mid ah marka dad isku dhiig iyo dhalad ah sida soomaalida oo kale ay qabiilooyin hoose u kala baxaan oo wada dhalashooyin ama isbahaysiyo abuurmaan waxaa dhacda muqaalufo darro, is-aamin la’aan iyo tolka oo soo koobma. Kelmad shisheeye la yiraahdo ayaa soo baxda wuxuuna qofku garabka ku qabtaa afar xabbo inta kalena wuu ka fogaadaa”. Intuu yara hakaday buu waday hadalkii oo yiri” dawadu waxaa weeye in tolnimada guud lagu soo laabto oo qofku yiraahdo, tusaale, soomaali baan ahay qof kasta oo soomaali ahina waa tolkay. Sidaas weeyaan sida aannu ku xalinay” ayuu ku soo xiray hadalkiisi.

.

Codkii baa intuu yara go’ay ayaa nin ka mid ah odayaashii oo ul uu haystay hortiisa xariiqimo ku samaynay dhulka meel holaca dabku saani u iftiiminayey yiri “ Sheekha aan hadalka ka yara nasiyee qodobka labaad ee xeerarka qabyaalada oo ah hiil wuxuu ka hadlaa caddaalad. Isaguna sida qodobka kowaad oo kale waa baahi dabiici ah oo uu qofku u qabo inuu caddaalad helo. Marka qofka xoolihiisa la dhaco amase naftiisa ama inta uu mas’uulka ka yahay loogu yimaado aanuse iska fujin karin wuxuu dalbaa cid u hiilisa. Taas oo micnaheedu yahay in xaqiisa loo dhiciyo ama la difaaco haddii weerar lagu yahay. Dhibaatadu waxay timaadaa marka inta qabaa’il la abuuro dadka oo u kala safan magacyo ay sheegtaan xaq iyo xaq darro ay koox waliba gaarkeeda isugu hiiliso. Natiijadu waxay noqotaa caddaaladda oo lunta”. Intuu madaxii sare u yara qaaday oo noqday sidii wax dabkii ku dhaygagay ayuu yiri “ Dawadu waxaa weeye in qabaa’ilka hoose ama isbahaysiyada inta la baabi’iyo loo abuuro bulshada waaxyo garsoor oo caadil ah oo xaquuqda qofka ilaaliya. Waxaa kale oo loo bahan yahay hay’ado nabadgelyada iyo xasiloonida dhowra. Sidaas ayuu qofku uga maarmi karaa qabiil danihiisa difaaca oo isaguna uu midiidin u noqdo. Sidaas ayaannu ku xalinay qodobkaasna” ayuu yiri.

 

Markii ay halkaas arrintu marayso ayaa waxaa yimi iman hor leh oo sida haruub-gaallo ay caano geel oo xoor leh ka buuxaan. Caanihii markii la dhex dhigay nimankii oo iyagoo kala fariistay ay bilaabeen in ay wadaagaan ayaan aniguna yara istaagay si aan u manjo baxsado. Caways dambe oo mugdi ah bay ahayd waxaana dhacaysay neecow macaan oo nafta raali gelinaysay. Waxaad maqlaysay dhawaaqa xasharaadka iyo cayayaanka kaynta oo intu isku darsamay aad muusik moodaysay. Cirka oo habeenkaa aan daruura lahayn ayaa ku dednaa xiddigo dhalaal dahabi ah leh. Dareen nabadgelyo oo farxad iyo deganaansho i geliyey ayaa maankayga buuxiyey dabkii oo holac badan bixinayeyna wuu i diiriyey.

 

Markuu milicsaday in caanihii laga dhergay ayaa Xuurteeye oo caawa oo dhan aamusnaa soo booday oo isagoo codka sare u qaadaya yiri” xeerka saddexaad waa igu aniga oo walle waa igu aniga”.

 

Inta la wada qoslay ayuu nimankii mid ahi kula kaftamay ” waar garmalayte ayaad tahay ee adigu maxaad sheegaysaa”. Xuurteeye ayaa intuu laabta istaabtay yiri” waar ma geed baan joognaa maxaa garkayga ku tusay”?

 

Mar labaad baa inta qosol dheer lagu dhuftay Sheekh Cali yiri isagoo Xuurteeye farta ku fiiqaya ” daaya inan rag aamus waa loo dhamaa”.

 

“ Xaal qaado, xaal qaado ” ayey dhowr qof iska daba yiraahdeen iyadoo codkooda aad kaftan ka dareemaysay.

 

Xuurteeye ayaa bilaabay oo yiri “Xeerka saddexaad oo ah hoo wuxuu khuseeyaa wax-isa- siin iyo wax-is-tar. Wuxuu oranayaa dadku sida ay kuu kala xigaan wax siinta ugu kala hormari. Haddii aad xil-qabatona marka hore tolkaa naas-nuuji. Waxaa dheer oo uu qofka qabiiliga ah xeerkani farayaa in xoolahiisa ilaa xad tolkiis la leeyahay. Xeerkani waa eexda iyo caddaalad darrada aabahiis iyo hooyadiis. Qaranimona ma jiri karto marka bahweynta soomaaliyeed ay xeerkan iyo kuwa kale ee la soo sheegay ku dhaqanto. Dawadu waxaa weeye in la laalo is-naas-nuujinta, wax-is-tar kasta iyo eex qabiilka ku salaysan. Taas weeyaan ta aannu ku dawaynay dhibaatooyinka uu keeni karo xeerkan” ayuu xuurteeye yiri isagoo kalsooni ku hadlaya.

 

Sacab bay raggii qaar ka mid ah oo dhallinyaro u badnaa isku dareen markaas ayaa mid ka ahi yiri

 

” Eebbaa igu og oo gabanku waa cod kar”. Dadka intii kale ay qosol dheer isku daray.

 

Xange oo aad u dhuuxayey xikmaddii meesha laga soo jeediyey ayaa hadal deggan ku yiri” Xeerarka miyaad ku darteen xeerka hee?”.

 

Markii dhaqso loo jawaabi waayey ayuu sii waday hadalkii oo yiri” Hee waxay la xiriirtaa dhego nuglaan uu qofku maqlo dadka kale ee uu is leeyahay way kaa aqoon roon yihiin, way kaa waayo-aragsan yihiin ama xushmad bay kaa mudan yihiin. Waa dhaqan dabiici ah oo wanaagsan. Laakiin waxay dhibtu timaadaa marka qofku u dhego nuglaado inuu xumaan falo ama uu u dhaqmo sidii uu yahay qalab sanaaci aan feker madax bannaan lahayn oo wax kasta oo qabiilkiisu ka dalbo xaq iyo xaq darro ku raaco. Dawadu waxaa weeyaan in dadka la baro inay si madax bannaan u fekeraan oo raacaan fekero san oo ka soo maaxda maankooda ama maanka bahweynta guud ee soomaaliyeed. Hayb sooca jira waxaa u aabo ah iyadoo xitaa wax-garadku ay u dhego nugul yihiin qabaa’il loo sheegay inay ku abtirsadaan” ayuu ku soo gebagebeeyey.

 

Hal cabbaar ah markii la wada aamusay ayaa sheekh Cali hadalkii ku soo noqday oo yiri “Waa runta waanna nasiib darro. Dadka noocaas u fekeraa waxaysan ogeyn in dadku yihiin sidii laamo iyo caleemo ka wada baxay geed harweyn. Cid kala nasabsan ama kala fadilan ma jiri karto waayo isku geed bay ka baxeeen kuna yaalaan. Allaheen sidaas ha ina garansiiyo sidaasna aan fekerkeenna gelino”.

 

“Aamiin” ayaa loogu wada jiibiyey.

 

(qormo dambe sug)

 

 

Toosiye2

Share this post


Link to post
Share on other sites
Positive   

Gunaanad iyo gabagabo

 

Insha Allaah mar kale ayaan faah-faahinta sheekada soo gudbin doonaa. Waxaa dhici karta inay waqti qaadato ama aan dhaqso u dhaymmaystiri waayo sheekada. Waxaan markaas door-biday in aan gabagabadii sheekada halkan idiinku soo gudbiyo.

 

Inta aanan guda gelin sheekada gunaanadkeeda waxaan idiin sheegayaa in qof kasta oo kale oo rabaa uu dhammaystiri karo sheekadan isagoo ka sii ambo qaadaya qormadii ugu dambaysay ee aan qoray. Waxaa shuruud ah qofka sidaas yeelayaa waa in uusan abaal ama dano dhaqaale oo dambe ka rabin. Waa sida ay anigaba iga tahay ee qofku wixii uu qoraa waa inay dar Ilaahay iyo wacyi-gelin ka tahay.

 

Haddaba Xange, Qalanjo iyo Huriwaa waxay ku biireen beeshii Bahweynta Soomaaliyeed. Sida uu dhigayey dhaqanka Bahweyntuna waxay kala hareen abtirsiinadoodii afar oday. Xafladweyn oo loogu bah-yeelayo (loogu soo biirinayo bahda soomaali weynta) ayaa loo sameeyey.

 

Afar usbuuc markay joogeen ayaa Xange iyo Qalanjo loo sameeyey aroos laysugu habar wacday. Wacdaro ayaa ka dhacay arooskaas. Arooskii kadib sida uu dhigayey dhaqanka Bahweyntu waxaa loo sameeyey xoolo gooyo. Dhaqanka xoola gooyadu wuxuu ahaa dhaqan wanaagsan oo bahweynta u yiil oo qofkii cayrooba ama isagoo aan xoolo haysan ku soo biira lagu kaalo. Dhaqan aad loo ilaaliyo oo dhibaatooyin badan oo bulsho iyo kuwo anshax ka hortaga ayuu ahaa.

 

Afar iyo toban carruur ah bay isu dhaleen cimri gabow ah ayeyna ku dhinteen Qalanjo iyo Xange iyagoo labaduba u dhintay sababo la xiriira gabow. Jacaylkuu u qabay awgiis Xange lama guursan Qalanjo naag kalena tafteeda ma rogin intuu noolaa. Iyadoo ay geerida Xange sannad ka horeysay ayey Qalanjona samir-waa awgeed iyaduna ka dabo tagtay.

 

Huriwaa isagana waxaa loo dhisay gabar ay is jeclaadeen oo laankaas le'eg tiriigna aad moodo. Waxay isu dhaleen siddeed carruur ah. Xoolo , barwaaqo iyo nabad buuna ka helay beesha dhexdeeda.

 

Huriwaa ayaa ku noqday reerkoodii 20 sanno kadib, Wuxuu u tegay iyadoo aabihiis dhintay oo 3 xaas oo uu ka tegay iyo carruurtii walaalihiis ahaa ay abaari iyo colaado ku habsadeen. Intuu soo raray ayuu keenay meeshii uu degnaa. Halkaas ayey iyaguna ku biireen Bahweynta soomaaliyeed.

 

Bahweyntii soomaaliyeed waxay noqotay meel lagu soo hirto oo sida hirarka badda meelkasta looga soo butaaco oo lagu soo biiro. Waxay noqotay meel aysan ka jirin iska soo horjeed, kala sarrayn ama colaad beelaysan. Meel bay noqotay caddaaladi taalo oo dadku danta guud garanayaan una shaqaynayaan. Meel muqaalifo ka jirto oo la wada-tashanayo oo lays maqlayo ayey noqoto.

 

Bahweynta soomaaliyeed waxay noqotay qaab dhaqan dhaqaale oo qofkii rabaa uu ku biiri karo kuna badbaadi karo. Waxay noqotay bahweyntu mid u iftiintay dadka oo ilaa maanta lagu biiro.

 

Bahwenta soomaaliyeed waxay dawo u noqotay hayb-soocii iyo kala sarrayntii. Halkaas baana lagu tirtiray colaada soomaalida dhexdeeda ka aloosnayd boqolaalka sano.

 

Ilaahay taas run ha inoo dhigo haddii khayr inoogu jiro isagaa wax walba garanayee. Aamiin!

 

Toosiye2

Share this post


Link to post
Share on other sites
Positive   

There has been someone who privately asked me to translate this thread. I prefer to share the following rough summary of the topic in English with you .

 

Here it is:

 

The topic which is composed of many postings is a fictional narrative about a man called Xang, who belonged to underclass tribe in Somalia. The time frame is about 500 years ago and Xange and his segregated tribe struggled to free themselves and their offspring from the yoke of social injustice which was imposed on them by their brethren of the privileged somali tribes.

 

Xange succeeded to become equal among the equals. In addition to that he also succeeded to marry the women he loved Qanjo, who according to the prevalent tradition could not marry him in the first place. His good fortune of changes became possible after Qalanjo decided to run away with him after it became clear to her that because of Xanges tribal birth her parents would not allow the marriage to take place. They later came to an area where a culturally more decent somali people lived and got married.

 

Xange, Qalanjo and her younger brother, Huriwa, settled down with their new found people who were free of cast systems, social oppression and group dominance. They lived in peace and in prosperity among these people and reared many children before they peacefully passed away in an old age. Later on Qalanjo's family with exception of her father who passed away joined them and the whole family became happily reunited.

 

The writer of the peice “ soomaalida iyo hayb-sooca”( Somalis and their social segregation) tries to depict in his narration a situation where brothers and sisters in the integral family of Somalis oppress one another on the bases of tribe. Such tribal oppression which many times is enforced with the use of brutal force creates in effect a cast system which in its practical application puts tribes in a ascending ranks of social importance and status. The members of tribes lowest in rank are given names and oppressed. Their misery is justified through false justifications. Consequently underprivileged members of the lowest tribes have to live with culturally sanctioned disadvantageous socio-economic status and their children inherit the social positions of their parents. There are no social leverages which can make possible for the next generation of segregated tribes to share life of equal opportunities with those who are from privileged tribes.

 

The writer through the story tries to show the reader that what has been driving us madly to self destruction is nothing else but the competition of tribes for resources and social status. This competition between the tribes in our country has created a state of perpetual conflict and division among our people both now and in the past. The group interest has became dominant while the common interest became an illusive commodity which has yet to be found by the majority of the us . What is most worrying now though is that we have not only nearly decimated ourselves as a nation, as never before, but we have the potential to annihilate our nation- ones and for all.

 

It is paramount then , more than ever now, that we identify the enemy!

 

The enemy is our socio-economic system which among other things encourages the individual to belong to a tribe instead of his ROOT national identity which is Somali. We can no longer afford to give our allegiance to individual tribes for the simple reason that such groups will bring neither peace nor prosperity to us as a nation or even to our sub-clans.

 

The writer proposes that a GENUINE BIRTH of nationhood in our consciousness is the way forward. First we need to become aware of that need and then we have to fulfill our dream through sincere actions which aim to bring our goals into fruition.

 

To make us aware of our dire need to unit as one nation, without oppressed or segregated groups, sub-clans or sub-tribes, is what the writer is trying to convey to us.

 

"I'm Somali" are key words the writer is proposing- nothing more and nothing less!

 

End of the summary.

 

That is all for now.

 

The Awakener2

 

 

-

Share this post


Link to post
Share on other sites
stoit   

Positive

 

I couldnt agree with you more saxiib . You are fighting the right war and for the right reason. May GOD bless your efforts aamiin.

 

Our brothers and sisters are by and large unaware of the root causes of our problems and their wriggles in ana attemp to free themselves from the cluchtes of chaos and consequences only thightens the knots and disables them and all the rest of us even more.

 

I will set time aside and insha ALLAH read all of the story.

 

THANK YOU FRIEND

Share this post


Link to post
Share on other sites
Positive   

Previously posted by Positive:

 

competition between the tribes in our country has created a state of perpetual conflict and division among our people both now and in the past. The group interest has became dominant while the common interest became an illusive commodity which has yet to be found by the majority of the us . What is most worrying now though is that we have not only nearly decimated ourselves as a nation, as never before, but we have the potential to annihilate our nation- ones and for all.

 

It is paramount then , more than ever now, that we identify the enemy!

 

The enemy is our socio-economic system which among other things encourages the individual to belong to a tribe instead of his ROOT national identity which is Somali. We can no longer afford to give our allegiance to individual tribes for the simple reason that such groups will bring neither peace nor prosperity to us as a nation or even to our sub-clans.

I'm bringing this thread back so that we may reflect upon two themes: unity and peace versus division and war. In fact it is the absence of the first and/or lack of empathy which results in war. Peace is not in the future or far away but is here now waiting to be embraced by us.

 

The Awakener2

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this