Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhamaan dowlad goboleedyada oo xiriirka u jaray wasaaradda maaliyadda DF

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamul goboleedyada Soomaaliya ee kala ah Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Puntland ayaa si wadajir ah ugu dhawaaqay inay xiriirka u jareen wasaaradda maaliyadda dowladda federaalka ee Soomaaliya.

Kulan foggaan arag ah oo ay yeesheen Shanta wasiir Dowlad goboleed ayaa waxay ku sheegeen in aanay wax wada shaqeyn jiri doonin inta Wasaaradda Maaliyadda DFS ku soo laabaneyso xeyndaabka sharci iyo fulinta heshiisyadii ay horay galeen.

Maamul goboleedyada ayaa sheegay in wasaaradda maaliyadda ay jabisay heshiisyadii horey oo kala saxiiday ee kala ahaa:

  1. Heshiiskii Addis Ababa ee sanadkii 2019
  2. Heshiiskii Kismaayo ee September 2019
  3. Heshiiskii Kampala ee December 2019
  4. Heshiiskii Nairobi ee January 2020
  5. Heshiiskii Muqdisho ee August 2020.

Halkaan hoose ka akhriso warqadda sida wadajir ah ay u saxiixeen shanta maamul goboleed.

301607046_5338453406210147_4817164409402 301831166_5338453402876814_8900920526075

The post Dhamaan dowlad goboleedyada oo xiriirka u jaray wasaaradda maaliyadda DF appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this