Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowlad goboleedyada oo joojiyay wada shaqeyntii Wasaaradda Maaliyadda Federaalka

Recommended Posts

Deeq A.   
PhotoCollage_20220830_192030468-1440x108

Wasaaradaha Maaliyadda dowlad goboleedyada ayaa joojin wada shaqeyntii ay la lahaayeen Wasaaradda Maaliyadda Dowlad Federaalka Soomaaliya.

War-saxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen Wasiiradda Wasaaradaha Maaliyadda Dawladaha Xubnaha ka mid ah Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegeen in Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka ka baxday 5 heshiis oo horay loo galay.

Wasiiradda Maaliyadda dowlad goboleedyada ma caddayn waxa ay yihiin heshiisyada la jabiyay oo ay sheegeen in la galay intii u dhaxaysay 2019 —2020.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka

Joojin Dhammaan Wada Shaqeynta Wasaaradda Maaliyadda JFS

Wasiiradda Wasaaradaha Maaliyadda Dawladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay maanta oo taariikhdu tahay 30th Agoosto 2022 kulan ku yeeshay aaladda fogaan aragga, iyagoo kulankooda diiradda ku saareen wada shaqeynta ay la leeyihiin Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiiraddu iyagoo tixraacaya heshiisyadii wada shaqeynayd ee u dhaxeeyey Wasaraaddda Maaliyadda Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradaha Maaliyadda ee Dawladda Xubnha ka ah Dawladda Federaalka Soomaaliya ee kala ahaa:

  1. Heshiiskii Addis-Ababa ee September 2019
  2. Heshiiskii Kismaanyo ee November 2019
  3. Heshiiskii Kampala ee December 2019
  4. Heshiiskii Nairobi ee January 2020.
  5. Heshiiskii Muqdisho ee August 2020.

Heshiisyadaas oo dhammaan lagu gaaray wada tashi iyo wadar ogol.

Haddaba, markay caddaatay in Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Federaalka Soomaaliya ay si bareer ah u baalmartay, una jabisay heshiisyada sare ku xusan, waxaa laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 30th Agoosto, 2022 Wasaaradaha Maaliyadda Dawladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka Soomaaliya ee Puntland, Jubbaland, Galmudug, Konfur-galbeed iyo Hirshabeele joojiyeen dhammaan wada shaqeynta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya inta ay Wasaaraddu ku soo laabanayso xayndaabka sharci iyo fulinta heshiisyada kor ku xusan.

Allaa Mahadleh

  1. Xasan Shire Cabdi
    Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland
  2. Farxaan Cali Maxamuud
    Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Galmudug
  3. Xussen Xirsi Axmed
    Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Jubaland
  4. Axmed Maxamed Xussen
    Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Koonfur-Galbeed
  5. Cali Cabdalle Nuur
    Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Hirshabeele
FB_IMG_16618753536697052.jpg FB_IMG_16618753562208984.jpg FB_IMG_16618743438809185.jpg

PUNTLAND POST

The post Dowlad goboleedyada oo joojiyay wada shaqeyntii Wasaaradda Maaliyadda Federaalka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this