Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Dilalkii qorsheysnaa is back

Recommended Posts

After Mahad Qalaaye removed most dharcad secret informants, idiotically thinking they worked for Fahad and Farmaajo and not for the country, dilalkii qorsheysnaa oo shaqsiyaadka lala beegsanaaye is back in full. The attacker is always 'goobta ka baxsaday.'

___________________

Nabadoon Maxamed Nuur oo lagu dilay Bakaaraha

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil qorsheysan oo ay barqanimadii maanta kooxo hubeysan ka geysteen gudaha Suuqa Bakaraaha ee magaalada Muqdisho, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Dilka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in rag ku hubeysnaa Bistoolado ay u geysteen Nabadoon lagu magacaabi jiray Maxamed Nuur Diiriye oo sidoo kalena ahaa ganacsade.

Wararka ayaa sheegaya in kooxda toogashada fulisay ay goobta ka baxsatay, waxaana daqiiqado kadib meesha ay wax ka dhaceen gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya oo sameeyey howlgallo baarinaano ah oo ku aadan dhacdadaasi dilka ah.

Dhinaca kale xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa war ka soo saaray dilka marxuumka, wuxuuna sidoo kale tacsi tiiraanyo leh u diray ehellada nabadoonka la dilay oo caan ka ahaa magaalada Muqdisho.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan qoysaska iyo qaraabada ree Diiriye Cali geerida ku timid walaalkeen nabadoon Maxamed Nuur Diiriye oo saakay gacan ka xaq darani ku dishay Xamar,” ayuu ku yiri war qoraal oo uu soo saaray C/raxmaan Odowaa.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale xusay in marxuumka uu ahaa oday xilkas ah, isla-markaana Alla ka cabsi badan, wuxuuna ugu duceeyey inuu Eebbe ka waraabiyo Jannadii Firdowso.

“Nabadoonka waxaan ku naqiinay odaynimo iyo xilkasnimo iyo alla ka cabsi. Waxaan ilaah uga baryaynaa inuu Jannadiisa ka waraabiyo, ahalkaba sabar iyo iimaan haka siiyo,”.

Dilkaan ayaa qayb ka noqonaya falalka ammaa dari ee ka dhaca caasimada, kuwaas oo ay ka mid yihiin weeraro qaraxyo ah oo uu ugu dambeeyey kii lagu qaaday hoteelka Xayaad.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garyaqaan caan ahaa oo Muqdisho lagu dilay

Koox hubeysan ayaa maanta magaalada Muqdisho ku dishay Garyaqaan ka tirsanaa maxkamadaha dalka, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo dhanka ammaanka ah.

Allaha u naxariistee Abuukaate Maxamed Warsame waxaa lagu dilay xaafadda Soonakey ee degmada Hodan. Waxaana baxsatay kooxdii dishay oo bistoolado ku hubeysneed.

Al-Shabaab oo inta badan dilal ka fulisa Muqdisho, weli ma sheegan dilka maanta loo geystay Abuukaate Maxamed Warsame.

Garyaqaanka ayaa maxkamadaha dalka ka difaaci jiray eedeysanayaasha wajahaya dacwadaha adag, si rasmi ahna looma oga cida geysatay dilkiisa.

Qaar ka mid ah qareenadii uu lasoo shaqeeyey Abuukaate Maxamed Warsame ayaa warbaahinta u sheegay inuu ahaa nin aad u bartay qaanuunka oo wax ku bartay jaamacadaha dalka Yemen.

Wuxuu sanadihii u dambeeyey ka shaqeynayey maxkamadaha dalka, welina laamaha amnigu war kama soo saarin dilka Garyaqaankaan.

_________________

Rabi ha u raxmado marxuumka. 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bilaal Bulshaawi oo baraha bulshada caan ka ahaa oo Muqdisho lagu dhaawacay

Rag hubaysan ayaa caawa magaalada Muqdisho ku dhaawacay Bilaal Bulshaawi oo kamid ah dhallinyarada caanka ka ah baraha bulshada sida TIKTOK, oo looga yaqaanay madaxweynaha TIKTOK.

Warar aan helnay waxay sheegayaan in saddex xabbadood looga dhuftay qeybaha sare ee jirkiisa sida madaxa. Hase yeeshee dhaawiciisa ayay wararku sheegayaan inuusan aad u cuslayn.

Waxaa dhaawiciisa  la dhigay isbitaalka Digfeer, halkaas oo xaaladdiisa caafimaad haatan lagula tacaalayo, iyadoo dad badan halkaas isugu tageen.

Lama oga cidda ka dambeysa falkaan lagu dhaawacay Bilaal Bulshaawi, kaas oo muddooyinkii ugu dambeeyay ku lug lahaa arrimaha samafalka dadka abaaruhu saameeyeen.

_____________

Rabi ha caafiyo. 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.