Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa Ka Soo Baxay Kulankii Erdogan Iyo Putin??

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Sochi)-Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku heshiiyey Jimcihii in kor loo qaado iskaashiga dhinacyada gaadiidka, beeraha, maaliyadda iyo dhismaha, sida ay ku sheegeen war-murtiyeed ay si wadajir ah u soo saareen kulan qaatay afar saacadood oo ka dhacay magalada dalxiiska loo tago ee Sochi dalka Ruushka.

Turkiga ayaa dhexdhexaadin ka sameeyay heshiis ay bishii hore ku saxiixeen Ukraine, Ruushka iyo Qaramada Midoobay magaalada Istanbul, kaas uu ku saabsanaa dib u bilaabida dhoofinta Cuntada dekedaha Badda Madow ee Ukraine ka dib bilo ay xanibnaayeen.

Inkastoo ololaha millatari ee Moscow ka waddo Ukraine aan si toos ah loogu xusin bayaanka, hogaamiyayaasha ayaa carabka ku adkeeyay dib u soo celinta dhoofka shixnadaha qamadiga , iyagoo tilmaamay “xidhiidhka wax ku oolka ah” ee labada dal oo ay ku nuuxnuuxsadeen inay suurta galisey heshiiskaas.

Bayaanka, Putin iyo Erdogan waxay ku nuuxnuuxsadeen baahida loo qabo “in si buuxda loo hirgeliyo heshiiskii Istanbul”.

Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale ku heshiiyay in qayb ka mid ah lacagaha lagu bixiyo gaaska Ruushka loo beddelo ruble, sida uu warbaahinta u sheegay ra’iisul wasaare ku xigeenka Ruushka Alexander Novak wadahadalka kaddib.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this