Sign in to follow this  
Deeq A.

Caruur Walaalo ah Miino Kula Qaraxday Deegaan Ka Tirsan Gobolka Togdheer

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa haraadiga walxaha qarxa oo caruur walaalaha kula qarxaday deegaan hoos taga gobolka Togtheer, kadib markii caruurtaas ay ku ciyaareen, taas oo keentay inuu qarax ka dhaco boobta, caruurta ayaa ahaa kuwa xoolo jiray sida ay sheegayaan wararka.

Dhacdadaan ayaa waxaa ay si gaar ah uga dhacday Habuura iyo Sibidhley ee xuduudka Togdheer, kadib markii caruurtu ay ciyaareen  qaraxa oo ahaa miino, waxaana durba gurmad u fidiyay ehlkooda, kuwaas oo usoo qaaday isbitaalka guud ee magaalada Burco ee xarunta gobolka Togtheer.

Caruurta walaalaha ah oo xoolo ku maqnaa ayaa goobta qaraxu ka dhacay waxaa ku naf waayay mid amid ah 3-da caruurta ah, halka ay dhaawacmeen laba kale, kuwaas oo dhaawacooda loo qaaday isbitaalka guud ee magaalada Burco ee gobolka Togtheer, qaraxa ayaa ahaa mid yaallay oo caruurtu garaaceen.

Gaari lagu waday dhaawaca ayaa waxaa uu shil ku galay deegaan lagu magacaabo Balli Hiile, kadib markii ay isku dhaceen gaariga gurmadka deg dega ah iyo gaari nuuxa xaajiyeeda ah oo rakaab ah, waxaana goobta ka dhashay shil khasaare badan dhaliyay, waxaana uu dhaawac soo gaaray 8ruux.

Isuduwaha Wasaaradda Caafimaadka Gobolka Togdheer Dr Maxamed Yuusuf ayaa waxaa uu sheegay in markale ay gurmad u fidiyeen dadka uu shilku ku qabsaday Balli Hiile, waxaana uu intaas ku daray in dadka uu dhaawaca soo gaaray oo 8 ruux ah qaarkood ay yihiin ehelada caruurtii musiibadu ku dhacday.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this