Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliska ciidanka DDS oo shaaciyey inay 800 ka dileen Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Jigjiga (Caasimada Online) – Taliska ciidamada dowlad deegaanka Soomaalida ayaa faahfaahin cusub ka bixiyey dagaalladii u dhexeeyey ciidamada Liyuu Boolis iyo Al-Shabaab ee maalmihii la soo dhaafay ka socday deegaanno ku yaalla xadka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Taliyaha ciidanka gaarka ah ee dowlad deegaanka Soomaalida General Maxamed Axmed oo markii ugu horreysay warbaahinta macluumaad dheeri ah ka siiyey dagaalladaasi ayaa ka warbixiyey inta uu la egyahay khasaaraha rasmiga ah ee ay gaarsiiyeen Al-Shabaab.

General Maxamed Axmed ayaa shaaca ka qaaday inay kooxda Al-Shabaab ka dileen illaa 813 xubnood oo ay ku jiraan 24 hoggaamiye, sida uu hadalka u dhigay,

“Khasaaraha gaaray 813 nin ayaan tirinay meydadkooda, waxaana ku jiray 24 hoggaamiye oo uu horey lacago u dul-dhigay Mareykanka,” ayuu yiri taliyuhu.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dhaawaca uu gaarayo illaa 340, kuwaas oo uu tilmaamay inay ka ogaadeen deegaanadii la geeyey dhaawacyadaasi.

“Illaa 340 dhaawaca meelihii ay geeyeen ayaan xogtooda ka helnay,” ayuu markale yiri taliyaha ciidanka gaarka ah ee dowlad deegaanka Soomaalida.

Maxamed Axmed oo sii hadlaya ayaa sidoo kale ku faanay inay nolosha ku qabteen ku dhowaad 100 xubnood oo ka tirsan xoogagii weerarka ku qaaday dowlad deegaanka

“92 nin oo Al-Shabaab ah oo nool ayaan gacanta ku heynaa,” ayuu sii raaciyey Taliyaha ciidanka gaarka ah ee dowlada deegaanka Soomaalida.

Hadalkaan ayaa ku soo aadayo, ayada oo horey dowladda Itoobiya ay u shaacisay in ay dishay hoggaamiyeyaal sar-sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kadib dagaalladii ka dhacay deegaanada dhaca xadka, balse waxaa goor dambe soo hadlay Fu’aad Shongole iyo Sheekh C/casiis Abuu Muscab oo ka mid ahaa xubnaha ay sheegatay inay dishay Itoobiya.

The post Taliska ciidanka DDS oo shaaciyey inay 800 ka dileen Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this