Deeq A. Posted July 11, 2022 Qaar ka mid ah isimada dhaqanka Puntland, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda gobolka Bari ayaa ka hadlay dhacdadii maanta ka dhacday Boosaaso ee sababtay dhimashada iyo dhaawaca. Isimada oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Boosaaso ayaa sheegay in aad uga xun yihiin shaqaaqadii ka dhacday afaafka garoonka diyaaradaha Boosaaso ee dhexmartay ciidamo kawada tirsan Puntland. Sidoo kale isimadu waxay wax laga xumaado ku tilmaameen tallaabadii Puntland dib ugu celisay diyaaradii siday deeqda ee hogaaminaysay gudoomiye ku-xigeenka kowaad ee Golaha Shacabka xildhibaan Sacdiyo Salaad, waxayna ugu baaqeen dowladda in ay raali-gelin ka bixiso arrintaas. Isimada waxay sheegeen in diyaarada la celiyay uu armay in ay degto madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash, balse shaqayn waayay amarkaasi. Hoos ka daawo isimada oo ka hadlaya arrimahaas iyo kuwo kale. PUNTLAND POST The post Puntland: Isimo ka hadlay dhacdadii Boosaaso appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites