Qurac&qansax

Siyaad Bare Miyaa ka danbeeyay Dilkii A/Rashiid

Recommended Posts

1 hour ago, Qurac&qansax said:

at the get go , it was clear who will be the next president. MPs unanamesly choose Muuse Boqor. H e will have been the next president. 

Wrong again. Waa been. From that same interview my father gave deals that. And here is that part. 

_________________

Kasmo: Habkii ay ciidamadu talada ula wareegeen iyo xaalku siduu ahaa habeenkii Talaadada ahaa ee afgambigu dhacayay. Siday maalmahaas wax u dhacayeen, ma noo sawiri kartaa?

Sh. Mukhtaar: Maxamed Ibraahim Cigaal ayaa Ra’iisul Wasaare ahaa, Ameerika ayuuna jiray markii madaxweynaha la dilayey. Waa yimid. Laakiin intuusan imaanin ka hor ayaa Cumar Macallin iyo Hilowle Macallin labo isla dhalatay oo mudanayaal baarlamaan ah ayay ahaayeen iyo Yaasiin Nuur Xasan iyo Yuusuf Cigaal oo ganacsade ahaa, mudane baarlamaanna ahaa, iyagoo shan ah ayay showreen, Cabdirashiid maaddaama la dilay, nin Muuse Boqor la dhashayna xilligii doorshada Caluula lagu dilay.

Labadaas dil ee isku jilibkaas ku dhacay, C/rashiid carruur badan oo yaryar ah dhaafay, nin cidda daryeela oo ciddahooda ah ha la doorto ayay ku heshiiyeen oo ilamaha xilkooda haayo, samirna ay u qaataan haddii kursiga la siiyo, maddaama labo ruux oo magac lahaa laga dilay. Sidii ayay ku heshiiyeen.

Maxamed Ibraahim Cigaal haddii uu yimidna waa la showreen, waa u sheegeen sidaasaan ku tashannay ayay yiraahdeen, asigana waa ku raacay. Gurigeyga ayay iigu yimaadeen, ra’yigaasaan wadnaa ayay yiraahdeen. Muuse Boqor inaan murashax ka dhigno oo baarlamaanka aan geeyno.

Geeya ayaan iri, laakiinse waxaan idiin sheegayaa:

"Muuse Boqor, dowladdii C/laahi Ciise mutakabirnimo iyo madax adayg ayaa looga bixiyey, isagoo wasiirka arrimaha gudaha ah. Isaga iyo Cali Jimcaale ayaa isqabtay. Waa la yaaqaanaaye markii dowladda C/rashiid dhalatay, waxaa la yiri, 'Waa madax adagyahee, wasiirna lama siin karee, waana nin soo halgamaye, sideen yeelnaa?' Waxaa la yiri ruqso (voluto) dahab ah ha loo fasaxo. Meeshaas ha ka maaleysto. Dahabkuu ayuu keligiis keeni jiray Soomaaliya. Ninkii saas ahaa oo wada ogtihiin, baarlamaanka cod ugama helaysaane, haddaad wadataan aniga ka jooga idin ma dhahayo."

Markee iga tageen, Maxamed Siyaad ayaa ii yimid. "Maka war heshay niman ku showray Muuse Boqor in murashax laga dhigo?"

Haa ayaan iri, iyagana sidaasay yiraahdeen, sidaasaanaa ku kala tagnay. Waxaa ii yimid isla saacaddii safiirkii Ruushka. Wuxuu yiri ‘Sidaas baa la wadaa, aan maqalnee, Muuse Boqor haddii la doorto, Soomaaliya sow gacan Ameerika ma galeyso?

Waxaan ku iri, 'Ilaah baa og. C/rashiidba markii hore Ruush ayuu la jiray. Waxaan iri ‘Siyaasad dadka waa la gad gaddoomeysaa, mabda’ meel lala joogaayo ma aha. Marba meelaa lagu dayaa, inuu Ameerika ka soo go’ana waa iska suuroobeysaa, in sida aad u maleynaysaan uu noqdana waa suurogal,' sidii ayaana ku kala tagnay.

Marka fadhiga Talaada ahaa ee Leegada isugu tagtay C/rashiid oo nool ayaa la qabtay waqtigaas oo waqtigaas inuu congress-ka shiro, waqtigii ayaa la gaaray. Aniga ma tagin. Baarlamaanka wuxuu lahaa nin sharci yaqaan ah oo Chevron la dhihi jiray oo Talyaani ahaa oo nala talinaayay oo sharciga iyo qawaaniinta dawliga ah noo sheegayay. Wuxuu I yiri, 'Adiga ma tagi kartid shirkaas, maxaa yeelay Madaxweynihii Soomaaliya ayaad maanta tahay, xisbi kama tirsanid.' Markaas aniga gurigeygaan iska soo aaday.

Nimankii Muuse Boqor murashax ka soo dhigay maamulkii Leegada ayay ula tageen. Waxay ku yiraahdeen sidaasaan ku heshiinnaye warkaan soo jeediya. Nimanka Leegadana waxaa madax u ahaa Sheekh Maxamuud Maalinguur iyo C/raxmaan Muumin. Waxay yiraahdeen anaga Muuse Boqor kuma ceeboobeynee, codna looma helaayee, idinka sow ma wadataan, soo jeediya. Sidii ayey ku kala tageen. Ayadoo xaalkii inta maraayo ayaa shirkii la iskugu tegay. Nin Aadan Isååq la dhihi jiray oo wasiir ahaa iyo Ismaaciil Jimcaale, waxaan maqlay Ismaaciil Jimcaale ayaa hadalka billaabay oo yiri: 'Yaasiin, wasiirkii arrimaha gudaha ayaad tahay, siyaasadda adaa madax u ah, Muuse Boqor ayaad murashax ka soo dhigteen aan maqalnee, ma jirtaa?’

'Maya ayuu yiri’. Waa inkiray.

Aadan Isååq ayaa haddana su’aalay. Waa inkiray Yaasiin.

Marka inkiraadoodii kuma kaaftoomine, yaqiin bay qabeene, Aadan Isååqa yaa yiri, ‘Waan maqalnay waa waddaane, haddii Muuse Boqor aad meeshan soo marisaan oo madaxweyne ka dhigtaan, naago ayaan nahaye, nagu soo hoyda!’

Markii hadalkaas dhacay ayaa la isku buuqay oo lagu diriray, laguna kala tegay. Xaaji Faarax Cali Cumar oo gurigiisa igu dheggan yahay oo shirka ka yimid ayaa i soo maray oo inta guriga iigu yimid, ii sheegay; baarlamaankii sidaas ayaa la isugu tegay, sidaasaana lagu kala tegay. Sidaasayna ciidamadii talada kula wareegeen. 

______________________

  • Thanks 1

Share this post


Link to post
Share on other sites
10 hours ago, Miskiin-Macruuf-Aqiyaar said:

Wrong again. Waa been. From that same interview my father gave deals that. And here is that part.

MMA, your old man agreed with me. My assertion was Muuse Boqor baa loo waday, MP badana wateen, hase yeeshee vote looma qaadin and that what your old man said, if i am not mistaken.

 

Muuse Boqor waa like Deni, reer qardho, lagu yaqaan dabci xumo iyo isla waynaan, marka i believe in uusan aheen Team player oo uusan gadmi laheen. He was the only nominee. Siyadd oo ka xumaa in MJs ay xukunka isku dhiibdhiibayeen, from Abdirisaaq, abdirashiid and now Muuse, ayaa cardhkisii qabiil is ticmaalay iyo greivenckii soomali oo dhan ka qabtay beeshaas and the rest was history.

Share this post


Link to post
Share on other sites
1 hour ago, Qurac&qansax said:

Siyadd oo ka xumaa in MJs ay xukunka isku dhiibdhiibayeen, from Abdirisaaq, abdirashiid and now Muuse, ayaa cardhkisii qabiil is ticmaalay iyo greivenckii soomali oo dhan ka qabtay beeshaas and the rest was history.

You're historical  revisionist. Move on.  

Share this post


Link to post
Share on other sites
10 hours ago, Qurac&qansax said:

MMA, your old man agreed with me. My assertion was Muuse Boqor baa loo waday, MP badana wateen, hase yeeshee vote looma qaadin and that what your old man said, if i am not mistaken.

 

Muuse Boqor waa like Deni, reer qardho, lagu yaqaan dabci xumo iyo isla waynaan, marka i believe in uusan aheen Team player oo uusan gadmi laheen. He was the only nominee. Siyadd oo ka xumaa in MJs ay xukunka isku dhiibdhiibayeen, from Abdirisaaq, abdirashiid and now Muuse, ayaa cardhkisii qabiil is ticmaalay iyo greivenckii soomali oo dhan ka qabtay beeshaas and the rest was history.

Qurac, si fiican u aqri. Muuse Boqor dabeecad ma lahayn and those closest to him knew. He had no chance to become a madaxweyne. Those few SYL members who were pushing this even denied this fact in front of SYL executive members. Aabo ayee ula yimaadeen as you can read from the interview wax ha isku ceebeynina yiri because there won't be any votes. They went to SYL party executives and they received same message of waxba ha isku ceebeynina ninkaan for he won't get a vote.

And that infamous saying incident happened of a famous SYL executive member telling this group hadduu Muuse Boqor madaxweyne noqdo naago ayaa nahnay.

Siyaad Barre ciidamada hogaaminaaye but he wasn't much else. Meesha maskaxda afgambiga waxaa watay Salaad Gabayre, Aaden Cadde's son-in-law, C/qaadir Dheel iyo Jaamac Qoorsheel, who would be imprisoned for years. Siyaad killed Gabayre and Dheel the first chance he got around Kowda Luulyo of 1972 after a failed planned coup. He truly became a bona fide dictator after their murders since he shared power with them in Golaha Sare ee Kacaanka after afgambigii 1969.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Of all the people mma u mentioned the most important general caynaashe who was also executed by ur idiol general afweyne for he was afraid he might over power him 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.