Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Mudullood iyo Habargidir oo afar xubnood ku caleemo saaray Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha siyaasadda iyo horumarinta beelaha Mudullood iyo golaha hoggaaminta Habargidir ayaa maanta Muqdisho ku caleemo saaray guddoonka dhallinyarada ee golaha siyaasadda iyo horumarinta Mudullood.

Munaasabadda lagu caleemo saaray xubnahaan waxaa ka soo qeyb galay xubno sare oo guddoomiyaha golaha hoggaaminta Habargidir Prof. Shirwac uu hoggaaminayo.

Sidoo kale waxaa munaasabadda goobjoog ahaa golaha siyaasadda iyo horumarinta beelaha Mudullood, odayaal dhaqan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada labadaas beelood.

Xubnaha la caleemo saaray ee loo doortay hoggaanka golaha siyaasadda iyo horumarinta beelaha Mudullood ayaa gaaraya afar xubnood, waxayna balan qaadeen inay ka shaqey doonaan horumarinta danaha beesha.

Waxaa munaasabadaan hadallo kala duwan ka jeediyey qaar ka mid ah waxgaradkii ka soo qeyb galay, iyagoo soo hadal qaaday inay muhiim tahay in magaalada Muqdisho ay yeelato maamul ku yimid rabitaanka bulshada oo maqaamkeeda meel la saaro.

Hoos ka daawo

The post Daawo: Mudullood iyo Habargidir oo afar xubnood ku caleemo saaray Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this