Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Xildhibaanadii la dilay dowladii hore ee Xasan Sh. (2012-2016)

Recommended Posts

Tirada xildhibaanada la dilay xiligii Xasan Sheekh

Xildhibaanada Baarlmaaanka Soomaaliya ayaa seddexdii berri ee ugu dambeysay waday dood ku saabsan Amniga Muqdisho kadib markii Muqdishi lagu weeraray Xildhibaan iyaga ka tirsan

Xildhibaanada doodaas ka hadlay ayaa tilmaamay in Amniga Muqdisho halis ku jiro isla markaasna ay dowladda Dhexe ka jiiftay.

Xildhibaanada qaar ayaa sheegay inaysan guryahooda kasoo bixi karin Amni darro uuna Baarlamaanka Soomaliya ku jiro xaalad halis ah.

Sidaas darteed waxaana dabagal ku sameynay xildhibaanada la dilay intii ay jirtay dowladda Farmajao iyo intii la dilay dowladdii Xasan Shiikh Maxamuud.

Dowladda Farmaajo intii ay jirtay waxaa la dilay wasiir Cabaas Siraaj, oo sidoo kale ahaa xildhibaan, wuxuuna ku dhintay qalad iyo kala shaki ciidamada dhexdooda ah oo ma dilin Al-Shabaab.

Halkaan hoose ka akhriso:

Sanadka 2013:

1- Xildhibaan Xuseen C/salaam Maxamed - September 2013, Muqdisho

2- Xildhibaan Maxamed Warsame Maxamed (Faysal) - December 2013, Gudaha Villa Somalia, Muqdisho

Sanadka 2014:

3- Xildhibaan Isaaq Max’ed Riino - 21 April, 2014, Muqdisho

4- Xildhibaan C/casiis Isaaq Mursal - 22, April, 2014, Muqdisho

5- Xildhibaan Maxa’ed Maxa’uud Xayd - 3 July, 2014, Muqdisho

6- Xildhibaan Saado Cali Warsame - 23 July, 2014, Muqdisho

7- Xildhibaan Sheekh Aaden Madeer - 1 August, 2014, Muqdisho

Sanadka 2015:

8- Xildhibaan C/llaahi Qayad Barre - 9 Febuary, 2015, Muqdisho

9- Xildhibaan Cumar Cali Nuur (Furdug) - 20 February, 2015, Muqdisho

10- Xildhibaan Maxa’ed Ducale Muse (Xaji-kafe) - 20 Febuary, 2015, Muqdisho

11- Xildhibaan Yuusuf Dirir - 23 May, 2015, Muqdisho

12- Xildhibaan C/llaahi Maxa’uud Xuseen (Baantuu) - 25 July, 2015, Muqdisho.

13- Xildhibaan Cabdi Maxa’ed Abdidoon - 1 November, 2015, Muqdisho

14- Xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan - 7 November, 2015,

Iyadoo intaas oo xildhibaan la dilay waqtigii dowladdii Xasan Shiikh Maxamuud ilaa hadda waxaa la fahmi la’yahay sababta keentay inay Xildhibaanada sameeyaan kacdoonkaan ku aadan hal xildhibaan oo la dhaawacay sanadkaan 2018.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xasan Sh.'s tenure started in Siteembar, 2012 and ended in Siteember, 2016, though he was still in office until Febraayo, 2017. Within a year of his dowlad, xildhibaanno started dying unbelievably in high numbers.

And now how many were killed during Farmaajo's dowlad of five years? After the late Cabaas Siraaji oo kan dilay la ogyahay, xukumana but not being carried out because the likes of terrorist Mahad Geeljire are defending that blood killer. Yaa kale oo xildhibaan la dilay?

Now we know what Fahad Yaasiin is talking about.

Share this post


Link to post
Share on other sites

As long as the seat of power is in Mogadishu,  this people will always feel emboldened. 

The connection they're making in their weak mindset is the capital (seat of power) and that it geographically belongs to their tribe, to speak honestly. 

This empirical cord must be severed. 

Share this post


Link to post
Share on other sites

And it already started for his second term, barely a month after his selection:

Faahfaahino kasoo baxaya Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo hoygiisa lagu weeraray

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar bambaano oo Xalay lagu qaaday hoyga uu ka dagan yahay magaalada Muqdisho Xildhibaan Jabriil Cabdirashiid Xaaji oo ka tirsan Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya.

Xildhibaan Jabriil ayaa ka badbaaday weerarka Bambaano ee Xalay lagu qaaday hoygiisa oo ku yaala xaafada Taleex ee degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Xildhibaanka la weeraray ayaa ka mid ahaa Xildhibaanadii laga soo doortay magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, waxaana saraakiil ka tirsan laamaha amaanka ay sheegeen in weerarkaasi uu geystay khasaare kooban oo gaaray ilaalada Xildhibaanka hoygiisa lagu weeraray.

Ciidamo ka tirsan booliiska degmada Hodan ayaa gaaray daqiiqado kadib marka uu dhacay weerarka Bambaano ee lagu qaaday guriga Xildhibaan Jabriil, kuwaas oo howlgalo baaritaano ah ka sameeyay agagaarka hoyga Xildhibaanka, hayeeshee maysan ku guuleysan iney gacanta kusoo dhigaan ragii weerarka Bambaano fuliyay.

Xigasho

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.