Sign in to follow this  
Dabxire

Somali Lyrics...well...My favorites

Recommended Posts

Dabxire   

***Waa Adi Daraadaa***

 

Daahdahoo aroortii

Adaa doogsanaayo

meel roob dibnaha dhigey

dhirtu digil madow tahay

 

adaa daawanaayoo

kalidaa dakeeyee

 

inta haad duushiyo

shimbiraha la darisee

caashaq igu daleelsadey

 

warqadaan ku daabacey

doodeeda iga qaad

deeq waxad tidhaahdaa

inankii dayowyoo

ma xasuusto dunidee

 

waa adi daradaa

dakharkiisa caashaqa

waxa uu la doogtee

maruun soo calool dabac

*** *** *** ***

Daahdahoo aroortii

Deeqdii ilaahey

adaa doonanaayoo

cidi daarad kugu hayn

 

meeshii il-doogleh

adigaa u deexdee

 

waxa kastoo lagu diro

deeqsiiye hadalkee

Caashaq igu daleelsadey

 

Warqadaan ku daabacey

doodeeda iga qaad

deeq waxaad tidhaahdaa

inankii dayowyoo

ma xasuusto dunidee

 

waa adi daradaa

dakharkiisa caashaqa

waxa uu la doogtee

maruun soo calool dabac

 

By Qalinle

***END***

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dabxire   

***Wada Noolaada***

 

(2)Weheliyo walaal

Guri wadarahoo

wiilal iyo gabdha leh

waayaha adduun

warwarli'i kumara

kumaraa walaal

 

(2)weynaha waxaad

waydiisataan

haka waayinina

 

(3)Wada noolaadoo

Nabad ku waaraa

wada noolaadoo

Nabad kuwaaraaa

*** *** *** ***

 

(2)Anaguna watiin

Duca waafiyaaa

yaan idiin wadnee

Ayadaha waxyiga

Yaan idiin wadnee

weynaa idinka yeel

 

(2)weynaha waxaad

waydiisataan

haka waayinina

 

 

(3)Wada noolaadoo

Nabad ku waaraa

wada noolaadoo

Nabad kuwaaraaa

 

By Legend Dhule

***END***

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dabxire   

***Ismoog***

 

(2)Ushiyoo Markaan amarkaba

dhammaan ehey kugu ireen

Kali aynidaa kaa ishaartayyy

Bal maxaad ibtilo la abaabushoo

irdha kuugu wacannnnn

Anoon kugu gafin Ololkiyo

maxaaa maxaa keenay afxumadaa

 

(2)Haddii aaaan Ismoog

kaa aarsanlaaa Aayaha danbiyo

Rajaan eegayaaaa

eed waxaad fashayna Ubadkaad

Dhashaan ku illaawayaaa

Caqli iyo dulqaad Ilaah iidhashaan

Kuugu arxamaaaaaaa

(Raganimo Ilaah ani iidhashaan

kuugu arxamaaa)

*** *** *** ***

(2)Ujeediyo siduu uurkeygu rabo

Alle waa ogyeee Aadmigu marnaba

ma abbaari karooo

Qofba aragtidii haddii loo akhriyo

waa ayaan darreee

Aqoongabni iyo kaskaagoo irmaan

ayaad ayaad ehee ku anbateee

 

 

(2)Haddii aaaan Ismoog

kaa aarsanlaaa Aayaha danbiyo

Rajaan eegayaaaa

eed waxaad fashayna Ubadkaad

Dhashaan ku illaawayaaa

Caqli iyo dulqaad Ilaah iidhashaan

Kuugu arxamaaaaaaa

(Raganimo Ilaah ani iidhashaan

kuugu arxamaaa)

 

By Cawaale

 

***END***

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dabxire   

***Ma Ogtahay Daraadeed***

 

Ma ogtahey daraadeed

Riyo inaan ku daaloon

Aan bad wayn dabaashoon

Ka baafiyey daruuraha

 

Adaan doog jacayl iyo

Kalgacayl ku daarine

Miyaan duniba joogaa

 

Daymada jaleecada

Sida geel dar loo horey

Soow kumaan dunuunicin

*** *** *** ***

Ma ogtahey danteeydiyo

Wuxu caashaq ii direy

Inay tahey Da'deedaba

Inan aan ka doorbidey

 

Aan daydayaayaan

Udib jirey habeenadan

Mawluhu ha daayee

 

Daymada jaleecada

Sida geel dar loo horey

Soow kumaan dunuunucin

 

*** *** *** ***

 

Ma ogtahey dabiib iyo

Dawadayda in ay tahey

Oo aanan daynayn

Oo la iigu daw galey

 

Adaan doog jacayl iyo

Kalgacayl ku daarine

Miyaan Dunidaba joogaa

 

Daymada jaleecada

sida geel dar loo horey

Soow kumaan dunuunicin

 

***END***

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dabxire   

***Muna***

 

(2)waxaad tahay dhamays huban

dhaleel aan lahaynoo

rabi kala dhantaaline

 

(2)naftan igu dhex nooleey

dhaawac inuu ku gaadhin

dhibaan kaa dhibaan kaakaa

dhibaan kaa ilaashaa

 

dhiiga haaba jidhkeygiyo

dhanka uu wadnuhu xigo

aadigaa adigaa adigaa u heley baxar

 

(2)kuma dhaafi karayee

dhab jacayl iga hoo

 

hoo dhabtaada isaar

haydhigin dhabtaada isaar

wacaney dhabtaada isaar

dhabtaada isaar

munaay dhabtaada isaar

*** *** *** ***

(2)dhabaanada hilaacey

quruxdaada dheeheey

xubnahaaga kala dhigan

 

(2)dhan kastoon ka eegaba

waad dhugasha wacantoo

dheemankaad dheemankaa kaa

dheemankaad la midab tahay

 

(2)dhaqankiyo asluubtana

dumar lagugu dherarshoo

kuu dhiganta kuu dhigann

kuudhiganta malahee

 

(2)kuma dhaafi karayee

dhab jacayla iga hoo

 

(2)hoo dhabtaada isaar

haydhigin dhabtaada isaar

wacaney dhabtaada isaar

dhabtaada isaar

munaay dhabtaada isaar

 

By Jooqle

 

****END****

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dabxire   

***Canbaruud***

 

Adigoo Caruuroo

Cadalool Ciyaariyo

Cimrigaagu maal celis

Cashadii ugaaray

 

Cabburkaagu qoortiyoo

Cabbaaryeystay luquntee

Naaskaagu Caarada

Cirifyada Lasoo baxay

 

Caynka Xaba barsheedkiyoo

Cirshigii sabaadkiyo

Caynka Xaba barsheedkiyoo

Cirshigii sabaadkiyo

Canbaruud la moodyeeey

 

Caloosheyda Taadan

Cid walba Uga go'ayee

Caloosheyda Taadan

Cid walba Uga go'ayee

*** *** *** ***

Cirka waxan ka Imanoon

Dhulkan caan ku Noqonbaa

Carrabkeygu Sheegaa

Sida Caalim weliyahee

 

Adoo Ceel Gallaan daray

Haddaan Caadil kuuba qorin

Camankaaga waxa gala

Cunahaaga dhaafine

 

Caynka Xaba barsheedkiyoo

Cirshigii sabaadkiyo

Canbaruud la moodyeeey

 

Caloosheyda Taadan

Cid walba Uga go'ayee

Caloosheyda Taadan

Cid walba Uga go'ayee

*** *** *** ***

Markuu Galay Ciriirigaa

Collaadii shisheeyaha

Nabigiiba Cumariyo

wulla? ilaahey

 

Caawana Halkaan Degay

Xiddigtii Cirjiiddeeee

Loo Diray Cadceedee

Culumaduba Yaabtee

 

 

Caynka Xaba barsheedkiyoo

Cirshigii sabaadkiyo

Caynka Xaba barsheedkiyoo

Cirshigii sabaadkiyo

Canbaruud la moodyeeey

 

Caloosheyda Taadan

Cid walba Uga go'ayee

Caloosheyda Taadan

Cid walba Uga go'ayee

 

By Cumar Nur Cabdulle

 

***END***

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dabxire   

***Istar***

 

Hanaan socodka laafyaha

Hagar li'i wax qabashada

Hindisihiyo faalada

Soo cel celiska sheekada

 

Hadaan caano lagu habin

Aman hooyadeed korin

Mahayseen asluubtiyo

Hidihiyo xishoodkee

 

Waxa kugu haboonaa haboonaa istarey

Waxa kugu haboonaa haboonaa istareey

Adoo xaafadii hodan

Jidka fooqa hoosmara

Hareerihiisa ubaxa leh

Habeen ciida ay tahay

Adigoo hidaha xiran

Hudheelkii taleexbaan

Heedhe kugu casuumaa

 

Hal irmaan sidig iyo

Haleel aad ku maashaa

Dhalinyara Hobshaysiyo

Hablo kuu ciyaaraan istarey

*** *** *** ***

Sida geel hilaac baxay

Hoodiyo danood helay

Oo horseed u maqan yahay

Higsanaaya goor wacan

 

Hiyigiyo naftaydii

Adaa hebed ka dhigayoo

Hilbahaygi saafoo

Haween iiga laacee

 

Waxa kugu haboonaa haboonaa istarey

Waxa kugu haboonaa haboonaa istarey

Hareeraha nugaaleed

Kayn wada hareeriya

Marka roobku uu helo

Oo xareedu haradiyo

Hoos jiifto geedaha

Hoos jiifto geedaha

 

Hal irmaan sidig iyo

Haleel aad ku maashaa

Dhaliyara hobshaysiyo

Hablo kuu ciyaaraan istarey

 

By Cumar Nur Cabdulle

 

***END***

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dabxire   

***Guunyo***

 

HorDhac

Naagaha Ma guursado

Ninkii Guunyo waayee

Mana Geyo sidookale

Kolkii uu Gacan marnaadee

----------------------------------------

 

(1)-Naagaha Ma guursado

Ninkii Guunyo waayee

ManaGeyo sidoodaba

Kolkii uu Gacan marnaadee

 

(2)Gardaran Nafteydaaay

Geed dheer ha fuuline

Gaagaabso yaad noqon

galoof olol aan daynine

*** *** *** ***

Markaan kaaga garaabay

arrimo aadan garaneyn

kugu siiyey gacantaad

tacbaan maran imoodey

 

(2)Gardaran Nafteydaaay

Geed dheer ha fuuline

Gaagaabso yaad noqon

galoof golol aan daynine

*** *** *** ***

 

(2)Aniguna Garaadkey

Kaa Gaabsan waayeee

Adna Garashadaadii

Igaraabi weydeeeeee

 

(2)Dhibta aan galaayana

Igargaari meyside

waa loo garaabaa

ruux Gaabinaayeee ee

eeee Dhaxantayo Guuraa

 

By Cumar Nur Cabdulle

 

***END***

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dabxire   

***Qaali***

 

(2)Qoraxduba Iftiinkey bar ka qaadaneysoo

Ubaxyada Qudhoodaa Qooraansanaayo~

Qooraansanaayoooo

Inta Qalanja Dumaroo Ku Qancaan adduunyadu

Qalbigeyga meeluu Ku Qaboobayaayo~ Ku

Qaboobayaayooo

 

(2)Dabcigu-waa Mid Qaaaliya Quruxna waaaa Middaan rabay

Anigana Iqaadoo Iqaadoo Qaali wey isidataaa

Anigana Iqaadoo Iqaadoo Qaali wey isidataaa

 

*** *** *** ***

 

Indhahaaa Qiyaasli'i uga Quusan waayoooo

Qeybahaa Jirkeygaa kaligeed Qadariyo~ Kaligeed Qadariyoo

Qacda Aragtideedan Naxariis Qaboobaaa

Ma Tusaale qoran iyo qoys oomiyaadbaa qoys oomiyaadbaa

 

(2)Dabciguu waa Mid Qaaaliya Quruxna waa Middaan rabay

Anigana Iqaadoo Iqaadoo Qaali wey isidataaa

Anigana Iqaadoo Iqaadoo Qaali wey isidataaa

 

By Kastum

 

***END***

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dabxire   

***UgaasoY***

 

(2)Ma Ogideeee Ugaasoy

ma ogideee

Uuurkaad Naruuriyooo

Oontirtaa anfacacoo

Indhahaad utahay Nuur

aragtida Ukaamilane ma ogtahay

 

(2)Ma Ogide Qalbiguna agtaaduu

Udgooneey Kunagiyoo Unugyada

dareenkaaa haaa ammarkooda haysaaye

ma ogtahay

 

(2)Anigana afkeygiyo addimada is eegoo

aramidu iridateeee Ololbeyga baxayee

hoo ubaxa hoo ayaankeen samaayee

hoo ubaxa hoo

*** *** *** ***

(2)Ma ogidee Ugaaseey Ma ogidee

Si aaaaan baladka lagu arag

inaan kuu aroosoo aynigaad usidataaa

u ordaa had & jeere ma ogtahay

 

(2)Ma Ogide Awlaad Jacayliyooo

Ugbaad caashaq lagu dhalay

inaad ii xanbaartaan

ilaahey ka tuugaaye ma OGtahay

 

 

(2)Anigana afkeygiyo addimada is eegoo

aramidu iridateeee Ololbeyga baxayee

hoo ubaxa hoo ayaankeen samaayee

hoo ubaxa hoo

 

By Cawaale

 

***END***

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dabxire   

***Ayaan***

 

Inkastoo ay Ayaan ayaan

Aqal kale gashooy

Ubad yeelatooy

Tahey oori kale

 

Anigoo ogsoon

kama Aamusee

Waa amar Allee!

 

Bal maxey indhuhu

kaa eegayaan

Bal muxuu afkuna

Kuu amaanayaa.

 

*** *** *** ***

 

Barigii aad ogeeyd ogeeyd

Jacaylkaan afkiyo

Uurkaba ka jarey

Igusoo noqdee

 

Isagoo markale

Oodihii situu

Aniga i hayaa

 

Bal maxey indhuhu

Kaa eegayaan

Bal muxuu afkuna

Kuu Amaanayaa

 

By Hassan waddo

 

***END***

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dabxire   

***Xarakaat***

 

(2)Xarafkeena Quraankiyo

Qur'aankiyo Xukun Diinta

Udaa...

 

(2)Xaqna waalid udaa

Gu' Xareed Udaaa

Geelna Xoorta geelna

Xoorta udaayeeeeey

 

(2)Xarrakaadka Adduunkana

La'badii Isu Xalaaleeee

Ruuxba Ruux ka xishoodiyoo

Xaas wanaagsan wanaagsan

wanaagsan Xaas wanaagsan

udaaaa udaaaaaayeeeeeeeeeeeey

*** *** *** ***

(2)xakiim deeqda u daa

haaa haaaaaaaaaaaaaa

xabaashii nabigeeniyo

 

(2)xaj udgoonka udaa

xariir muuq udaa

jaceyl xiiso jaceyl xiiso udaaaaa

 

 

(2)Xarrakaadka Adduunkana

Laabadii Isu Xalaaleeee

Ruuxba Ruux ka xishoodiyoo

Xaas wanaagsan wanaagsan

wanaagsan Xaas wanaagsan

udaaaa udaaaaaayeeeeeeeeeeeey

 

By Jubba

 

***END***

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dabxire   

***Muna***

 

(2)Haddii Maayad Xoogliyooo

Mawjadii iqaadoo

Mawjadii iqaadoo

Badda an maquurto

maydhmi maayo caashaqu

 

(2)Waxad tahay Middii qura

Naftu ay Umuhateee

Milga iyo xishoodiyo

Qurux/adab lagu maneystaay

 

(2)Munaaay kalgacalbad

Maankeyga gelisoo

Ma ilaawi karayeeee

ma ilaawi karayeee

 

*** *** *** ***

 

(2)Maalinteynu Kulanaaa

Caashaq igu maleegmoo

Caashaq igu maleegmoo

Maankii ku raacaaa

Kaa Maarmi Karinooo

 

(2)Marwonimo/Malabnimo

Uhadalkiyo miisaanka Socodkiyo

Masha Alle Quruxbaa

Mawle kuugu deeqoo

 

(2)Munaaay kalgacalbad

Maankeyga gelisoo

Ma ilaawi karayeeee

ma ilaawi karayeee

 

By Jubba

 

***END***

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dabxire   

***Asma***

 

(2)Asmaay daa'uus la mood

Daraan dare dhaayihii

Dukhriga kuu eegayoo

 

Dareemey markey arkeen

indha deerada ehee

 

(2)Sidii dahab maar ku jira

Ama dab la shidey habeen

Dadkey ka dhex muuqatee

Allow ka du' mid u daran

 

(2)Waxaan kuu daba socdaa

Hadaan aqal deyr laheyn

Ogow daadkaa u gala

Waxaan kuu daba socdaa

Hadaan raggu dumar laheyn

Dibjir buu noqon lahaa

*** *** ***

(2)Asmaay daa'uus la mood

Dabeecada fiicaniyo

Badh weeyaan diintuyoo

 

Waxaad tahey ruux duniyo

Dulqaad meel loo dhigee

 

(2)Hadii dunidaba dhamaan

Dumar isu qurux dhigtaan

ileyn dayax baad tahee

Adaa lagu daawan laa

 

(2)Waxaan kuu daba socdaa

Hadaan aqal deyr laheyn

Ogow daadkaa u gala

Waxaan kuu daba socdaa

Hadaan raggu dumar laheyn

Dibjir buu noqon lahaa

 

By Xasan Adan Samatar

***END***

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dabxire   

***Ma Soomaali baad tahay***

 

(2)Timahaaga Sarartiyo

Gaaraaya Sinahee

Sangihiina cawryeen

Sangihiina cawryeen

 

(2)Sanqaroorka dheeriyo

Sunnayaasha kala rogan

 

(2)Indhahani siraadkaa

Midabkaaga suulkaa yeey

 

(2)Sida aad u egtahay

saka taan ka qaadee

ma somali baad tahay

ma somali baad tahay

*** *** ***

(2) Sabahaad Kudhalatiyo

Seerahad kunooleyd

Sahal maaha Inanyahay

sahal maaha inanyahay

 

(2) Simaney la wada arag

ragna waan sakootiyey

 

(2)Siddig maaha heestuye

sooryo weeye qaaliya

 

(2)Sida aad u egtahay

saka taan ka qaadee

ma somali baad tahay

ma somali baad tahay

 

By Xasan Adan Samatar

***END***

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this