Sign in to follow this  
Dabxire

Somali Lyrics...well...My favorites

Recommended Posts

Ani ki je'el lamii je'elidaa

hadii in je'elaane

jahwaareerku mahaa in ridee

 

Jogdheerantaaa jilbatoosanaanta

cashaqa waa i jiir guree

i jiirbidoote jinaalidaa

Jana aduun isla jaalisaane

aan kali jiree jilibaan jiree

ani majeesidaa

 

Jidkii jidkii jiidaanaay iinki jiidee

ani ki je'el lamii je'elidaa

hadii in je'elaane

jahwaareerku mahaa in ridee

 

Jini min sheeg jidka lee mahane

jawaal lasheeg jaa jaas walaale

jeer min sheeg wabi lee mahaay

 

Anjeero maado malii jawaaboow

kili jirooy koo jeesidooy

lanjiroobiha

 

Jidkii jidkii jiidaanaay iinki jiidee

ani ki je'el lamii je'elidaa

hadii in je'elaane

jahwaareerku mahaa in ridee

 

by Zulfa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Zulfa

 

Gamuuntiid soo gentidaa

gibilkii ay gaartaba gadoomaayee

geesiyoow nin kuu gafay maa

guuleeysahaayee

guuleysahaayo

 

Gabayga yeeraayo

guuxaan baxaayo

iyo gurbaankaan

Awgeedi Shaamboowaa

lagu guurihaaye

lagu guurihaay

 

 

...

 

 

 

Geedba geedka ka weyn

sida loo gandoobaba

adaa garataayee

Goshaan manaad gashato

lafaha waa gariiraan

Alla waa gariiraan

 

Gabayga yeeraayo

Guuxaan baxaayo

iyo gurbaanka

Awgeedi shaamboowaa

lagu guurihaayee

Lagu guurihaay

Share this post


Link to post
Share on other sites

Zulfa

 

Duufaan iyo dabayl lulaysaa

daminkaan iila soo darseene

dar allaay iigu deeyee

ducadii oow diinle nuuree

 

Dambi daad kama qaade

dulmi daa'inkey daah ma saare

dad iyo duur ma leysku deeye

dareenkaa lahaawee

 

Dabi daayac ii ladoontooy

ii dulqaad dul ii laheenee

dan daradaan ma leygu deehaa

an waa daalayee

 

Dambi daad kama qaade

dulmi daa'inkey daah ma saare

dad iyo duur ma leysku deeye

dareenkaa lahaawe

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kaa daymoohaayee

derbi ka boodooy

doon dheer garnuugaan

kaa daymoohaayee

 

Doogii cagaarnaa

debaad ku shidee

aan dameeyninee

dayaxa gacmeedkaan

kugu duulin lahaayee

damaciin kaa lahaay

adaa *****shee

dambiyaad gashayee

 

Kaa daymoohaayee

derbi ka boodooy

doon dheer garnuugaan

kaa daymoohaayee

 

Duufaanta duushee

dabeeshi wadaa ku soo daftayee

duulkii damuumiyayaashee

daabtood aay ku soo dajisee

dulmigaas maad iga doorbidayee

 

Kaa daymoohaayee

derbi ka boodooy

doon dheer garnuugaan

kaa daymoohaayee

Share this post


Link to post
Share on other sites

Inkastoo lagu waxyoodee

ama wasaq iyo

war xuma tashiil

weerka kaa waabihaa

 

Wadhiiqada toosin weeyse

wadooyinka kala wareeraan

waawareey yaan laga warin

waabkii ku dhalatee

 

Wadankiis ninkii ka tagee

wahelkiis ka dheeradee

walwal ma huro walbahaaree

 

 

 

 

 

Wadamuu na kala waaxee

wixi ku jirana wax dhamee

ala wanaagi karaayee

 

wacad lagama weecan laheene

weydaar wax kuma dhumeene

Waaxidoo ina soo walwaal

waqtiga soo celiyee

 

Wadankiis ninkii ka tagee

wahelkiis ka dheeradee

walwal ma huro walbahaaree

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cirkoo gaaxday roobkiyo

Seymahii ku rarnaa

Rabbi nooga shubayoo

 

Rabtii ay Warsheekh aheyd

Ku rusheeyay reedaha

 

Oo ay rogaal celin

kolba sida ruuqaansiga

Riinkiyo gufaacada

Ka ridaaya dhinacyada

 

Sida loogu reeyaan

Haboon kuu Riyaaqayoo

Naftaad Raalli Galisee

 

Intaan dul joogo

Raas adduun

Haboon Ma rabo

Ruux kalee

 

Haween ka rooneey

Soo ruclee

Adaa Rasmigii

Ruuxii ahee

 

 

Dhulkoo reys qaboobiyo

Reexaan udgoonloo

Dhirtu rucub Magooliyo

Ramaaska iyo doogii

Rasmi uu usoo baxay

 

Oo Ramaadka Geeliyo

Ri'yihii iyo lo'doo dhalay

Rugtii Wabiga Jowhar

Reedaha ay daaqaan

 

Sida loogu reeyaan

Haboon kuu riyaaqayoo

Naftaad Raalli galisee

 

Sida loogu reeyaan

Haboon kuu riyaaqayoo

Adaa ii Rafiiqeee

 

Intaan dul joogo

Raas adduun

Haboon Ma rabo

Ruux kalee

 

Faceed ka rooneey

Soo ruclee

Adaa Rasmigii

Ruuxii ahee

Share this post


Link to post
Share on other sites

Murugoodayee aniga

la murugoodayee

Soomaalida is dileyso

lagu maadsanaya

la murugoodayee

 

Ma xumeeye dalkeygi

maxa heley dadkiisi

diinti macaaneyd

ma laga maarmayee

 

Mowlow Ilaahow

isku soo macee

Mowlow Ilaahow

maslaxa weyn u keenee

Mowlow Ilaahow

muraadkeyga yeelee

 

Ma maleyninee

aniga maka maleyninee

lama walaala

iney kala maqnaadan

maka meleyninee

 

Muran waa dhaca

masiibo waa timaada

mala sii xusuustee

Mowla laga gala

 

Mowlow Ilaahow

isku soo macee

Mowlow Ilaahow

maslaxa weyn u keenee

Mowlow Ilaahow

muraadkeyga yeelee

Share this post


Link to post
Share on other sites

hadii la heley

gobonimada lixaadka leh

hadii la heley

laydh caafimaadiyo doog

 

waxa lumay oo liicay

oo la waayay waa nacabkii

 

bisheebaan ku ladnay

bisheen liibaanay

bishee baan libtii haleelnay

 

26 kii juun ku ladnay

1 luulyo liibaanay

21 oktober libtii haleelnay

 

hadii la heley

dadkoo wada lilaahiya

hadii la heley

tawrada loo riyaaqay

 

waxa lumay oo liicay

oo la waayay waa nacabkii

 

bisheebaan ku ladnay

bisheen liibaanay

bishee baan libtii haleelnay

 

26 kii juun ku ladnay

1 luulyo liibaanay

21 oktober libtii haleelnay

 

hadii la heley

kuwa u lagdamay dhulka

hadii la heley

kuwaan cadow u loogahayn

 

waxa lumay oo liicay

oo la waayay waa nacabkii

 

bisheebaan ku ladnay

bisheen liibaanay

bishee baan libtii haleelnay

 

26 kii juun ku ladnay

1 luulyo liibaanay

21 oktober libtii haleelnay

Share this post


Link to post
Share on other sites
isqarxis   

haweenka iyo geelaba

Mohamed Mooge Liibaan

 

sida himir bisllaatiyo malab hibitiqaayiyo

hooban la moodyey wax aad ka hodan tahay

cidna aanay heli karin hilibka iyo qurudaaa

lagu kala horeeya haweenka iyo geelaba

waa la hida raacaa

Share this post


Link to post
Share on other sites
isqarxis   

hablu kala wanaagsan

Mohamed Mooge Libaan

 

Hamigu waa i jiitaa

Warwarkuna igama hadho

Oo waa had iyo jeer

Hamigiyo layaabkana

Hadhka galay kolkatahay

 

Mar baan hilinka tawdaa

Talo kala haboonaa

 

Habloow kala wanaagsani

Tolo hadal macaantii

Hoobaan la moodii

Meeday hagarladeydii

Halkeey caawa joogtaa?

Halkeebay caawa joogtaa?

 

 

Baydka Labbaad

 

Hurdada waan ku taahaa

Riyada waan waan ku heesaa

Oo waa habeenkii

 

Hamigiyo naftaydana

Waxaan ku hindisoodaa

 

Tolow mays helaysaan

Mise waad hareer mari

Habloow kala wanaagsani

Tolow hadal macaantii

Hoobaan aad moodii

Meedey hagarladeydii?

Halkeebay caawa joogtaa?

Halkeebay caawa jiigtaa?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this