Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay dib u soo celinta ciidamada Mareykanka

Recommended Posts

Deeq A.   
PhotoCollage_20220517_011905531.jpg?resi

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhaweeyey go’aanka Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ku ogolaaday inuu dib ugu soo celiyo boqolaal ka tirsan ciidamada khaaska ah ee Mareykanka oo sanad ka hor laga daadgureeyay Soomaaliya.

Qoraal kooban oo lagu daabacay barta Twitterka ee Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Dawladda Soomaaliya ay Mareykanka u aragto wadan iskaashi la isku hallayn karo la leh Soomaaliya, marka ay noqoto baadi-goobka Soomaaliya ugu jirto xasillooni iyo dhinaca la-dagaalanka argagixisada.

The President of the Federal Republic of Somalia H.E @HassanSMohamud thanks and appreciates H.E @JoeBiden for authorizing the deployment of American troops to #Somalia. The #US has always been a reliable partner in our quest to stability and fight against terrorism. #Partnership

— Villa Somalia (@TheVillaSomalia) May 17, 2022

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa shalay saxiixay amar boqolaal askari oo Mareykan ah dib ugu celinaya Soomaaliya, si ay uga hortagaan kooxda Al-shabaab ee Soomaaliya.

Saraakiisha militariga Mareykanka ayaa horey u sheegay in la-dagaalankii Al-shabaab ay wiiqday go’aankii madaxweynihii hore Donald Trump uu ciidamada Mareykanka uga soo saaray Soomaaliya.

Ciidamada Mareykanka ayaa laga soo qaadi doonaa qeybo kale oo ka mid ah Afrika si ay tababaro iyo taageero u siiyaan ciidamada Soomaaliya ee dagaalka kula jira Al-shabaab, oo loo arko ururka ugu weyn uguna hodansan ee xiriirka la leh Al-Qacida.

Madaxweyne Trump ayaa bishii Janaayo 2021, maalmo kahor inta aanu ka tegin xafiiska, wuxuu Soomaaliya kasoo saaray 700 oo askar Mareykan ah, taasi oo qeyb ka aheyd siyaasad guud oo uu dalka ugu soo celinayey ciidamada Mareykanka ee dibedda ku maqan.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay dib u soo celinta ciidamada Mareykanka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this