Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Rooble oo hoygiisa ugu tegay madaxweyne Xasan

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa hoygiisa ku booqday Madaxweynaha cusub ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud.

Rooble ayaa hambalyo iyo salaam ugu tegay Madaxweynaha, sida lagu shaaciyey qoraal uu soo saaray xafiiska Ra’iisul Waaaaraha, sidoo kale Rooble ayaa Alle uga

“Ra’iisul Waaaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa booqasho hambalyo iyo salaan ah ugu tagay madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheikh Maxamuud, isagoo u rajeeyay in uu Eebbe ku guuleeyo xilka Qaran ee loo doortay,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble.

Xasan Sheekh oo xalay loo doortay madaxweynaha dalka ayaa maanta sameeyey kulamo culus oo uu la yeeshay madaxda kale dowladda, sida guddoomiyaha golaha shacabka, saraakiisha ciidamada xoogga iyo booliska, Ra’iisul wasaaraha iyo siyaasiyiin kale.

Wasiirrada Gaashaandhigga, Amniga, Waxbarashada iyo wasiir ku xigeenka warfaafinta ayaa Ra’iisul wasaaraha ku wehliyey booqashadaan uu ugu tegay Madaxweynaha cusub ee dalka.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la kulmay halgamaa Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax oo Muqdisho ku sugan, Qalbidhagax ayaa galabta Madaxweynaha ku booqday hoygiisa, isagoo hambalyo ugu tegay.

280759200_353860910176395_26269327391867Xasan-iyo-Rooble.jpg-2.jpg?resize=696%2C Xasan-iyo-Rooble.jpg?resize=696%2C464&ss xasan-sheekh-1.jpg?resize=696%2C464&ssl= wasiirada-rooble.jpg?resize=696%2C464&ss rooble.jpg?resize=696%2C544&ssl=1 0cd1f9e0-7056-431d-82a2-1a72c22acd66.jpg

The post Sawirro: Rooble oo hoygiisa ugu tegay madaxweyne Xasan appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this