Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan oo La Kulmay Taliyeyaasha Ciidanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa kulan la qaatay taliyeyaasha ciidanka xoogga dalka iyo Booliiska Odawaa Yuusuf Raage iyo Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, iyagoo kawada hadlay arrimo dhowr ah.

Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhagaystay labada taliye oo ku aadan amniga dalka iyo qorshaha xaaladda kala guurka ah, kuwaas oo hortabinta u leh amniga, waxaana uu kula dardaarmay in ay xoojiyaan nabadgalyada marxalada kala guurka ah.

Madaxweynaha cusub ee dalka ayaa wado kulamo ku aadan xaalada guud ee lagu jiro , waxaana saacadihii lasoo dhaafay jiray kulamo kala duwan uu la lahaa mas’uuliyiin kala duwan, waxaana la filayaa inuu dhowaan in loo caleemo saaro xilka.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this