Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya oo maanta la dhaarinayo

Recommended Posts

Deeq A.   
3-5.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

Guddida hirgelinta doorashada ee heer federal ee Soomaaliya ayaa shaaciyay in ay fasaxeen laba ka mid ah afar kursi oo ay hore u hakiyeen.

Guddida doorashada oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhabo ayaa sheegay in ay kulamo la qaateen odayaasha dhaqanka ee soo xulay kuraastan iyo guddida doorashada ee Koonfur-Galbeed, isla markaana ay ku qanceen in uu sax ahaa, habraacii lagu doortay labada kursi ee ay fasaxeen oo kala kuraasta tirsigoodu yahay HOP103 iyo HOP204.

 Guddida doorashada ayaa sheegay inay go’aamiyeen in dib loogu laabto doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP154.

Guddida doorashada ee heer federal kama ay hadlin xaaladda kursiga afraad oo ah kursiga muranku ka taagan yahay ee loo doortay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, la taliyaha amniga qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya.

Dhinaca kale, maanta oo khamiis ah ayaa loo ballansan yahay in la dhaariyo xildhibaanada, inkasta oo tiro xildhibaano ahi ay ku maqan yihiin maamul goboleedadii laga soo doortay oo aysan ku sugnayn magaalada Muqdisho

PUNTLAND POST

The post Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya oo maanta la dhaarinayo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this