Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey ee dhaarinta xildhibaanada cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta ka dhacayesa munaasabadda dhaarinta xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, taas oo soo martay is jiid jiid dheer iyo murano soo kala dhexgalay guddiga FEIT iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka.

Munaasabadda ayaa lagu wadaa in goordhow ay ka bilaabato Teendhada Afisyooni, halkaas oo ay isugu tegi doonaan xildhibaanada cusub.

Ammaanka ayaa aad loo adkeeyey, iyada oo la xiray dhammaan waddooyinka gala Dugsiga Tababarka Booliska Soomaaliyeed illaa iyo Afisyooni oo la dhigay ciidamo dheeraad ah.

Illaa iyo hadda waxaa shahaadada qaatay in ka badan 200 oo xildhibaan, kuwaas oo si wadajir ah loogu dhaarinayo baarlamaanka 11-aad ee dalka.

Sidoo kale waxaa xal laga gaaray tabashadii Koonfur Galbeed, kadib markii guddiga FEIT uu fasaxay kuraastii laga hakiyey maamulkaasi, waxaana xildhibaanada kasoo baxay Koonfur Galbeed ay qayb ka noqon doonaan dhaarinta.

Ra’iisul wasaare Rooble iyo FEIT oo garab ka helaya Beesha Caalamka ayaa ku adkeystay qabashada munaasabadda dhaarinta xildhibaanada labada aqal, si looga gudbo xaaladda adag ee kala guurka ah.

Si kastaba, munaasabaddan ayaa muhiim u ah dhammeystirka doorashooyinkanSoomaaliya oo marar badan dib u dhacday, taas oo qaadatay muddo ka badan sanad dheeraad.

The post Wararkii ugu dambeeyey ee dhaarinta xildhibaanada cusub appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this