Sign in to follow this  
Deeq A.

Siyaasi Cali Guray:Nin Dadkiisa & Cadawgiisa iska wada celiyaa ma jiro ee Haloogu dhaarto Muuse Biixi

Recommended Posts

Deeq A.   
NIN DADKIISA IYO CADAWGIISA ISKA WADA CELIYAA MA JIRO EE HA LOOGU DHAARTO MUUSE
guray.jpg
Madaxwayne Muuse waxa iskaga qaldan waxay mucaaridkiisa isku hayaan iyo waxa aanay isku haynin. Marka aynu dhegaysano sameecadihiisa wuxu inaga dhaadhicinayaa in xataa ka soo kabashada Suuqii Waaheen ee gubtay ay ka soo horjeedaan mucaaridku. Ma Faysal Cali Waraabe ayuu Muuse Biixi ka jecel yahay dibu dhiska suuqa waaheen? Taa ciddii ka dhegaysanaysaa ha ka dhegaysto eh anigu waxan qabaa hadii aanay talada Muuse wax si ka ahayn waa suurogal in muxaafid iyo mucaarid arinkan oo kale loo midoobi karo, loona baahan yahay in loo midoobo oo aan la siyaasadaynin
Muuse taa ma jecla ee waxa kala wayn in uu Faysal iska celiyo. Hadii aanay sidaa ahayn Muuse wuxu karayay in uu isugu yeedho hogaamiyayaasha mucaaridkiisa uu ku yidhaa “ walaalayaal dee waa og tihiin masiibada inagu dhacday. Si aynu uga soo kabano waxa loo baahan yahay in aynu u midawno dhamaanteen muxaafid iyo mucaarid. Waxaynu isku haynaa waa siyaasad masiibada inagu dhacdayna way inagu wada dhacday ee yaan la siyaasadayn. Faysal iyo Cirro kii ku diidaaba isaga ayuun baa ku dhib qabi lahaa waxanu lumin taageerada in badan oo shacbiga Hargeysa ah
Hadda hadalkaygan waan ogahay oo Muuse u qaadan maayo nasteex balse waa sida aan anigu u idhi ee maaha sida uu isagu u fahmo. Anigu waxan ka talinayaa uun danta dadkayga iyo dalkayga qof walba ha u qaato sida uu u qaadanayo

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this