Sign in to follow this  
Deeq A.

Axmed Madoobe oo ka horyimid qorshe ay doonayso Beesha Caalamka oo la xiriira doorashada Garbahaarey

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16496232468906093.jpg?resize=720%

Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa ka horyimid qorshe Beesha Caalamka ku doonayso in isaga iyo Madaxweyne Farmaajo loo kala qeybiyo xildhibaanada Garbahaarey ee doorashadooda lagu muransan yahay.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in aysan macquul ahayn doonista qaar kamid ah Beesha Caalamka ku rabto in Madaxweynaha Jubaland iyo Madaxweynaha Federaalka ay kala qeybsadaan xildhibaanada kasoo baxaya Garbahaarey, wuxuuna intaas ku daray hadii kuraasta la kala qeybsanayo in ay dadkii ku matalayay gobolkaas siyaasada Jubaland ay joogaan oo iyagu geed fadhi u noqdaan xal ka gaarista arintaas.

Madaxweyana Jubaland ayaa hadalkan ka jeediyay kulan uu caawa la qaatay xildhibaanada laga soo doortay Jubaland ee deegaan doorashadoodu tahay magaalada Kismaayo.

Dhanka kale Madaxweynaha Jubaland ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay hada tahay meel aan la kala saari karin hay’adaha amniga dowlada iyo Al-shabaab, isla markana ay si weyn iskugu milmeen, loona baahan yahay in xildhibaanadu ay ka taxadaraan amnigooda.

Wuxuuna xildhibaanada Federaalka ee kasoo baxay Jubaland kula dardaarmay in ay saaran tahay mas’uuliyad guud oo ah in dalka la samata bixiyo, iyagoo kaashanaya xildhibaanada kale ee kasoo baxay qeybaha kale ee dalka.

PUNTLAND POST

The post Axmed Madoobe oo ka horyimid qorshe ay doonayso Beesha Caalamka oo la xiriira doorashada Garbahaarey appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this