Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasaaradda Hawlaha Guud Oo Sheegay Inay Samaynayso Qorshaha Iyo Nashqadaynta Suuqa Waaheen

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda Hawlaha Guud ayaa sheegay in ay samaynayso qorshaha iyo nashqadaynta Suuqa Waaheen ee Magaalada Hargeysa, kaas oo dhawaan ku shub beelay dab ka kacday suuqaasi.

Kulan ka dhacay Xarunta Wasaaradda Hawlaha Guud oo uu guddoominayeu Wasiirka Wasaaraddaas Cabdillaahi Abokor, ayaa la sheegay in la iskula qaatay Wasaaradda Hawlaha Guud. Dhulka Iyo Guryeyntu dadajiso dhameytirka habraac badqabka dhismaha iyo sidii Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Qorshe iyo Naqshad ugu sameyn lahayd dhamaan Suuqyadda Dalka, si looga gaashaanto inay markale soo nqooto masiibadii haleeshay Suuqii Waaheen.

 Qorshahan iyo Naqshadda ay Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta u sameyn doonto Dhamaan Suuqyada Dalka ay ugu horeysiin doonto Suuqa Waaheen iyo Gobanimo ee Magaaladda Hargeysa, kadibna ku xigsiin doonto Suuqyada Magaalooyinka Wajaale, Boorama, Burco, Laascaanood, Gabilay iyo Ceerigaabo.

Sidaas waxa lagu sheegay war ka soo baxay Wasaaradda Hawlaha Guud Iyo Guryeynta Somaliland

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this