Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu CC Shakuur ka yiri eryida Wakiilka Midowga Afrika?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo dhowaan loo doortay Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ka hadlay talaabada uu qaaday ra’iisul wasaaraha oo dalka ka eryey Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa soo dhoweeyey go’aanka ra’iisul wasaaraha, wuxuuna sheegay in horey aysan u dhicin in safiir Midowga Afrika uu dalka joogo 3 sano ka badan.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ka mucaarad ah ay horey ashtako uga keeneen hab-dhaqanka Fransisco Madeira, balse uu difaacay Farmaajo, sida uu hadalka u dhigay.

“Horay uma dhicin safiir Midowga Afrika ka socda oo 3 sano ka badan dalka joogay. Dhowr jeer oo hore oo ay mucaaradku ka gudbiyeen ashtako la xariirta habdhaqankiisa xeerka diblomaaasiyada khilaafsan iyo xiriirka mugdiga leh ee kala dhexeeya madaxweynaha xilkiisa dhamaaday, Farmaajo ayaa daafacay,” ayuu yiri siyaasiga Cabdiraxmaan.

Wuxuu sidoo kale intaasi kusii daray “Waxaan kaloo xog ku haynaa in labo jeer oo la bedeli lahaa uu Farmaajo codsaday in xilka loo cusboonaysiiyo,”.

Dhinaca kale wuxuu hoosta ka xariiqay in afkiisa uu isku eryey, isla-markaana uu ku dhaqaaqan falalka ka baxsan diblomaasiyadda.

“Madeira si curfiga diblomaasiyadda ka baxsan oo aan sariig lahayn ayuu isku soo qaawiyey. Cidna ma eryin ee isaga ayaa afkiisa isku eryey,” ayuu markale yiri.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo uu Farmaajo si weyn u difaacay Fransisco Madeira, isaga oo sidoo kalena ka horyimid tallaabada uu qaaday ra’iisul wasaare Rooble.

The post Muxuu CC Shakuur ka yiri eryida Wakiilka Midowga Afrika? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this