Sign in to follow this  
Deeq A.

Sidee looga falceliyey eryida Wakiilka Midowga Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Falcelin xoogan iyo hadal heyn ayaa ka dhalatay tallaabadii uu qaaday ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo dalka ka ceyriuey wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Fransisco Madeira ayaa waxaa lagu eedeeyey inuu ka kacay hadallo gef ku ah Rooble, madaxweynayaashii hore ee dalka iyo qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada dalka sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka hadlay arrintan ayaa sheegay in Madeira uu laaluush ka qaadanayey Villa Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

Mahad Salaad ayaa sidoo kale shaaciyey inuu siyaasadeeyey howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, kaas oo hadda lagu beddalay ATMIS.

“Madeira kuma ekayn laaluushka uu ka qaadanayay Villa Somalia ee wuxuu ka shaqeynayay marin habaabinta beesha caalamka iyo sidii dalkaan u qarbudi lahaa, sida aad ka dheehan kartaan codka laga soo duubay ee ugu gafayo RW Rooble, Madaxweyneyaashii hore, Madaxweyneyaasha maamulada qaarkood, siyaasadeynta doorka nabad ilaalin ee Amisom iyo ku qalqaalinta ciidamada Amisom in ay Farmaajo la saftaan si xukunka xoog loogu sii haayo!,” ayuu yiri.

Dhankiisa Axmed Macalin Fiqi ayaa ka falceliyey eryida wakiilka Midowga Afrika, wuxuuna ku tilmaamay inuu yahay calooshiis u shaqayste.

“Fransisco Madeira wuxuu ahaa calooshiis u shaqayste CBB da Farmaajo ka mid ah, waxaana laga laaluushi jirey canshuurta dadka Muqdisho laga qaado,” ayuu yiri siyaasi Fiqi.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray inuu ka gudbay xeyndaabkii iyo anshixii uu yaallay diblomaasiyadda

“Wuxuu ka soo gudbay xeyndaabkii iyo anshaxii diplomaasiyadda, wuxuuna u caytamayaa sida CBB-da Farmaajo oo kale, talaabada lagu eryay waxay ahayd mid sax ah, Farmaajaha waqtigu ka dhamaaday ee waraaqaha fadhi ku dirirka ay uga soo hartayna waxba laga weydiin maayo eryidda calooshiis u shaqayste Madiera” ayuu raaciyey.

Sidoo kale wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Cabdi Faarax Saciid (Juxa) oo qoraal kooban soo saaray ayaa isna yiri “Mudane Danjire Medeira, waxaa na haysta dhibaatooyin dhexdeenna ah. Fadlan naga tag oo ku bax wakhtiga laguu cayimay gudaheed,”.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo uu Farmaajo si weyn u difaacay Fransisco Madeira, isaga oo sidoo kalena ka horyimid tallaabada uu qaaday ra’iisul wasaare Rooble.

The post Sidee looga falceliyey eryida Wakiilka Midowga Afrika appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this