Sign in to follow this  
Deeq A.

Kooramka labada aqal ee baarlamanka oo la gaaray

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii uu bilaabay guddiga hirgelinta doorashooyinka ee heer federaal (FEIT) shahaado siinta Xildhibaanada cusub ee la doortay ayaa waxa uu maanta gaaray kooramkii labada aqal.

Xildhibaanada qaatay shahaadada uu bixinayo guddiga FEIT ayaa gaaraya illaa 177 Xildhibaan oo ka kooban 139 Xildhibaan oo Golaha Shacabka iyo 38 Senator oo Aqalka Sare ah.

Guddiga FEIT ayaa maalintii shanaad magaalada Muqdisho ka wada diiwaan-gelinta iyo shahaado siinta xildhibaanada cusub ee labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Waxa uu weli ku adkeysanaya guddiga fulinta jadwalkii dhaarinta Xildhibaanada, isaga oo farriin culus u diray xildhibaanada dhimman oo uu ka dalbaday inay soo gaaraan xarunta FEIT, si looga faa’iideysto muddada kooban ee ka hartay shahaado bixinta.

Xildhibaanada qaatay shahaadada ayaa aad usii kordhaya, tan iyo markii uu guddigu bilaabay inay diiwaan-geliyaan xildhibaanada soo baxay, walow Koonfur Galbeed iyo Galmudug ay ka caga jiidayaan shaqada socota.

Si kastaba, Arrintan ayaa dhalisay khilaaf xoog leh oo haatan ka taagan dhammeystirka doorashada Soomaaliya oo qaadatay muddo ka badan hal sano iyo dheeraad ah, kadib dib u dhacyo ku yimid.

 

The post Kooramka labada aqal ee baarlamanka oo la gaaray appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this