Sign in to follow this  
Deeq A.

Yabooha siyaasadaysan ee Rooble iyo Dabka Qabsaday Suuqa Waaheen

Recommended Posts

Deeq A.   
PhotoCollage_20220404_125639120.jpg?resiRa’iisal Wasaare Rooble yabooh siyaasadaysan oo dadka u baahan laga dhuunqabanayay ayuu goor dambe fasaxay.

Mabda’ ahaan in deeq dowladeed la siiyo dadka ku wax-beelay suuqa Waaheen waa yabooh wanaagsan. Dowladda federaalka ayaa sheegtay inay sii daynayso yabooha harumarineed oo markii hore ka xayirnaa Somaliland. Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble wuxuu sheegay in lacag dhan 11 milyan oo doollar la siin doono maamulka Somaliland si wax looga qabto dhibaatadii dabka suuqa Waaheen geystay.

FB_IMG_16490659685747963.jpg?resize=720%Dabka suuqa Waaheen qabsasaday Jimcihii wuxuu hanti-tiray dad aad u badan.

Lacagta horumarineed waa mid loogu talagalay dadka waqooyiga ku nool oo dhan — Hargeysa, Burco, Boorame, Laascaanood, Ceerigaabo, iyo tuulooyin badan. Lacagta dadku u baahan yihiin xilli ay abaar ba’ani hayso in loo isticmaalo ujeeddo siyaasadeed waa go’aan dadka kala fogeynaya . Dowladda federaalku baaq ayay u diri kartay beesha caalamka si yabooh loo siiyo dadka ku hanti-beelay dabka Waaheen. Ma ahayn in yabooh dad badan ka dhexeeya oo markii horena laga dhuunqabanayay loogu cawad-celiyo dadka hantidoodii ku waayay dabka Waaheen.

Weli maamulka Somaliland kama hadlin lacagta uu Rooble fasaxay. Maxay goor hore dowladda federaalku u sii dayn wayday lacagta si reer miyiga abaaraha ku tabaaloobay loo taakuleeyo? Waxa dowladda federaalku ku yaboohday waa yabooh quureed.

Asad M. Obsiiye

The post Yabooha siyaasadaysan ee Rooble iyo Dabka Qabsaday Suuqa Waaheen appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this