Sign in to follow this  
Good-Credit

Gabay jacbur Dhoodaan

Recommended Posts

Siddii baasta ciir lagu daray

oo faanta lagu qooyey,

ama badar galey oo

hadhuudh lagu madoobshey,

ama habar yar oo 15 jir

oo naasku dhagaxoobay,

oo daasad wadato oo

harago dhan isula tuureysa,

quruxdeeda waa nal iyo

booc tubaako eeh

soo haddaa maad garan.

 

Geesiyadna way tahay ileyn

sharafta waa saase, ma cabsootaoo

hooyadeedna way la dirirtaa, cay

iyo dagaalna gabdhaha way kaga

badisaa, ninkii la hadlaa way

taqaan in ay dacwaysaa.

 

Sida kaneecada oga baqaan

derisyadooda, reeraha ashuunkooda

way jabin taqaan, qofkii maaga

iyo timaha jiidaa, gabadhaa intaa

jeclaaday baan meeday leeyahay,

ninkii jeclaadaan rabaa in aan

bureeya, amaanteeda mana sheegi

karo caawo oo qura

 

Waa sida macaan iyo qaraar la

isku daray, ama caano, khaat iyo

basbaas ay isku kariyeen,

deganaanta laafyaha marka ay

jagac ka siiso, buskuleeti ninaan

wadan gaari waayey.

 

Gabaygeygu badda macaaneyn

karaan, jeebkey ka buuxaan sidii

googo lacageed, dadka kale uma

sheega waan ka qariyaa, adigaa

saaxiibkey oo kuu waramayaa

bal i dhagayso, sidii laasqoray oo

soo burqanaya oo geeraarka guuxiisa

yuu dhagaxa kaa jeexine.

 

Sidii habar surwaal qaadatey oo

laad ku kicineysa gabay fiican oo

fiican baan anigu sheegayaaye,

reer magaal iyo reer baadiya isla

jooga kolkuu shaararka kaa furto

oo lacagna kaqaato maxaad dhaqatay

buu ku yiraahdaa waayo dabadood.

 

Haddey dumarku lacag leeyihiin

maba gaboobaane, kol hadey qubeys

iyo boodhar isku cadeyso, lixdankii

sideed baanjiray kugu tiraahdaa.

Jaceylka anigaa kala bartay oo

wuu i daasadeeyey gabdhahay

ka dibna ku boodayaan.

 

Habar kol iyo boqol haysato

baa la ogolaadaa sheekooyinkeedana

waa laga dhageystaa, haddey tiraah shan

baan diiday waa laga dhagaystaa,

haddey tiraah cirkaan soo taabtay

waa laga dhageystaa,

haddey tiraah dhulkaan quusay

waa laga dhageystaa,

haddey tiraahdo baddaan jiiray

waa laga dhageystaa,

haddey tiraahdo anigaa kaa

yar waa laga dhageystaa.

 

Gaarinimo markey sheegato

oo muranka dayn waydo, waxaa

lagu yiraahdaa buulo shaah inoo

kari— qaxwahay sameyso hadduu

muufo noqo waayo kolkaa in ay

been sheegeyso baa lagu ogaadaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this