Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Arrimaha dibadda Faransiiska oo booqasho ku maraya dalal Qatar, Cuman iyo Kuwait

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka arrimaha dibadda ee Faransiiska ayaa bilaabay booqashooyin rasmi ah oo uu ku marayo dalalka Qatar,Cuman iyo Kuwait isagoo kala hadli doona saadka tamarta ee ka dhalatay dagaalka u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine.

Wasiirka ayaa lugtii hore ee socdaalkiisa, wuxuu la kulmay Amiirka Qatar Tamim bin Hamad Al Thani, waxayna ka wadahadleen dadaalka socda ee lagu joojinayo duullaanka Ruushka ee Ukraine.

Sidoo kale wasiirka ayaa la kulmi doona dhiggiisa dalalka Cumaan iyo Kuwait, iyadoo inta uu socdo wada-hadallada diiradda lagu saari doono sidii loo heli lahaa gaaska iyo saliidda Yurub marka la eego xaaladda dagaalka Ukraine. Waxa uu sidoo kale ka wada hadli doonaa xasaradaha gobolka ee Yemen iyo Lubnaan oo ay weheliyaan arrimo kale oo laba geesood ah.

Todobaadki hore wafdi Jarmal ah oo uu hogaaminayay wasiirka dhaqaalaha ahna ku xigeenka madaxa dhaqaalaha Robert Habeck ayaa booqasho ku tagay dalka Qatar si ay uga wadahadlaan sidii gaaska loo gaarsiin lahaa qaarada Yurub, Ra’iisul wasaaraha Britain Boris Johnson ayaa safar ku tagay Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta si uu ugala hadlo sare u qaadida wax soo saarka shidaalka.

PUNTLAND POST

The post Wasiirka Arrimaha dibadda Faransiiska oo booqasho ku maraya dalal Qatar, Cuman iyo Kuwait appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this