Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Ukraine oo dib u qabsaday magaalada Irpin

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Irpin ee waqooyiga Ukraine ayaa laga saaray ciidamadii Ruushka ee dhowaan qabsaday sida uu sheegay duqa magaalada.

Duqa magaalada Irpin Alexander Markushin oo fariin muuqaal ah soo diray, ayaa sheegay in magaalada oo ku taal meel u dhow caasimadda Ukraine ee Kyiv, ay gabi ahaanba ka xoreeyeen ciidamada Ruushka.

Markushin ayaa xusay in weli dadka loo diiday inay dib ugu soo laabtaan magaalada, sababo la xiriira hanjabaadaha socda, isagoo xusay in ciidamada Ruushka laga yaabo inay mustaqbalka soo weeraraan magaalada, sidaas darteedna ay xoojin doonaan difaaca magaalada.

Dhanka kale, duqa magaalada Mariupol Vadym Boychenko ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in ku dhawaad ​​5,000 oo qof lagu dilay koonfurta bari ee Ukraine, kuwaas  oo ay ku jiraan ilaa 210 caruur ah ilaa 27-kii March.

PUNTLAND POST

The post Ciidamada Ukraine oo dib u qabsaday magaalada Irpin appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this