Sign in to follow this  
Deeq A.

Khilaaf Culus Oo Ka Dhex-qarxay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Iyo Agaasimaha Guud Oo Curyaamiyey Hawlihii Shaqo Ee Wasaaradda

Recommended Posts

Deeq A.   

Khilaaf aad u culus oo car iyo wir ah, ayaa soo kala dhex-galay masuuliyiinta Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland,kaas oo sababtay wada-shaqeyn la’aan ka dhex- taaggan Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka JSL Mudane: Cumar Cali Cabdilaahi iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaas Mudane Axmed Yaasiin Muxumed Xasan.

Siday Wargeyska Waaberi ay u xaqiijiyeen ilo-wareedyo xog-oggaal ah, khilaafkan oo soo jiitamaayey muddooyinkii u dambeeyey ayaa ka dhashay arrimo khuseeya dhinaca awoodda maamulka oo ay isku maan-dhaafsan yihiin labada mas’uul, waxaana la sheegay inay aad iskugu af-garan la’ yihiin awoodahooda shaqo iyo nidaam shaqeedka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka JSL,iyadoo la sheegay inuu wasiirku uu u awood sheegtay agaasimaha,isla markaana uu shaqooyinkiisii ka maroorsaday.

Waxa kale oo ay xogguhu sheegeen in Wasiirka Wasaaradda Qorshayntu inuu gebi ahaan-ba uu saxeexii ka joojiyo Agaasimihii Guud ee wasaaradda Qorshaynta Qaranka,waxaanay tallaabadan uu qaaday wasiirku ay sii shiday khilaafkaas u dhaxeeya isaga iyo Agaasimaha guud,taas oo sii cakirtay xaaladda shaqo ee Wasaaradda qorshaynta.

Geesta kalene Wararku, waxay tilmaameen in Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka JSL Mudane Axmed Yaasiin Muxumed Xasan in aanu maalmihii u dambeeyey ka soo xaadirin xafiiskiisa,kaas oo la sheegay inuu ka noqday Wasaaradda debad wareeg.

Arrintan,ayaa muddooyinkii dambe saameyn xooggan ku yeelatay hawlihii shaqo ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland,taas oo kamid ah wasaaraddaha ugu mihiimsan Qaranka,balse muddooyinkii ugu dambeeyey uu curyaamiyey khilaafkaas u dhaxeeya labadaa masuul.

Illaa hadda lama sheegin in wax farriin ah oo khusaysa khilaafkan labada mas’uul la gaadhsiiyey Madaxweynaha balse waxa la filayaa in Madaxweynuhu uu si dhakhso ah u soo dhex-galo arrintan sababtay in mas’uuliyiintani ay murran kaga mashquulaan hawlahii shaqo ee loo diray.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this