Sign in to follow this  
Deeq A.

Dacwad ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo iyo Fahad Yaasiin oo loo gudbiyay maxkamadda ICC

Recommended Posts

Deeq A.   
Nasri.jpg?resize=660%2C361&ssl=1

Col. Cabdullaahi Maxamed Nuur (Nasri), oo kamid ahaan jiray Saraakiisha Jubaland ayaa sheegay in uu Maxkamadda danbiyada caalamiga ah ee ICC u gudbiyay dacwad ka dhana madaxweyne Farmaajo iyo Fahad Yaasiin.

Cabdullaahi Nasri, oo ku xirnaan jiray xabsiga godka Jilacow ee Muqdisho, ayaa sheegay in maxkamadda ICC ay ka aqbashay dacwadda uu ka gudbiyay madaxweyne Farmaajo, Fahad Yaasiin iyo shaksiyaad kale oo ka tirsanaa hay’adda NISA.

Sarkaalkan ayaa tilmaamay in hay’adda Sirdoonka dowladda Federaalka Soomaaliya ee NISA ay tacaddiyo iyo jirdil ugu gaysatay gudaha xabsiga godka Jilacow, halkaas oo uu mudda ku xirnaa.

Col. Cabdullaahi Nasri, ayaa xusay in uu sidoo kale kiiskiisa u gudbiyay safaaradaha dalalka Reer Galbeedka ee ku sugan Soomaaliya, si loogu garab siiyo in uu caddaalad helo.

PUNTLAND POST

The post Dacwad ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo iyo Fahad Yaasiin oo loo gudbiyay maxkamadda ICC appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this