Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Ka Tirsan Xukuumadda Mdaxweyne Biixi Oo Maanta Ku Dhawaaqaya Urur Siyaasadeed Cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed (Ataash), ayaa maalinta khamiista ah ku dhawaaqaya Urur-siyaasaddeed cusub oo lagu magacaabo Waaberi.

Wasiir Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed oo maalmihii u dambeeyey kulamo is daba joog ah la yeelanayey Aqoonyahannada, siyaasiyiinta, Waxgarad iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ah,  oo uu kala tashanayey damaciisa Urur-siyaasaddeed, ayaa waxa uu ka dib kulamadan si rasmi ah u shaacin doonaa Urur-siyaasaddeedkan Waaberi, maalinta khamiista ee 31-bishan March.

U diyaargarowga xafladda shaacinta Urur-siyaasaddeedka Waaberi, ayaa si weyn looga dareemayaa Magaalada Hargeysa, iyada oo ku dhawaaqista Ururkan ay ka qayb geli doonaan dadweyne kala duwan oo ka kala iminaya gobollada dalka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this