Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland Oo Ka Qayb Gelaysa Shir Caalami Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Burco)-Jamhuuriyadda Somaliland ayaa markii u horaysay taariikhda waxay ka qayb gelaysaa shir heer caalami ah oo ku saabsan isbedelka cimiladda oo dhawaan lagu qaban doono dalka Sweden.

Sidaasina waxaa shaaciyay agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda ee Somaliland C/kariin Aadan Cadde, oo ka warbixinayay shirkaasi iyo kulan isla shirkaasi la xidhiidha oo ay la yeesheen haayadda UNDP.

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Somalikand iyo haayadda UNDP ayaa yeeshay shirarka wadaxaajoodka ee loogu gogol xaadhayo shirka Stockholm 50+ oo bisha June ka dhici doona dalka Sweden.

Somaliland ayaa ka mida 10 Waddan ee shirrarka wadatashiga ahi ay ka dhacayaan, kaasoo badhtamaha sanadkan ka qabsoomi doona magaaladda Stockholm ee dalka Sweden.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this