Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamaanka Uganda Oo Haweenay U Doortay Guddoomiye Cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Baarlamaanka Waddanka Uganda ayaa jimcihii shalay doortay guuddomiye cusub kaddib geeridii guddoonkii hore.

Anita Among, ayaa loo doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka waddanka Uganda waxaana ay beddeshay Jocob Oulanyah Sabtigii hore geeriyooday.

Ms Anita ayaa heshay 401 cod oo ka mid ah 519ka Xildhibaan ee uu oa koobanyahay Baarlamaanka waddanka Uganda.

Among,waxaa ay ka soo jeeddaa Xisbiga NRM ee Museveni,waxaana ay ka adkaatay Asuman Basalirwa.

Asuman waxaa uu ka soo jeedaa Xisbiga Mucaaradka ah,waxaana uu helay 66 cod oo kali ah.

Xisbiga NRM waxaa uu Baarlamaanka ku leeyahay 330 Xildhibaan waana xisbiga Aqlabiyadda.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this