Che -Guevara

Spoilers-Garbahaarey (S)election

Recommended Posts

Arafaat   

The real issue is that Jubbalands seriously needs to address issues of their legitimacy, as they even can’t hold elections in the second regional city as stipulated in the election rules. Maybe after this polarised elections are finished, would be a good moment to start, and the federal government needs to provide serious support to that process, putting aside their elections disagreement. 

 

1 hour ago, Che -Guevara said:

 

Who certified these elections? The regional election body, the SEIT? 

Share this post


Link to post
Share on other sites
On 4/23/2022 at 11:11 PM, Arafaat said:

They broke into two groups, some supposedly respecting all the agreements and others including the chairman doing Rooble's bidding. The whole process has turned into a joke.

The Ceelwaaq 'MPs' were sworn in today at a hotel in the presence of one of the temporary speakers, Dhabancad. HSM and Deni endorsed the Ceelwaaq. Dhabancad alleged there was an attempt on his life today.

The Garbahareey 'MPs' were sworn in by members of the committee ties to Villa Somalia. That event took place yesterday.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Already calaacal:

cffc46f4-fc65-4c3e-ae24-25b1d3860b89-1.j

Guddoomiyaha guddiga doorashada guddoonka golaha shacabka oo sheegay in ciidamada Booliiska iyo kuwa NISA ay xirteen xarunta villa Hargeysa

Guddoomiyaha guddiga doorashada guddoonka golaha shacabka, xildhibaan Cabdirisaaq Maxamed Cumar ayaa sheegay in taliyaha Booliska iyo Taliyaha Nabad Suggida ay ku khasbeen shaqaalaha Baarlamaanka inay ka guuraan Xarunta Villa Hargeysa, oo ah Xarunta Baarlamaanka.Xigasho

Guddooomiyaha guddiga doorashada ayaa sheegay ujeedada laga leeyahay arrintan inay tahay in dib loo dhigo ama la joojiyo doorashada guddoomiyaha iyo ku xigeennada golaha shacabka, lana cabsi geliyo shaqaalaha si ay ugu dhaga nuglaadaan rabitaannada villa Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, guddiga u xilsaaran howlaha doorashada ayaa soo gabagabeeyay howlahooda ku aaddan doorashada berri, waxayna sheegeen in geedi socodka dimoqraadiyada Soomaaliya uu sii soconayo oo aysan jiridoonin dib udhigid iyo dib u dhac dambe.

Xalay ayay ahayd markii guddoomiyaha KMG ah ee golaha shacabka uu sheegay in nafsadooda ay qatar ku jirto, isagoo sheegay in lagasoo horjeedo dhaarinta xildhibaannada lagusoo doortay magaalada Ceelwaaq.

Doorashada guddoonka barlamaanka ayaa ku beegan maalinta berrito ah, iyadoo khudbadihii musharraxnimo ay jeediyeen musharraxiinta u taagan guddoonka golaha.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Samafal   
On 4/26/2022 at 3:12 PM, Miskiin-Macruuf-Aqiyaar said:

Which one, kuwa Ceelka ama kuwa Garbada? 

😂😂😂 Saaka he did not get the CBB memo: "Fraudsters are us. We got the cards from Abdalla Shideeye market".

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sheekh Aaden Madoobe seems like inuu dhex dhexaad wali:

Sheekh Aadan Madoobe oo go’aan ka gaaray arrinta xildhibaannada Gedo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa goor dhaweyd furay kal-fadhiga kowaad, kulankiisa siddedaad ee Baarlamaanka Federaalka, waxaana kasoo qeyb galay 157 xildhibaan, kuwaas oo ansixiyay ajandaha maanta oo ah xulista guddiga doorashada madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya.

Waxa uu sheegay inay shaqada ugu weyn ee hortaalla Baarlamaanka inay tahay doorashada madaxweynaha, isla markaana uu doonayo inay si deg deg ah ay u qabsoonto.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa xildhibaannada ka codsaday inay 10 xubnood ay iska dhex doortaan 'si waafaqsan nidaam dheelli tiran.’ Wuxuu sidoo sheegay in lix xubnood oo ku saleysan metelaadda maamul goboleeyada ay sidoo kale uga imaan doonaan dhinaca Aqalka Sare oo isna goor dhaweyd uu u bilowday kulan ay ku dooranayaan guddiga doorashada madaxweynaha.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa intaas ku daray in maadaama ay tirada guud ee guddigan ay noqon doonto 17 xubnood uu guddoonka Baarlamaanku magacaabi doono xubinta dheeriga ah.

Dhinaca kale guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay inay golaha soo xaadireen xildhibanno uu ku sheegay in uu ka jiro isqab-qabsi, wuxuuna ku wargeliyay ‘inuu go’aan ka gaari doono’ wixii maanta ka dambeeya.

Wuxuu Caddeeyay inay Golaha fariisan doonaan oo kaliya xildhibaannada aanu khilaafka ku jirin, kooramkana aan lagu dari doonin xildhibananada la isku khilaafsan yahay, inta go’aanka kaam dambeysta ah laga gaarayo arrintooda.

Kulanka maanta ayuu Guddoomiye Aadan Madoobe shaaciyey inaan Golaha laga saareynin xildhibaannada wada fadhiya ee is khilaafsan, kana yimid Gobolka Gedo.

Xubnaha golaha ayaa hadda ku maqan xulista xildhibaannada ka mid noqon doona guddiga doorashada Madaxweynaha.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.