Sign in to follow this  
AYOUB

Poems by Hadraawi

Recommended Posts

AYOUB   

DABA HUWAN

Maxammed Ibraahim Warsame "Hadraawi"

 

 

1. Markay dani meeday tidhi

2. Maxaan talo meel ka deyey

3. Markay dani maaha tidhi

4. Weydiiyey qof meel ka deyey

5. Markay dani maaha tidhi

6. Ku laabtay halkaan ka deyey

7. Markay dani maaha tidhi

8. Ka sii deyey meel la deyey

 

9. Maxay doqoniino tidhi

10. Ruuxaan jirin raad ku doon

11. Intaan isku duubay been

12. Ka buuxsaday labada dacal

13 Maxay runi daadi tidhi

 

14. Maxaaan arrin dawlis dhow

15. Ma diiddo la soo qorqoray

16. Ku daabacan baal madow

17. Ku daawaday meel madow

18. Wax aan duluc sii ridnayn

19. Indhuhu ku daraandareen

 

20. Maxaan dogob beer is idhi

21. Daruuro u soo sasabay

22. Daryeelka ku maal is idhi

23. Biyuhu uga sii dareen

 

24. Wax aan degdeg jeer ku liqay

25. Maxay shishe ii damqeen

26. Kashayda dalooshadeen

27. Muxuu hadba shay dellegan

28. Dareensigu soo tuf yidhi

 

29. Ummuuraha duur xulka ah

30. Duunkayga maxaan qodqoday

31. Weydiiyey su'aal da'weyn

32. Dibnuhu iga aamuseen

 

33. Dal xiiska maxaan bilqaday

34. Maxaan farax deedankii

35. Maxaan sida daad jirfaday

36. Maxaan hadba daaf qulqulay

37. Maxaan hadba deex sunsumay

38. Maxaan deli jeer ka dhacay

39. Maxay jarar soo dedelan

40. Doolaaladu fuul i tidhi

41. Dushooda markaan u baxay

42. Ha soo degin laygu yidhi

 

43. Maxaan dihin weel la galay

44. Ku dayga maxaan ummuur

45. Daboolka ka qaad is idhi

46. Cabsidu iska daa i tidhi

47. Indhuhu dib u soo noqdeen

 

48. Maxaan dhilay doog lingaxan

49. Hal daahan maxaan furfuray

50. Inaan dib u sii xidhxidho

51. Garaadku ku daalay yidhi

 

52. Maxaan dardaraa habeen

53. Anoo daba jooga raad

54. Dedaalku i soo xidhxidhay

55. Dakaanka anoo jiljilan

56. Muxuu dayax soo mirkacay

57. Degaan kale ii furfuray

58. Dayaan igu soo gilgilay

 

59. Maxaan qoday doox sal weyn

60. Maxaan helay deeq mug weyn

61. Wax uu dad jeclaan lahaa

62. U waayey wax soo daldala

 

63. Wakhtigu boqol doocsanaa

64. Dersuu kugu beerayaa

65. Durduur kugu siinayaa

66. Dardaaran adoo qabuu

67. Dagaal kugu beerayaa

68. Dil buu kugu oogayaa

 

69. Markaad deldelaad gashuu

70. Haddana kugu diidayaa

71. Dorraato wuxuu ka yidhi

72. Intuu ku diruu haddana

73. Dabbaal kugu sheegayaa

 

74. Rugaha dunidaa bulsho ah

75. Indhaha deyayaa xujo ah

76. Docaa laga eegayaaa

77. Deymaa lagu eegayaa

78 Danaa laga eegayaa

79. U daana cid baa taqaan

80. Ka daana cid baa taqaan

81. Ta doora Rabbaa yaqaan

82. Ka dooro adaa yaqaan

83. Dildilo rogan baad tihiin

84. Sidaa isu doorisaan

85. Ayaad isu doorataan

 

86 Markay dahatay dhul tahay

87 Markay dihatay dhir tahay

88 Markay duhur tiigsi tahay

89. Ayay dalandool caddahay

90. Duf bay ku sarbeeban tahay

91. Dabay ku aleelan tahay

92. Lafiba diirkeed qodnayd

93. Dal iyo magac bay lahayd

94. Dad iyo mudan bay lahayd

95. Duunyiyo mahad bay lahayd

96. Diin iyo dhaqan bay lahayd

97. Duug iyo dhaxal bay lahayd

98. Dan iyo tacab lahayd

99. Dedaal xejiyey lahayd

100. Xadhkiyo dabar bay lahayd

101. Aqoon durugtay lahayd

102. Xil daacada bay lahayd

103. Duleed jiratay lahayd

104 Duggaal hanatay lahayd

105 Daw iyo marin bay lahayd

106. Dareer taxan bay lahayd

107. Dardaaran cad bay lahayd

108. Dabool adag bay lahayd

109. Digtooni horey lahayd

110. Dabaylo hadday ruxaan

111. Durbaan weriyey lahayd

112. Awaal deyis bay lahayd

 

113. Dawiyo kabashay lahayd

114. xidhiidh degsan bay lahayd

115. dagaal sharafay lahayd

116. duciyo nabad bay lahayd

117. dareen xidid bay lahayd

118. xormiyo deris bay lahayd

119. dul iyo magan bay lahayd

120. caqiibo danbay lahayd

121. han iyo dugsashay lahayd

122.deeq iyo hirashay lahayd

123.duddiyo gacal bay lahayd

 

124. Xishood dedan bay lahayd

125.dux iyo soddoh bay lahayd

126. dumaashi dhan bay lahayd

127. dad kala guran bay lahayd

128. rag iyo dumar bay lahayd

129. nin door taliyey lahayd

130. marwiyo degel bay lahayd

131. duq iyo garashay lahayd

132. haween darbban bay lahayd

133. barbaar diran bay lahayd

134. habliyo dardaray lahayd

135. halyey diriray lahayd

136. darmaan boqran bay lahayd

137. duud iyo oday bay lahayd

138. da' weyn iyo da' dhexay lahayd

139. da'aad yaryar bay lahayd

140. is daadihin bay lahayd

141. deryaale cad bay lahayd

142. dalaandaliyey lahayd

143. horweyn dalmaray lahayd

144. irmaan dararey lahayd

145. hal iyo dalawey lahayd

146. wan dool culus bay lahayd

147. sal iyo daab bay lahayd

148. dallaayad saray lahayd

149. shishiiyo duluc bay lahayd

150. wixii dumey bay lahayd

 

151. Iskuuladu waa dayeyn

152. dammiinnimaday dhigaan

153. dartay uma soo lug go'in

154. duruustu falkay tiqiin

155. daktoor cadoway sideen

156. digrii nacabay sideen

157. xaq bay garba duubayeen

158. diintay gibil saarayeen

159. waxay dedayeen amuur

160. dhibteedu dib iigu tiil

161. waxay docfaruurayeen

162. dedaal abid soo taxnaa

 

163. Xafiisyadu waa dullayn

164. dulmay ka horseed yihiin

165. dikteetarraday dhalaan

166. direyska wedkay tolaan

167. dardaaran shishay qabeen

168. dalkay shil u loogayeen

169. dadkay u shidhaynayeen

170. dardaar werin meel u tiil

171. nin bay u danaynayeen

172. dugaagnimaday dhalaan

173. indhaha dannigay dhalaan

174. intii daran bay dhalaan

175. xadhkaha doqonkay tidcaan

176. naftay damac raaciyaan

177. wax bay daba qaadayaan

178. qofkii biyo diid yaqaan

179. darleefyey ninkay baraan

180. sagaashan dabeecadood

181. hadday kol ku soo degaan

182. diihaal iyo saar gumeed

183. ma aamino deeq ka weyn

184. inay laba duul dhintaan

 

185. Dukaamadu waa nuxuus

186. sun iyo dacar bay hayaan

187. daraandariyey hayaan

188. dareen xagatay hayaan

189. dalaaqda Tusmay hayaan

190. waxay demesh soo rogeen

191. waxay diric raarayaan

192. durraaxad u heesayaan

193. waxaa lagu doonayaa

194. wax aanan u daafad hayn

195. waxaan diro lay carree

196. wax soo degay lay cusbee

197. ka dooro intaan lahaa

198. ka sii dar intaan lahaa

199. ku sii dil ayuu lahaa

200. ninkii digashada badnaa

 

201. Daaruhu tayo waa ka gaal

202. dulmay taran leeyihiin

203. bar duunyo ah waa ka caydh

204. waxay ku dul nool yihiin

205. nin daaqsada xoolo nool

206. dubbaha fakhrigay tumaan

207. waxay derbi jiifiyeen

208. barbaarkiyo doobka nool

209. carwada dibjirkay dhalaan

210. hadday kugu soo durkaan

211. ducaa laga hoos galaa

 

212. Maxay damal weyn shiteen

213. maxay qudhac deebiyeen

214. waxay dab sudheen dhirtii

215. dhulkay midab dooriyeen

216. bal eeg degelkii hufnaa

217. bac iyo waxa daasad yaal

218. bal eega dalkii xalaa

219. waxay lafo daadiyeen

 

220. Shil baa dunidii ka dhacay

221. daacuun halisaa ku fiday

222. duufaan simay baa la tegay

223. doofaarrada aan gudnayn

224. diinlaawaha gaalku dhalay

225. maxay dulin faafiyeen

226. maxay samo duudsiyeen

227. maxay godob daaqsadeen

228. maxay denbi xoogsadeen

229. maxay dabar soo xardheen

230. maxay dabin soo shaqleen

231. danbeed maran soo asleen

 

232. Waxay dumiyeen aqoon

233. ilaa dura soo taxnayd

234. waxay damiyeen ilays

235. u daaran qof meel lahaa

236. waxay kala daadiyeen

237. daryeel isu dheelli tiran

238. naf daahira bay legdeen

239. docdeeda xun dhiiriyeen

240. dan bay canlabeebiyeen

241. dawgeedu xidhiidhsanaa

242. waxay iga soo duween

243. jidkaan isku daawan jiray

244. waxay dibad yaaliyeen

245. nin tiisa u door ahaa

246. in loo daweray rabeen

247. da'diisa nimaan baryeen

248. waxay ka dhigeen dadkii

249. af iyo labadiisa daan

250. duugii ubadkay cuneen

251. wixii jiray bay dubteen

252. dusuud madhan bay dhigeen

 

253. Halkii beri doobi yiil

254. waxay danbas tuumiyeen

255. rugtii digo loo yiqiin

256. duxdii noloshay tireen

257. waxay debciyeen naftii

258. waxay dacwadheen hankii

259. waxay isku soo dareen

260. dadkii kala caagganaa

261. intii gabadh diib lahayd

262. daf iyo kaman baa la tegay

263. dhulkii darrimaha lahaa

264. deegaantiyo baadku yiil

265. dabaylo cas baa ka kacay

266. dorraatiyo guulihii

267. dallaallimadii dhisnayd

268. wixii dalag meersanaa

269. daaduun qaxay baa ka dhacay

270. wixii duluglaa ka nool

271. dibnuhu dhubbad qaadayeen

 

272. Dagaalku sal buu lahaa

273. daad soo jabay baan intaas

274. gacmaha ku dabbaal lahaa

275. anigu dirir maan hanbayn

276. doodayduna may hinnayn

277. hub baa lagu diidanaa

278. waxay igu soo dabreen

279. halkay ila doonayeen

280. aniyo debad baanu nahay

281. cidlaan dildillaamayaa

282. daleel madhan baan tubnahay

283. sas iyo dala'asaan qabaa

284. dareen dhidar baan gashaday

285. dugaag falan baan qorrahay

286. daaraantuna way fogtahay

287. duullaankuna waa sidii

 

288. Haddaad liqday daacadii

289. adaa damacow yaqaan

290. sidaad uga dayn baxdee

292. ku sii dar tu kaa daran

 

293. Cilmigan dib u heego dhaca

294. cilmigan dul ka xaadiska ah

295. cilmigan sam dawdarka ah

296. caqligu ka daboolanyahay

297. bukaankiyo daafka qaba

298. gumaysigu diin u yahay

299. Ilaah lagu diidan yahay

300. islaam la dagaalka ah

301. Danaysigu weel u yahay

302. dirsoocu u aabe yahay

303. daandaansigu guul u yahay

304. dabkiyo wada hawsarka ah

305. dilkiyo wada dhiig cabka ah

306. duullaankiyo boobka jecel

307. cilmigan dalandoolka badan

308. damiirku ka meydka yahay

309. khaansiirkiyo duufka cuna

310. dillaalkiyo tuugga dhala

311. daydaygiyo jeelka qaba

312. wanaaggu ka dayro yahay

313. xumaantu u doorantahay

314. dadkiyo simay xoolihii

315. raggiyo dumarkii furfuray

316. intuu dumarkii is baday

317. raggii dumar qaar ka dhigay

318. af-duubkiyo qoolka taxan

319. Run baa lagu daahayaa

320. Dijaal korayaa qaarsoon

 

321. Dalaal iyo been madow

322. ninkii run ku doonayow

323. abuurtu dumaal miyaa

324. ma duur iska beermay baa

325. ma baadi dibbootey baa

326. dabaylo xagaa miyaa

327. ma doonni hallawsan baa

328. dusheedu ma goob jin baa

329. durbbaan iyo jaas miyaa

330. dawliil iyo quus miyaa

331. ma buur lagu daalayaa

332. ma boog damaqdaa wadnaha

333. ma doonis calool bugtaa

334. nin tiisu u diirantahay

335. ma suu u dullaynayaa

336. ma shay laga daawadaa

337. garaadka nin daymo dhow

338. ma Daarwin siduu yidhaa

339. daayeer nin ka soo farcamay

340. ma suu u dareemayaa

341. miyaanay dastuur lahayn

342. kitaab iyo diin lahayn

343. miyaan laga sii danbayn

344. sidii daraygii miyaa

345. midhii daraygii miyaa

346. duudduub ku liq yaa ku yidhi

 

347. Nin diidey inaad run tahay

348. ku dooday inaanad jirin

349. Rabbow dunidaada bilan

350. dunteeda ma sheegi karo

 

351. Daayeerka waxaa ka yimi

352. waxaan dad habboon ahayn

353. innagu *** kalaynu nahay

354. duudkii Nebigaynu nahay

355. deeqdii Rabbi baynu nahay

356. xil iyo derejaynu nahay

357. dar loo buriyaynu nahay

358. ka sii daray baynu nahay

359. Ilaah ka durkaynu nahay

360. Islaam dilan baynu nahay

361. dugaag u dhacaynu nahay

362. ka daatay muskaynu nahay

363. Ibleys didsadaynu nahay

 

364. Doofaarada aan gudnayn

365. u doortay runtaynu nahay

366. xaqay garba duubayaan

367. ku diirsanayaynu nahay

368. diin laawaha gaalku dhalay

369. ku dayday ayaynu nahay

370. dayeysan ayaynu nahay

 

371. Sidee duni loogu lumay

372. maxaa dad ku soo lug go'ay

373. maxaa ku hungoobey duul

374. diihaal kula soo dhex dhacay

375. maxay duluc guud martaa

376. maxay dersi yeedhisaa

377. maxay nin u deexataa

378. Iadnaan ugu duur xushaa

379. hadhow xagal daacisaa

380. maxaa degdeg wiil ku yimi

381. dusheeda ku foos burburay

382. jid uu nin ku daaqay ciin

383. maxay dabadiis dhigtaa

384. nin aan ka danbbayn karayn

385. maxay doqon loogataa

386. maxay laqan dooxataa

387. maxay danab liicisaa

388. maxay dabar liilisaa

389. maxay dildillaacisaa

390. ammuur kuu dabool lahayd

391. maxay digdig soo xidhaa

392. maxay sado daadisaa

393. maxay amar duulisaa

394. maxay dardar loodisaa

395. maxay diric quusisaa

396. maxay kibir daalisaa

397. maxay damac beenisaa

398. maxay nin dabbaal yaqaan

399. dalluun ku waraabisaa

400. maxay daldaloolisaa

401. deeqdeeda hadhuub lahaa

402. maxay lur u sii dirtaa

403. ku sii dar ninkii yaqaan

404. maxay dab ku sii shiddaa

405. ninkaanay daweyn karayn

 

406. Adduunyadu waa daryeel

407. daryeelka wixii ku nool

408. dad bay magantiisa tahay

409. dardaaran cad baa ka yaal

410. daymiyo garashay rabtaa

411. hog loo dayo bay rabtaa

412. runteeda qofkii duwaa

413. xaquu kaga dayro yahay

414. dawgeeda haddaan la marin

415. daliil rabbi looga dhigin

416. deynkeeda waxaad guddaa

417. mar aanad u daafad hayn

418. ninkii dabinkeeda gala

419. dib bay u xusuusisaa

420. digniino horoo badnaa

 

421. Abuurtu dahaysanaa

422. sir iyo duluc raaranaa

423. daabkeedu aroorsanaa

424. degaandeg ballaadhanaa

425. dawgeedu aloosanaa

426. rugaanrugo durugsanaa

427. muggeedu daruuranaa

428. dijaallada soo if baxay

429. weelkay darayaan yaraa

430. damiinka waxaa ka dhigay

431. amuurahan daalka badan

432. siday u dul cararayaan

433. kashii demman bay legdaan

434. siday wax u duufsadaan

435 daliil uma si hayaan

 

436. Hubkooda dayaanka dheer

437. markay darandoorriyaan

438. cid bay ku dullaynayaan

439. cabsay dad ku beerayaan

440. korkeena inay degaan

441. dusheenna ka soo hadlaan

442. waxay ugu duur xulaan

443. kasheenna inay darbaan

444. hankeenna inay dilaan

445. jidkeenna inay duwaan

446 dawaafka is dhaafayaa

447 duullaanka cirkee socdaa

 

448. Dedaal iyo maaha guul

449. daryeel kuma baadhayaan

450. wanaag kuma doonayaan

451. inay cilmi daalacshaan

452. aqoonta ku sii durkaan

453. wixii dedan qaawiyaan

454. dantoodu ka sii gun dheer

455. rugaa dirir saaranyahay

456. waxay u docaynayaan

457. dayaxa u hadhaynayaan

458. dagaar u cagaynayaan

459. inay run ku duudsiyaan

460. xaqiiqada daahsudhaan

461. adduunyada dooriyaan

462. iyagu u daliil noqdaan

 

463. Nin diidey Inaad Run tahay

464. ku dooday inaanad jirin

465. Rabbow dunidaada bilan

466. ammaan kuma daaqi karo

 

467. Haddaan Runi diiddanayn

468. haweeney dumaal ku timi

469. waxay derejeyn lahayd

470. inay gabadh doonnan tahay

471. diddii hungurow diddii

472. kal daaf hagayaay diddii

473. dhegaade danow diddii

474. dareenka bukow diddii

475. adduunyadu maaha dool

476. dijaallada soo if baxay

477. haddaanay war deeqa hayn

478. sidaan u dayaaba waa

479. docdaan u kacaaba waa

480. dushaydiyo hoostu waa

481. Daliil iyo waa Yiqiin

482. Dallaallimadeeda guud

483. siday u dalaysantahay

484. siday u degmaysantahay

485. siday u duggaashantahay

486. siday u dalleensantahay

487. siday u dammiin caddahay

488. siday u dareersantahay

489. sidaanay u daadsanayn

 

490. Da'deeda la yaabka weyn

491. siday uga duug la'dahay

492. siday dalandool u tahay

493. siday u dekeysantahay

494. siday u taqaan didmada

495. siday u dareen la'dahay

496. siday u daryeelantahay

497. siday u darbbaysantahay

498. siday u daraandaraan

499. siday uga dayriyaan

500. siday laba duul u tahay

501. siday laba deeq u tahay

502. siday degel degel u tahay

503. siday degel qudha u tahay

504. hal doorba hal doorka kale

505 siduu ula daawa yahay

506 amuurahan laysku dabay

507. dawaarahan laysa sudhay

508. sidii deleb loo dhigdgigay

509. wadaagahan laysu diray

510. lammaanahan laysku daray

511. hadday is daboolayaan

512. ilaah dejiyaan maqnayn

 

513. Cadceedu dorraad ma dhalan

514. kulkeeda dawaa ku shuban

515. if keeda Run baa ku duxan

516. dayuxu marin buu hayaa

517. xil loo diray buu hayaa

518. daw buu ku aroorsanyahay

519. dilluu ku hoggaansanyahay

520. dooggiyo dhirtu maaha baad

521. caleen iyo ma aha daaq

522. kasii duluc dheer intaas

523. waxaa ku dareersan nuur

524. Run bay ku dalaysantahay

 

525. Wadduur culus baa ku taal

526. daymaan lagu faaqidayn

527. dareen akhriyaan la hayn

528. indhaha damac baa hor yaal

529. waxaan Dahab meel ka gelin

530. waxaan magac doollar sidan

531. diinnaar iyo lacag ahayn

532. yaqiin kama sii dayaan

 

533. Damiirku hadduu qallalo

534. hadduu dufan raadis yahay

535. daliilka hortiisa yaal

536. waxaa kaga beegan daah

537. dadkuna badi waa sidaas

538. dakano gacal bay qabaan

539. dagaal ramataynoqdeen

540. dabrrayn iyo weerar bay

541. Runtii kaga duuban tahay

542. Xaqiiqada daahir ka ah

543. dulmay kaga hoos jiraan

544. abuurta ma daawadaan

545. denbay kala boobayaan

546. dushooda ma eegayaan

547. dux bay kaga fooraraan

548. si bay u dar jiidhayaan

549. dunuunuc bukay liqeen

550. dalqay wax ku eegayaan

551. dil bay u hamuumayaan

552. dibnay la haliilayaan

553. dedaal ma haleelayaan

554. daryeel ma hanbbaynayaan

555. dardaaran ma dhuuxayaan

556. digniin ma dhabaynayaan

557. dharaar kama doodayaan

558. halkay ku dambbaynayaan

559. dayow kama toosayaan

 

560. Wax diiddo markay jirtaa

561. wax doonkuna meel mar yahay

562. naftana dabar baa xaslada

563. dibsooduna waa ammaan

564. digtooni haddaan la hayn

565. dagnaaniba way jirtaa

566. dannaani miyuu xunyahay

567. markaan danan loo maqlayn

 

568. Xilkii dadnimay rabaan

569. xuquuq dadnimay rabaan

570. naf daallina bay rabaan

571. inaan dulmigeedu qaban

572. dawgii noloshay rabaan

573. inay shar ku daydayaan

574. xumaan qof ku daalayaa

575. wanaag damaciis hayaa

576. dammiinka halkii ahayd

577. siday uga soo durkeen

578. miyay dib u soo noqdeen

579. siday u duleed baxeen

580. ayay u dabayshadeen

 

581. Waxay dumiyeen Runtii

582. waxay u dumeen Runtii

583. markay dumiyeen Runtii

584. nin daacad hoggeeda qoday

585. miyuu ka danbaynayaa

 

586. Intuu bahalaha dugsado

587. intuu Dubur hawd ka xulo

588. ayuu qofku doonayaa

589. dugaaggu inaanu cunin

590. Naftiisa qofkii dulmiyey

591. deyrkaaga hadduu ka baxay

592. muxuu halis daaqayaa

 

593. Addoonku Rabbow ma dayo

594. deeqdaada intuu hantiyo

595. duntii maqan buu tebaa

596. wax uu degdeg kaaga filay

597. haddaanay ku soo dul quban

598. cadhuu la dakaamayaa

599. dibnuhu baryaday karaan

600. daryeel kama mahad ceshaan

601. jiilaal la darbbaysanyahay

602. diihaal iyo gaajo kulul

603. haddii beri roob ka da'o

604. qof doogey markaas illow

605. siduu u ducayn yiqiin

606. xusuusba ka sii durduri

 

607. Nin duunyadu mool ku tahay

608. dadkiisuna maansha yahay

609. ayaa misna kuugu duda

610. waxaanu u daafad hayn

611. qofkaad shar u diiddan tahay

612. u doortay si kahyr ku jiro

613. ayaa misna kuugu duda

614. waxaad uga daacad tahay

615. Sifaadkaa deyr ma xidho

616. dareenku ma gaadhi karo

617. garaadku ma duubi karo

618. dibnuhu ma macnayn karaan

619. qof doonay inuu dhex galo

620. ku daaley ma dhaafi karo

621. Dunjiga khalqigaagu yahay

622. haddii gelin laysu dumo

623. raggiyo dumar laysu guro

624. jinkiyo insi laysku daro

625. hadday ku dedaal galaan

626. intay dardartoodu tahay

627. hadday orod dooddiyaan

628. hadday fadal deeddamaan

629. muggood daranddoorriyaan

630. haddii badda loo dardaro

631. dawaad milan looga dhigo

632. dureemada loo qorqoro

633. waxay ku danbaynayaan

634. inay dib u soo gurtaan

 

635. Astaamaha dawladnimo

636. markay derejiyo Run tahay

637. adaan cidi kaaga dayan

638. in daalacan Baad taqaan

639. intii dedan Baad ogtahay

640. horraysana Waad digtaa

641. dambaysana Waad sugtaa

642. intii daran baad kartaa

643. in doora rabbaad u tahay

644. dulleynna Adaa ku filan

645. daryeella Adaa ku faxan

646. Sidaad damacdaaba fudud

647. dardaar werintaada guud

648. adaa naxariis ku daray

649. dannina boqor baad ka tahay

650. dayrona Hodan Baad ka Tahay

651. denbina Dhaafaad u Tahay

652. dulqaadna Allaad u Tahay

653. baryana Deeqlaad u Tahay

654. Adaan talo kaa degdegin

655. dorraato wax kuu ekaa

656. adaan dib u qoomamayn

657. adoo isla doonay laba

658. adaan midi kaa durkayn

659. adaan waxba kaa dibjirin

660. adaan damac fuushanayn

661. adaan waxba daba orddayn

662. aday dani kuu dhantahay

663. adaan xagal daac lahayn,

664. wixii hadhay baa dellegan

665. daalaa dhacu waw astaan

666. waxaa doqonniino badan

667. intuu dadba kow ka yahay

668. waxaan dalab waayi karin

669. intuu durey hoog ku yahay

670. hadduu dib qallooc yaryahay

671. naftuu damqayaan is bixin

672. sidii dudurkaan socdaa

673. sibaan u durdurinayaa

674. hortayduna waa derderan

675. hareeruhu waa deldelan

676. gaadashuna waa damdaman

677. aboor iyo waa dundumo

678. dhadhaaba xidh baan tognahay

679. darmaan falan baan sudhnahay

680. dameero jin baan intaa

681. dib uun ugu guurayaa

682. shax baan degayaa hog hogan

683. hog baan ka ilduufayaa

684. wadaamo dugeed ayaan

685. darroor ka gufaynayaa

686. qabyaan ku dul meerayaa

687. iyadu daldalool ku nool

688. markaan gudin daab u helo

689. ayuu dumayaa habeen

690. dab baan dab cunsiinayaa

691. dab baan ku bakhtiinayaa

 

692. Ummuur dedan baan haddana

693. dabool kale saarayaa

694. bar baan kula doodayaa

695. bad aan bado daalin karin

696. naf baan isla doonayaa

697. is diiddo dhexdeeda taal

698. duunkayga baqaa ku jira

699. dareen cabsiyaygu badan

700. hadduu dacaw meel ka ciyo

701. didmaan isla boodayaa

702. malyuun dakhar baan qabaa

703. doogtooda ma ciidmi karo

704. waxaan ahay ruux u dagan

705. cadaawiyo duullan baas

706. kal dooxani way habtaa

707. dardaaran haddii la faro

708. digniintu hadday caddahay

709. dammiinku ma dhuuxi karo

710. dorraad ma xasuusan karo

711. waxaan dibindaabyo falay

712. shalay kama daacad noqon

713. dantayda wixii ahaa

714. haddeerra si dawgu yahay

715. dib baan ka illaawayaa

716. dad baan ahayoo Rabbow

717. kolley denbi way ag yaal

718. hawiyo damac baa i sida

719. hiyiga falan baa i dira

720. dareenka xun baa i shidan

721. ta ii daran baan jeclahay

722. kas baan ahay daymo dhow

723. kal baan ahay doonis badan

724. inaan dumey maan ogayn

725. inaan degey maan arkayn

726. dermaan Run ku goobayaa

727. dabaylo ibleys wataan

728. sidii qori daad la tegey

729. wed baan dul sabbaynayaa

 

730. Intii dabin ii xidhxidhan

731. intii belo ii dahsoon

732. intii dalag loogu dhaco

733. dalluumaha ii qarsoon

734. rabbow debecaaga saar

 

735. Miisaanku doc buu jiraa

736. docdii halistuu jiruu !!!

737. intaan dawan laysu tumin

738. dayaanku intuu negyahay

739. intay belo deyrantahay

740. intay weli duur xul tahay

741. duulduulka ku kooban tahay

742. hadday tahay maalin daran

743. ka sii daran baa jirtee

744. intay weli doobir tahay

745. dib iyo noqoshaan rabaa

746. dan iyo nolol baan rabaa

747. dawiyo nabad baan rabaa

748. xill daahira baan rabaa

749. naftayda inaan u diro

750. wax uu dugsadaan rabaa

751. hankayga inaan ku dayo

 

752. Dagaal xaq ah baan rabaa

753. deeqdaada Inaan ku helo

 

754. Damiir xalan baan rabaa

755. deynkaaga inaan ku gudo

 

756. Rabbow ifka nooga door

757. dedaalkana noo rumee

 

758. Rabbow danbbe noo ogow

759. wixii tegey duudsi yeel

 

760. Rabbow dunidaada weyn

761. dabaylo fayow ku xeer

 

762. Intii dulin baas dhex taal

763. rabbow digo xaadh ku fiiq

 

764. Rabbow magac dawladeed

765. intaan dugsan layn yiqiin

766. rabow dumi waa hungee

 

767. distuurrada baadilka ah

768. intaan xaqa daafacayn

769. ka reeb dambas waab dhex yaal

770. Rabbow dalka kaanu nahay

771. intii degel muumin yaal

772. wanaag ku dallaallimee

773. Islaamka kusoo dabbaal

774. waxay ku dulloobayaan

775. Dijaallada soo if baxay

776. qof deymo leh haw shidhayn

 

777. Haweenkuna waa duggaal

778. deeqdaada badh bay yihiin

779. waxaa lagu daaqayaa

780. siday u dul leeyihiin

781. shar daalacan baa jiree

782. iyagu dedan bay dhasheen

783. dunuubta ninkay badhxaan

784. rabbow ducadayda sii

785. samaa dumar noogu dhiib

786. raggana dummaddooda saar

787. waxay dumiyeen rabbow

788. haddaanay xumaanta deyn

 

789. Rabbow dalandoolka dhow

790. shil noo dihin maalintaas

791. rabbow naga sii dabool

792. hortaadana noo dalee

793. degaankana nooga yeel

794. daryeelku halkuu run yahay

 

795. Haddaanay *** sooc lahayn

796. falkaagu u daw bannayn

797. cibaadadu waa ku daal

798. Badbaado qof doonayow

799. kashaada dareen ku beer

800. dareenka samaa ku beer

801. indhaha dib u soo muslimi

802. Illaahay dartiis ku eeg

803. daliilka hortaada yaal

 

 

Maxammed Ibraahim Warsame "Hadraawi"

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

HALKAN KA DHEGEYSO

Copyright© 2002-2003 Aftahan.com.

 

 

Fido = Kelmedda macnaheedu waxa weeye isbiimayn ama is qarxin oo nafta loo huro qaddiyad nafta ka weyn.

 

 

Maalmahan oo ahaa maalmo ay naxdini hadhaysay waddamada Islaamka iyo caalamka oo dhan. Isla markaana ay ummadda islaamka soo waajahday dhib aad u weyn. Caalamka intiisa kalena uu gilgilay dilkii foosha xumaa ee Israaiil kula kacday halyeygii, geesigii reer Falastiin Shiikh Axmed Yaasiin . Gaar ahaana ummadda Reer Falastiin waxa u dumey habeen madow, waxaay waayeen halyeygii xoriyadooda iyo difaacooda ugu god galay. Ilaahay naxaristii jano ha ka waraabiyee Shiikh Axmed Yaasiin wuxuu ka geeriyooday dhammaan intii raacday dariiqii xaqa ahaa ee Islaamka.

 

Haddaba waxaan halkan idiinku soo bandhigaynaa gabay uu tiriyey abwaanka weyn ee Hadraawi oo ka hadlaya qaddiyada reer Falastiin. waa Maansadii Fido.

 

 

Fido

 

Nin fagaare Jaan-dheer

ficil heesay baa yidhi,

“inkastaad fariid tahay

haddaan cidiba kuufurin

fiicnaantu keligaa

maxay kuugu filan tahay”.

“Hadalkaan farshaxannimo

ama fliro loo odhan,

caanahaan fal qurux badan

ama fiiqsi loo dhamin “,

wuxu yidhi nin faaqidey,

“feedhahay wax yeelaan “.

 

Faaraxow’ halyeygii

Falastiin dabka u sidey

goobihii fas-loolkee

foolba foolka ka hor-yimi

ficilkuu ka geystiyo

faalladuu is daba dhigay

haddii noole faaqido

faahfaahin lagu daro

xaya calal falaax dhaha

Fatax iyo Idaajaa

fa ‘du qoran warkuna furan.

 

Haddaannaan fadqalalliyo

fiilooyin qoolayn

ama qolo kufoognayn

ama dhiigfaraa gelin

waannaan fadhiyi karin.

 

Faaraxow gumeystii

Waanwaanta faygiyo

faraceeda gooyee

fiiddiyo kurkii jaray

xididkèeda faadh faadh

laga feydyey maradii

belo fuursan loo yeedh

iyaduna fitiligtii

fannah orodka soo tidhi

fartu damaqday boogtii

ku fadhidey qunbacashada

Riigan sii faddaadee

fidmo qoriga loo dhiib.

 

Falastiin raggeedii

geerida hab faxannimo

nafta ugu fideyn jirey

****** waxay yidhaahdeen

inta Farow sakalan tahay

Falastiin henggelan tahay

dadka lihi fongoran yahay

belo wayska fududdahay

imminkaabay fidhatee

yaa fandhaal ba weli daray.

 

Kol hadday fogaatoo

faddarowdey nabaddii

annaguna nin fara-baxay

fasax baannu siinnee

Faataxaannu leenahay,

ninka cudud ku faaniyo

foolaad ha soo baxo

Fido waa naqaannaa.

 

Haddaa Faantom keentaan

bado soo faruurtaan

Beegan fooso soo tubo

ciidan faylsan soo guro,

awel baanan fiicnaan

iyo qabin fayoobaan.

Ninka igu fekerayaa

inuu fooror igu helo

fadhi quusa igu dulo

doqonnino igu falo

Mar horraan ka faashaday.

 

Cabsiyeey fur lagu geli

Riiganow' falkaa yeel

baaruudda firidhiyo

fidhadiyo dabaylaha

Naabaal ka fara-badan

fidh-fidh go'a hubka u diran,

sida fadhanfadh soo lali

fallaadh baan cirka u diray

fool bay Ia maqan-tahay

Nin walowba ila filo.

Haye dee Faqdiirow

sharka aynu fuulnee

awrka soo faruur-xidha,

Xaajadu falaad iyo

Umal feedha jiifoo

furka ridey xanuunkiyo

farsamay ku socotaa,

hubka ficil ma lagu guray

fooxana ma lagu ridey.

 

Fud-fudaydka Geeshkii

dhigi jirey fajicisada

farta mawgu yeedheen,

markii foodda lays-daray

fagaxdiyo durduradiyo

fahda orodka booddada

fadal-boobka carashada

Geeshkii cir-fanashada

figta sare lahaan jirey

fakadii ma laga degey

fahma-guur ma lagu ridey

filan-waa ma ka horyimid

fatata 'a rasaastiyo

falfaboosta Naatoo

 

Bir finiin-ka-joogaa,

fitir faatir gubatiyo

ma ka dhigay fataatiir.

Galaw fooridiisiyo

fiintu maysu yeedheen.

Geeshkii fasaadkiyo

furashada haweenkiyo

feenashada dhallaankiyo

dhiigga fuuqsigiisiyo

fantasaha ku caan baxay

fadh fadhiyo is-waalkii

iyo feejignaantii

dhulka loogu fidin jirey

ma fasakhay nin diiddani,

sixirkiyo falkoodii

falowgay yaqaanneen

tu ka daran ma lagu falay,

Ma fan-jeedshey Geeshkii

Fule lagu cabsiin jirey,

dhabankii fayoobaa

shan farood ma lagu dhigay,

Caga-jiidka fiindhaha

dib u faana-gurashada

goobihii fantaysnaa

ma ka faadhumaysteen.

Beegan tab ma faaqidey

****** iyo walaalkii

Fiqigii gumeystaha

ma u diray farriimaha

falanqaynta sheekada

faqa maysku taabteen

feleggiyo xiddigihii

fiiro mawgu laabteen,

xaajada faruur-xidhan

ma furdaamin waayeen.

 

Xaajada fal-nacaska ah

faalkeedu bixi waa

fixiweydey beentii

runta filansho-waaga ah

food saaro loo waa

godob feedhanaysiyo

Finjil iyo Fajaajuur f

araqay is-haystaan.

 

Faanow waxba ha tarin

fooxaalligii mee!

togga soo faruurmiyo

webiyada fatahayaa

fooraha cartamayaa

fadadka is-galaa baxay

ma fidaa‘igiibaa

lagu qoray fallaaggee

Faaraxow gumeystuhu

beri hore faquuqee

faddaraa gardiidiyo

far-ku -tiris ku sheegeen.

 

Wedku faata-faataha

Faad faatintiisii

hadduu meel ku foognaa

guryo sixin fatahayuu

ku ekeeyey foofkii

fakabkiyo baroortii

Falastiin ku koobnayd

wakhtigaa fogeeyoo

Faaraxow Talaafiif

firka-naxa habeenkii

iyo labada fiid-cawl

fooladdeedu waa weer

meydku waa is-feedh yaal

Gaarriyow lafara badey.

 

Riigan faygarkiisii

falkintiyo shirqoolkii

falalkii iska hor yimi

wuxu ceeb ku foognaa

fool-xumooyinkiisii

ma la yidhi ku fool-dhaqo?

Boqorrada faxaaxsadey

faankii duleediyo

ma dhigeen is fagalixis

Fahad iyo bahdiis

Falastiin cidlada dhigay

Weji-dadab ma fiigeen?

Il-fashaqa ma dhuunteen.

Duubkii fatooshkiyo

Shaalkii ma laga furay?

 

Ma fadeexaddii baa

laga feydey maradii

Ma fadeexaddii baa

Iyadoon fur saarnayn

Fooruhu ku dhacayaa

Ma fadeexaddii baa

Fiddiggeed haaddiyo

Cayayaanku fadhayaa

Xaajadu farraarliyo

**** qaawan badannaa

 

******a gumeystuhu

Falastiin xilkeediyo

Nabaddii fayoobeyd

Waakii ka faaqdee

Arrintii fogeeyee

sakalaha fardama sudhay

Gartu fuli ma leedahay

Dhegihii furaysnaa

Baaruud ma lagu furay.

Isticmaarku fiix iyo

fin caloosha kaga yaal

ma is yidhi ka faraxalo

nabarkii ma sii fiday

sida furuq tin iyo cidhib

ma ku faafay xididda

Ma fadhiistay dhuuntiyo

meel aan farsamo gelin.

Fara saarka Bayruut

Xinjir faartay mooyee

inaan faanaheediyo

faranteeda cidi marin

xilihii ma lagu furay

foodho yaa car soo gala!

Jiritaanka Falasdiin

inaan xoog furfuri karin

Faantoomna ridi karin

Fiitoona tiri karin

geesigii ufeydnaa

ma ku qoray far waaweyn.

 

Ma wareegey feleggii

In la tago fagaaraha

fursan-waa ma laga dhigay!

Runtu maysku filan tahay

farta dhiigga lala galay

shaxda laysku fay go 'ay

turubkii faska ahaa

Falastiin ma haysaa,

Gaarriyow fajicisada

ninkii foodda dheeraa

fatar kiil ma lagu yidhi!

Guul baa lafilayee

fooraddii ma lala tegey

gobannimo ma faral baa.???

 

Falastiin raggeedii

figladiyo wadaamaha

foosba foos ma ku hubsaday

facfac maysu dhiibeen

filka xiga ma lagu simay

Cartan faylka maw baxay

Fadal maw xidh-xidhan yahay

Faaruuq ma korayaa

Fido uurmaleedahay

Faaqid maw calool galay

Faayo maw mattaan tahay

Falastiin ma geed baa

Halka faash ku laba-dhaco

laamuhu ka foofaan.

 

Falastiin ma beer baa

waqal fool eryaayoo

laga guro fariidkoo

fufka dhala halyeeyada

hadba foodda laga jaro!.

Fooraha Lubnaan maray

ma ku fiday adduunyada!

fara wada ilaysiyo

ma ku ganay fallaadhaha

wakhti fagadh ma soo yidhi!

firxadkii is-waayiyo

filqantii ma urursaday!

Falastiin salkeediyo

fidda-baxa Amriikiyo

Fiyat Naam dusheediyo

Foqom iyo Rashiidow

togga Foolgo iyo Cadan

ilaa fayga Keeb Tawn

fadku maysu muuqdaa.

 

Fegendaha gilgilashada

falaxfalaxda laydha ah

fudad kale ma burureen

farxaddii ma tooseen!

Feeraarta Bari-dhexe

falladhkii madoobaa

faynuus ma sudhan-yahay

filashadu ma badantahay.

 

 

Falba waa falkiisee

Anna faajafaajada

furashada Hargeysiyo

fooqa buuraleydiyo

fanaxyada Nugaaleed

dhulka mudug ka foorora

Faxfax-dhuun agtiisiyo

Faannoole iyo Xamar

faras mawgu joogaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this