Sign in to follow this  
Deeq A.

Lix arrin oo sabab u ah amni-darrada iyo dilalka ka socda magaalada MUQDISHO

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya waxay mar kale ku laabatay dariiqii dilalka tiro beelka ah. Walwalka iyo cabsida heysa Shacabka caasimadda ku nool ayaa laba jibaarantay labadii Bilood ee lasoo dhaafay.

Seddaxdii todobaad ee u dambeysay waa naadir Habeen ama Maalin aan Muqdisho lagu toogan qof shacab ah. Sida aan ogaanay seddax waji ayey dilalku leeyihiin.

Qaar waa kuwo qorsheysan oo laamaha amnigu sheegeen inay fuliyaan kooxda Al-Shabaab, qaar waxaa fuliya burcad ka tirsan ciidanka dowladda oo rabta inay dhacaan dadka shacabka ah, kuwana waxaa dhaliya isticmaalka saa’idka ah ee daroogada oo si ba’an ugu faaftay caasimada Muqdisho.

Dadka magaalada waxay isku dhinac wadaan cabasho iyo aaska meydadka, mana muuqdo qorshe deg deg ah oo wax ka qabanaya arrintaan.

Dalku wuxuu ku jiraa xilli doorasho, dad badan waxay is waydiinayaan maxaa u sabab ah dhibaatooyinka amni ee caasimaddu la ciir-ciireyso maalmahaan?.

Dhowr arrimood ayaa loo arkaa sababta ka dambeys dhibaatadaan.

1- Dhaqaale la’aan

Caasimadda Soomaaliya waxay wajheysaa dhaqaale xumo, kaalmadii dibadda ayaa hoos u dhacday, ganacsatadii ayaa yareeyey dhaq-dhaqaaqooqda wax soo dajinta, iyagoo ka walaacsan xaalka siyaasadeed ee dalka.

Lacagihii kaashka ahaa ayaa badi dalka laga saaray, dhaqaale xumadaan waxay saameysay dhinac walba oo kamid ah Bulshada.

Mar walba oo magaalada dhaqaale la’aan ka dhacdo askartu waxay isku dayaan inay hunguriyeeyaan jeebka shacabka, iska caabinta ka dhalatana waxay badisaa geerida.

2- Madaxdii Ciidanka oo aaday Siyaasadda

Nidaamka Madaxweyne Farmaajo wuxuu hunguri siyaasi ah geliyey dhammaan hoggaamiyaashii ciidanka dowladda, Xamar waxaa Hoteellada fadhiya saraakiishii hoggaaminaysay ciidamada.

Waxay raadinayaan xildhibaanimo ama nidaamka talada haya ayaa usoo dhiibay qof reerkooda ah oo la rabo inay xildhibaan kasoo dhigaan oo ay beesha kasoo iibiyaan.

Shaqada siyaasadeed ee loo diray saraakiishii ciidanka ayaa dhalisay firaaq amni.

3- Khilaafka madaxda sare

Muddooyinkii lasoo dhaafay waxaa soo noqnoqday khilaafka madaxda sare ee dalka, ciidanka ayuu dhowr jeer kala qeybiyey khilaafkaan, mar walba oo madaxda sare ay isku dhacaan waxay hoggaanka ciidanka la kala saftaan madaxda is heysa, waxaana hoos u dhacda kala amar qaadashada ciidanka.

Khilaafka Farmaajo iyo Rooble wuxuu qeyb ka yahay waxyaabaha sababay dayac amni ee ka jira Caasimadda Muqdisho, maadaama aysan askartu si buuxda iskula shaqeyn hadda.

4- Wada-shaqeynta la’aan ciidanka iyo Shacabka

Markii la joogo magaalada Muqdisho waxaa aad u yar cilaaqaadka ka dhaxeeyo laamaha Amniga iyo Shacabka, waxaana jirin kalsooni badan, askartu uma sameysno mana hayaan aragti lagu soo jiidan karo ama lagu dhex geli karo bulshada.

Halka dhanka dadweynaha taalo aragti sheegeysa ciidanka laftirkooda lagala kulmi karo dhibaato Amni oo ay tahay in laga fogaado oo aan lala macaamilin.

Waa la isku dan ah oo haddana is diidan .

5- Maandooriyaha

Caasimadda waxaa kusoo batay isitcmaalka iyo ka ganacsiga noocyada halista ah ee maandooriyaha. Magaaladaan muddo dheer waa ka bad qabtay dhibaatadaas, laakiin hadda si xooggan ayaa loo iibiyaa looguna dhex faafiyaa dhallinyarada iyo ciidanka.

Dagaal xooggan iyo wacyi gelin Diineed oo arrintaasi la xiriirta ma muuqato. Askartu iyagoo aan miirkooda joogin ayey rasaas ku furaan qofkii ay doonaan.

6- Ciqaab la’aanta dilaayaasha

Muqdisho waxaa ku badan askarta gacan ku dhiiglayaasha ah. Labadii Bilood ee lasoo dhaafay wixii Shacabka laayey waxay u badnaayeen Askarta Dowladda, badankood lama qaban lamana ciqaabin.

Mar walba oo la diciifiyo ciqaabta waxaa abuurma dambiilayaasha cusub.

Maxaa xal u ah dhibaatada Muqdisho?

Dad badan waxay qabaan in haddii hoggaanka ciidanka kasoo haraan siyaasadda oo shaqadooda xoogga saaraan oo khilaafka madaxda sare iyo hey’adaha amniga lakala ilaaliyo oo la abuuro aragti cusub oo ay ku wada-shaqeyn karaan Shacabka iyo hey’adaha Amniga oo si buuxda loola dagaalamo Daroogada oo sio deg deg ah loo ciqaabo gacan ku dhiiglayaasha oo ciidanka joogteeyaan roondada iyo ka war qabka magaalada waxaa la aaminsan yahay in xaaladda Muqdisho ay dhaami laheyd sida ay Maanta tahay.

The post Lix arrin oo sabab u ah amni-darrada iyo dilalka ka socda magaalada MUQDISHO appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this