Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan cusub oo lagu doortay KISMAAYO + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaa maanta ka bilaabatay doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ee ka imaanaya dowlad goboleedka Jubbaland.

Doorashada oo lagu horreysiiyey kursiga HOP 114 ayaa waxaa ku tartamay laba musharrax oo kala ah Cumar Ibraahim Xaashi iyo Cabdi Aadan Cabdullaahi, waxaana kusoo baxay Cumar Ibraahim Xaashi, sida uu shaaca ka qaaday guddiga doorashada Jubbaland.

Cumar ayaa helay 80 cod, halka musharixii la tartamayey uu isna helay 12 cod, sidoo kale waxaa halaabay 8 cod sida uu sheegay gudiga doorashada Jubaland oo natiijada shaaciyey.

Sidoo kale doorashada ayaa haatan sii soconeyso, waxaana la guda-galayaa kursi xigta ee loo qorsheeyey in maanta la qabto doorashadooda waxayna kala yihiin:-

1-Hop107 oo ay ku fadhisay Xaawo Maxamed Aadan.

2-Hop120 oo uu ku fadhiyey Cabduqaadir Sheekh Cali Ibraahim (Baqdaadi) oo mar soo noqday Wasiiru dowlaha madaxtooyada Soomaaliya.

3-Hop111 oo uu ku fadhiyey Maxamed Nuur Iftin Shambara.

4:Hop028 oo uu ku fadhiyey Cabdullaahi Maxamed Aadan Shaacir

5: Hop093 oo uu ku fadhiyey Wasiirkii hore ee Diinta & Awqaafta Sheekh Nuur Maxamed Xasan.

Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday in tallaabadan ay qayb ka tahay fulinta heshiiskii doorashooyinka ee dhowaan lagu gaaray Muqdisho.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

272296484_305684488264831_11703482998634 272280711_305684414931505_10004198013156 272291560_305684418264838_37277292584599

The post Xildhibaan cusub oo lagu doortay KISMAAYO + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this