Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Maroodi-jeex ayaa maanta tababar u soo xidhay ……

Recommended Posts

Deeq A.   

 

Shareecada-iyo-GarsoorkaMaxkmada.jpg

Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Maroodi-jeex Cali Suudi Diiriye ayaa Isniinta maanta tababar socday laba cisho u soo xidhay Garsoorayaal iyo Xeer ilaaliyaal ka kala tirsan Maxkamadda Racfaanka Gobolka Maroodi-jeex, Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex, Maxkamadda Degmada Hargeysa iyo Xeer ilaalinta Gobolka Maroodi-jeex.

Tababarkan oo ay soo qaban-qaabisay Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland oo kaashanaysa Hay’adda UNDP ayaa xeel-dheerayaashii bixinayay, duruusta iyo xubnihii ka soo qayb galay tababarku ku lafa-gureen doorka ay Shareecada Islaamku siisay garsoorka, waxaanay kaga doodeen mawduucyo kala duwan oo taabanaya nidaamka ay Diintu u jidaysay garnaqa iyo miisaanka ay leedahay hubinta iyo u dhaba-galka cadaymaha la xidhiidha dacwadaha.

Cabdi Ibraahin Aadan oo ka tirsan xafiiska Xeer ilaalinta Gobolka Maroodi-jeex oo ku hadlayay afka ka soo qayb galayaasha ayaa sheegay in ay aad uga faa’iideen tababarkan muddadii uu socday, waxaanu Maxkamadda Sare u soo jeediyay in la badiyo tababarada noocan oo kale ah. Dr Xuseen Xasan Cali oo ka mid ah xeel-dheerayaashii bixinayay tababarka ayaa isaguna geestiisa xusay in garsoorku ka mid yahay meelaha ay bulshooyinku ka horumaraan, waxaanu xubnihii ka soo qayb galay u hoga tusaaleeyay ahmiyada ay leedahay shaqada ay hayaan iyo sida ay ugu horumarin karaan qaranka Somaliland. Geestiisa guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Hargeysa Yaxye Xuseen Yuusuf ayaa qaadaa dhigay faa’iidooyinka ay ka dhaxleen tababarka ee ku qotomay Shareecada gaar ahaan nidaamka gar-qaadista iyo sugida cadaymaha, waxaanu hoosta ka xariiqay in ay ku dhaqmi doonaan faa’iidooyinkaasi.

Ugu danbayn guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Maroodi-jeex Cali Suudi Diiriye oo tababarka soo xidhay, ayaa tibaaxay aqoonta ku duugneyd tababarka, oo uu sheegay in dedaal badan la galiyay sidii loogu soo koobi lahaa laba cisho, maadaama muddo lix bilood ama sannad ah lagu qaato. Guddoomiyaha ayaa xubnaha ku baraarujiyay ahmiyada Shareecada Islaamka ay leedahay waxaanu yidhi “Markaynu Garsoorka nahay ta aynu ku bad-baadaynaa waa Shareecada Islaamka, dacwad kasta ood qaadaysaan waa in Shareecada lala eego, waa ta aynu nafteena ku bad-baadinayayno, umaddana aynu ku bad-baadinayno, awlaadeena aynu ku bad-baadinayno, aakhiradeenana bad-baadinaysa” waxaanu sheegay in tababarada kale ee la xidhiidha Shareecada, ee ay codsadeen xubnihii ka soo qayb galay tababarku uu gaadhsiin doono Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo xooga la saari doono.

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this